Monday, December 3, 2007

QODAALKA IYO QAAYIHIISA

Qodaalka iyo Qaayahiis (Part II) - By Dr. Suleiman Walhad

Waxa aynu wadnaa warkeenii; Wacyi gelinta ahaa iyo waanada - Waa warkii wax istara lahaa oo isweytaansha - Waa waaxdii dambe eee qodaalka ka warramaysay - Waa godadle sidii kuwii hore.
Godka Koobiytobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Dadku isku wada awood maaha.2. Beeruhuna isku wada itaal maaha.3. Ciida iyo biyaha ayay ku kala wanaagsan yihiin iyo waxyaabo kale.4. Sidaa awgeed, qof iyo beer iyo degmo waliba;5. Waxa ay ku fiican yihiin waa in ay abuuraan.6. Meel garowga ku haboon geed kale waa in laga beerin.7. Waxa aan ognahay, idina aad ogtihiin;8. Fawaakih badani in dhulkeena ay ka bixi karaan.9. Zetuunka oo kale doox ayuunbay la raadsadaan;10. Isaga oo ka bixi kara meelo kale.11. Tufaax, canbaruud iyo cananis iyo geedo kale;12. Ayaa dhulkeena ka bixi kara.
Godka Labiyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Qofku haddusan beertiisa qodan Karin;2. Miyuu ka kireeyo qof kale;3. Hadhawto la wadaago baxaal wixii ka soo baxa.4. Heshiis sidaa uu ku la galo.5. Dadbaa iyagu aan ku noolayn baxaalka beerahooga.6. Biilkooga meelo kale ayaa ay ka helaan.7. Kuwani qodaal ganacsi maxaa ay u abuuri waayeen?8. Qodaal ganacsi waxa uu u baahan yahay in aad looga fiirsado.9. Waxa ala beeraayo, kharashka uu ku kacaayo, sida suuqa loo geeyo;10. Dakhliga iibgaynta laga filayo, iyo waxyaabo kale.11. Suuqaqa innagu dhaw miyaa diraasad lagu sameeyo!12. Wadaagyo suuqeyn miyaa la abuuro!13. Wadaagyo baxaalka iibsada oo dibada u iibgeeya miyaa la sameeyo!14. farsamooyin badan oo kalaa jiree fiiro ha loo yeesho.
Godka Saddexiyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Suuqeyntu todoba tallaabo ayay ka kooban tahay; Dugsiiye weydiiya.2. Marka hore waxa la go’aansadaa waxa la beeraayo, ma garawbaa, ma tukhunbaa, ma gallaybaa, ma sareenbaa, ma zeytuunbaa, ma khudaarbaa, mise waa fawaakih kale.3. Marka xiga waxa war laga helaa suuqa la tiigsanayo, sida masalan, cida iibsan karta iyo qiimaha ka jira suuqa.4. Marka xiga waa in aqoon buuxda loo leeyahay waxa la beeraayo.5. Marka xiga waa in laga warqabo qiimaha la filayo in uu baxaalku ku iib galo iyo waxa uu kugu kacayo.6. Marka xiga waa in lagu tala galaa sida suuqa baxaalka loo geynaayo.7. Marka xiga qorshaha loo dejiyay waa in laga leexleexan oo lagu dhegenaado.8. Marka xiga qorshaha waa inaad dib loo qiimeeyo, waxa ka fullay, halkay dhibi ka timi iyo sida loo beddeli karo.9. Suuqeyntu waa aqoon gaara oo qayb kale oo waanooyinkana ayaynu ku abaari.
Godka Afariyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Hadduusan beerwale kelidii qorshihiisa fulin Karin, sida ceelqodista iyo wixii la mida, waxa talo ku fiican tahay, in la isku guuso sidii dhaqanka innoo ahayd.2. Waxa kale oo la yeeli karaa, in dhawrkii beeroodba ceel ama ballay ay wada qottaan oo ay wadaagaan.3. Beeralaydu waxa ay samaysan karaan urur danahooda ay ku ilaaliyaan.4. Ururku waxa u noqon karaa meel ay aqoonta ay isku weydaarsadaan.5. waxa uu noqon karaa afhayeenkooda kolba awoodihii jira danahooga kala hadla.6. Ururka degmo degmo ayaa loo dhisi karaa;7. Baki noqotayaa, Xaliimaale ama Qalooc, amase Weeraar iyo wixii la mida. 8. Ururada degmooyinka ayaa urur u dhexeeya samaysan kara oo qodaal oo dhan masala.
Godka Shaniyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Qodaalku ma aha mid midho beeris ku kooban.2. Qodaalka xoolo-dhaq ayaa ku jiri kara.3. Waxa ay nala tahay in la isku dhexwadi karo.4. Sidas waxa ku kordhi waxsoosaarka guud.5. Waxa beerta lagu dhiqi karaa lo’, geel, digaag iyo xattaa adhi.6. Digada ka dhalata, waxa loo isticmaali karaa ciid-wanaajiye.7. Xoolaha oo la xidho, caano-badis iyo naaxdin ayaa ay kordhisaa.8. Way ka sad roon yihiin kuwa lala guurguuro ee aan salka lahayn.
Godka Lixiyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Maamulada beeruhu waa in ay ka gudbaan in ay noqdaan xafiisyo siyaasadeed.2. Waa inay ogaadaan in ay yihiin xafiisyo farsamo oo ku mashquula horumarka qodaalka.3. Maamulku waa in uu gargaarsado Kulliyadaha Qodaalka sida Camuud.4. Kulliyad Qodaal oo waliba waa in ay abuurto shaybaar qodaal.5. Waxa la abuuri karaa xarun shinida lagu kaydsho.6. waxa la abuuri karaa beero carbisa oo lagu tijaabiyo midho wixii dhulka ka bixi kara.
Godka Todobaiyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Maamulka beeruhu waa inuusan noqon meelo kontrool ee uu ahaado adeege.2. Waa inuu dejiyaa xeerarka qodaalka, heshiisyada beero lagu kala iibsan karo ama lagu kala kiraysan karo iyo wixii danta guud ee qodaalka ah.3. Aqoonyahannada qodaalku waa inaysan noqon kuwa ku kooban buugagii ay wax ku dhigteen.4. Waxa aan weydiin lahayn, masalan, maxaa uu xiggu uga hirgeli waayay dhulkeena? Waxa laga sameeyaa xadhko iyo xatta qadiifado ama barkimooyin iyo wixii la mida.5. Maxaa dacarta beeristeeda loo kordhin waayay? Waxa aan ognahay in dawooyin badan laga sameeyo dacarta iyo kiriimo.6. Maxaa ay tujaarteena u tusi waayeen in laga ganacsan karo dacarta, xiga iyo geedo kale oo badan?7. Morohdii iyo geedihii kale ee ay isticmaali jiray dadkeenu maxaa in la beero noo diiday?
Waxa aan ku soo koobayaa tidican:
Ayaanan lagu niyad jebin indho-sarcaadka waxyaabaha dibadda innooga yimaada.
Sideena ayuunbaa loogu dhididaa, waxa aan hayno.
Qasacado iyo caagag iyo kiishah balaastika ah ayaa la innogu soo guraa.
Farsomooyinkoodii hore ayuunbay hayaan oo wax ku dareen.
Innaguna, kuweenii haddii aan sii hayno oo aynu wax ku kordhino, qurxin iyo fiiro, horumar kale innagama dhinnaadeen.
Waxa aan leenahay, sidaa wax uma adkee, ayaan la niyad jabin. Ficilka bal la yimaada. Dadyohow, horumarku gacantiina ayaa u ku jiraa. Ha ku wareerina qolo iyo siyaasad iyo wax awalba innala hadhay; qayrkeena innaga reebay. Dadkii raba in ay hore u socdaan, ma wahsadaan, kumana mashquulaan wax dan u ahayn.
Dr. Suleiman Ahmed Walhad
Email: walhad@taicobu.com

No comments: