Wakiilada iyo Doodda Xeerka Shaqaalaha Somaliland
“Qofka Shaqaalaha ahi waa in waqtiga uu shaqeynayaa ay noqotaa 6 Saacadood”
Xildhibaan Nac-nac
Hargeysa (Ogaal)- Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa lagaga dooday Xeerka Shaqada iyo Shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland, kaas oo ay Guddida arrimaha bulshada ee Goluhu hore u soo hordhigeen mudanayaasha, isla markaan la siiyay muddo dhawr maalmood ahayd si ay wax-kabedelid iyo kaabis ugu sameeyaan.
Fadhigaas oo uu gudoominayay Guddoomiyaha Golahu Md. Cabdi-raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa ahaa fadhi aad u xasiloon, isla markaana ay ka soo qayb-galeen xubno ka socday ururada xuquuqda Aadamaha u dooda iyo garyaqaano ka socday Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA, si ay u indho-indheeyaan habsami u socodka dooda Xeerkan, oo ah mid qaybaha bulshada rayidka ah ee shaqeeyaa si wayn u soo dhawaynayaan.
Xeerkan oo doodiisu si rasmi ah ay shalay u guda galeen Mudanayaasha Goluhu, waxa ugu horeyn dooddiisa ka dhiibtay Xildhibaan Axmed Maxamed Diirye (Nacnac), oo ku dooday in Xeerkan wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo, si la isugu dheeli-tiro buu yidhi, xaqa looga baahan yahay in la siiyo shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, isla markaan aanu noqon mid culays dhinac gaar ah lagu saarayo. Qoddobada uu Xildhibaanku soo jeediyay in wax-ka-bedel lagu sameeyo isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi, “Qoddobka sadexaad ee xeerkan waxa ku jira in qofka AIDS-ka qaba loo ogol yahay inuu shaqeeyo. Waxaan qabaa meelaha qaarkood inaanu ka shaqayn, sida meelaha caafimaadka, meelaha Hudheelada ah ee laga cunteeyo” ayuu yidhi Xildhibaanku. Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in qof kasta oo goobaha noocaas oo kale ah ka shaqaynaya la baadho Caafimaadkiisa. “Markaa waa in dhamaan caafimaadkiisa la soo hubiyaa, qofka ka shaqaynaya meelaha caynkaas oo kale ah. iyada oo uu kharashka qofka loo shaqeeyaha ahi qabo, ee aanu bixinin miskiinka shaqaalaha ahi.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac. Waxaa kale oo uu soo jeediyay in wakhtiga qofku shaqaynayo la cayimo, lagana dhigo 6-saacadood oo uu caadi u shaqaysto iyo 2-saacadood oo uu qofku dheeri shaqaysto haduu isagu rabo. “Qofka Shaqaalaha ahi Aalad maaha, waxan soo jeedinayaa halka aad 8-da saacadod ka tidhaahdeen waqtiyada uu shaqayno, in waqtiga caadiga ah ee uu shaqeeyaa ay noqoto 6 saacadood iyo 2 saacadood oo waqti dheeri ahi, oo qofkii doonaa uu shaqeeyo.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.
Sidoo kale waxa isna doodaasi ka qayb-qaatay Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel, oo sheegay in uu Xeerkani yahay mid aad loogu baahnaa, oo aan dalka hore uga jirin, isla markaana uu wax badan u tari doono dad badan oo uu sheegay inay ku dulmanaayeen goobaha laga shaqeeyo. Sidoo kalana waxa uu ku dooday in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo, lagana baaraan dago Ansixnta xeerkan, maadaama uu yahay mid aad loogu baahan yahay. “Waxaan soo jeedin lahaa in qodobka 5aad ee xeerkan lagu daro farqad xadidaysa tacadiyada loo gaysto qofka shaqaalaha ah. Iyo in marka la baadho dhibaatada ku dhacday hadii ay tahay mid dhaqaale iyo hadii kale-ba cawil-celin loo sameeyo (xaq loo celiyo) in lagu daro ayaan qabaa.” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariin, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Ta la yidhi Kormeerayaasha shaqadu waxay gali karaan goobaha shaqada bilaa warqad, bilaa waaran. Waxaan qabaa in ay taasi keenayso iska hor-imaad, hadii aan xaalad deg-deg ahi jirin, waxaan odhan lahaa warqad ha loo sameeyo, oo ha la wargaliyo Hay’ada shaqo ee loo tagayo, hadii ay tahay Hay’ad Ajanabi ah waxay u arki kartaa qaflad iyo tigtaatooriyad. Markaa wax ha laga bedalo ayaan leeyahay.” Ayuu yidhi
Waxa isna doodiisa ka dhiibtay fadhigaas Xildhibaan Cali X. Maxamed Muuse, oo isagu soo jeediyay in aan lagu deg-degin ansixinta Xeerkan, Mudanayaashuna aad uga fiirsadaan doodiisa, si uu xeerkani u noqdo mid u caddaalad sameeya qofka shaqaalaha ah iyo qofka loo shaqeeyaha ah, laguna daro xeerka dadka aan iyagu u shaqayn sida joogtada ah. “Waxa loo baahan yahay in la sameeyo xafiisyo qiimeeya qofka xaaladiisa caafimaad iyo da’eed, isla markaana waa inaynu samayno sharci qofka siinaya in uu qaato nasasho (Pation) mid caafimaad iyo mid da’eed labada, oo uu xaq heli karo.” Ayuu yidhi Xildhibaanku. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Qodobka labaad, farqada 1-4 oo odhanaysa goobaha shaqo ee gaarka loo leeyahay ee ay ka shaqeeyaan shaqaale ka badan 10 qof oo muddo sadex biloodoo xidhiidh ah shaqeeyay ayaa xaq helaya, waan ka yarayn lahaa oo waxaan odhan lahaa 5 qof, oo waxa laga yaabaa in shaqo 10 qof ka shaqeeyeen ee ay xuquuqda ku helayaan in ay mid la mid ah shan qof ka shaqeeyaan. Waxaana ku jirta shaqaalaha ka shaqeeya Badda iyo gaadiidka cirka xeerkan lagu dhaqi maayo iyo ciyaartoyga. Markaa waxaan leeyahay ha lagu daro iyagana.” Sidaa ayuu yidhi, Xildhibaan Cali Xaaji. Xeerkan ayaa doodiisu sii socon doontaa maalmaha fooda inagu soo haya hadii Alle yidhaa.
Ogaal News
Saturday, December 8, 2007
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment