Sunday, June 15, 2008

Tacabka iyo Tayenta wax-soo Saarka Dalka














Written by Qarannews
Jun 14, 2008 at 11:23 PM

Qormadan waxaanu ugu talo-galney in aanu kaga faaloono muhiimada ay leedahay wax-soo-saarka iyo sida ay lama huraanka u tahay in la xoojiyo, islamarkaana in la kobciyo lana dardargeliyo dhamaan dadaalada loogu jiro in kor loogu qaado tacabka wax-soo-saarka beeraha ee Somaliland. Waxaa kaloo aanu qadar la milicsandoonaa wax-soo-saarka ugu badan ee ka soo baxa Dalka Soomaaliland iyo sababta keentay doorka ay ka qaadato tayeen iyo kobcinta tacabka wax-soo-saarka Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Soomaaliland, oo inta badan u heelan siyaasadda Wax-soo-saarka Dalka.

Waxa kale oo aan taxalujin doonaa inaanu falanqeyn ku sameyno dariiqooyinka ugu haboon ee lagu horumarin karo isla markaana loo kobcin karo tayda iyo tacabka wax-soo-saarka wadanka.

Waxaa hubaal ah in Bulsho kastaa oo caalamka ku nooli ay leedahay afdaaf-nololeed oo u dejisan, oo ay uga danleeyihiin horumarinta danahooda dhaqaale, ee wax-soo-saar nololeedba. Ma jirto ama wey yertahay cid aduunkan korkiisa hadaf la’aan ku nool.

Ummad waliba waxa ay wax ku noqotaa wax-qabashadadeeda, wada-jirkeeda, wax-soo-saarkeeda, ilaalinta danaheeda iyo ilaheeda dhaqaale, si ay ula tartanto, isla markaana ula

jaanqaado loolanka iyo tartanada dhaqaale ee ka dhexeeya dalalka Caalamka.

Sidaas oo ay tahay, talaabda keliya ee wadanku xilligan wax ku noqon karaa waxay tahay in la sameeyo qorsheyaal istaraatiijiyadeed oo dulucdoodu tahay xoojinta iyo horumerinta Wax-soo-saarka dalka guud ahaan iyo in la abuuro ahdaaf siyaasadeed oo lagu abuurayo dadaalo xoogan oo kor loogu qaado heerka iyo tayada wax-soo-saarka.

Waxaa xusid mudan in aanu dalku dal noqonayn, oo qaranku aanu qararan noqonayn, oo dadkuna wax ku filan aanu helayn hadaan la horumarin wax-soo-saarka dalka, waxaana marag ma doo ah, haddii aan xil la’iska saarin ka midho-dhalinta khayraadka ceegaagsan dalka iyo sugida qorsheyaasha ku aadan kala hormayn hannaanka wax-soo-saarka ee Beeraha dalka in aan faqri iyo sicir berer/ meceeshadeed laga baxayn.

Waxa xaqiiqo ah inta maanka, maskaxda iyo muruqa ganacsatada u xaydan yahay soo dejinta Wax-soo-saarka ummadi ku Tacabtay, isla markaana ay keenayaan kiish daqiiq ama bariis amaba sokor ah in ay dalka iyo dadkaba wax tarayn, balse ay lu goynayaan.

Waxaa hubaal ah inta aqoon yahankeenu uu qiimaynayo shilinka, balse aanu qadarineyn tacabka Qaranka in aanay waxba qabsoomayn. Waxa dhab ah inta Hay’aduhu in haystaan ee inteenii aqoonta laheydna midheen, oo ay ku mararoobiyaan mashruuc yar oo la fuliyo, Safar yar oo loo baxo, siminar yer oo la qabto iyo bulshadana logooyada ku hayaan in aanay bari inoo kordhayn.

Tacabka Masagadda [Hadhuudhaka.]

Qodobka ugu horeeya ee aynu soo qaadaneyno ee ku saabsan Barnaamijkeenan Tacabka Wax-soo-saarka, waxa uu yahay tacanka Mesegadda ama hadhuudhka waxaanu ka mid yahay wax-soo-saarka ama dalaga ugu badan ee laga beerto beeraha dalkeena, marka laga hadlaayo qaab-dhismeedka geedka Mesegadda waxaa uu ka booban yahay Afar qaybood oo kala ah:

Xidid, Jirid, Caleen, & Midho.

Xididka; waxaynu wada naqaanaa in uu geedka dhulka ku adkeeyo xididka isla mar ahaantaan caradda nafaqadda ku jirta iyo biyaha uu u baahan yahay inuu u soo nuugo jiridda, marka laga hadlaayo waxtarka jiridda u leedaha geedka waxaa lagu tilmaamaa jidka nafaqada iyo biyuhu u maraan geedka qaybihiisa kala duwan.

Caleenmuhu waa warshadda uga soo saarta nafaqadda uu uga baahan yahay Qoraxda iyo Hawadda, waana xubinta uu ka neefsado, biyaha aan geedku u baahnayna uga saarta dibada.Ubaxuna waa xubinta uu geedku ka tarmo ee uu ka dhalo, marka uu samaynayo Midhaha.

Afarta qaybood ama qaab-dhismeedka ayuu geedku ka kooban yahay.

Waxanu imika gudo-geleynaa sida loo beero ee loo tayeeyo
wax-soo-saarka geedka Mesegada.

Ciidda[Meelaha ku haboon beerista].

Ciida ay mesagadu sida wanaagsan ugu baxdaa waa ciidda meldhexaadka ah ee aan dhoobada adagna ahayn bacadna ahayn, waxaana ciidda loo yaqaanaa oo lagu magacaabaa (BUSBUS).

Carro-gedis.

Si bixitaanka iyo koritaanka geedka mesegadu u hagaago ciidda waa in loo jilciyaa, oo lagu qoodaa dhulka; Cagaf, Dibi, Awr iyo hadba wixii la helo.

Waxaana Sidaana waxaa loo yeelayaa:-

A) Biyaha roobka ama kuwa lagu waraabinayaa dhulka hoos ha u galaan, marka ay la kulmaan ciida la jilciyey dabadeedna ku dhaafaan reys badan oo mesegadu ku noolaato muddo dheer.

B) Xididka mesegadu ha helo dhul jilicsan oo uu ku fido.

C) Cuduradda iyo cayayaanka dhirta dhulka ku jiraa ha ku haraadeen.

D)In la furto naqada ciiddu leedahay ee dhulka ku jirta.

E) In uu soo baxo geed mesego oo dhala midho tayo leh.

f) In bacriminta shinidu fududaato oo ay markaaba qaraxdho.

Simid.

Beerta marka la carro-gedinayo waa in la isku sima oo dhulka aan lagu dhaafin oo aan lagaga tegin meelo godgodan iyo meelo taagtaagan waxaana tallaabadaa looga gol leeyahay biyuhu ha wada gaadheen beerta oo yaaney meelna ku badan meelana ku yaraan, waxaana dhulka lagu simaa, Cagaf, Dibi, Awur iyo kawaawe.

2. Aburista Nesegadda

Kolka la doonayo in la abuuro Mesegada waxaa haboon in la abuuro xilli fiican, kaas oo falka horaantiisa (xiliroobeedka horaantiisa), waxaana inta badan laga duulaa bada xilliroobeed ee Guga iyo Deyrta, xilliga guga waxaa haboon in la beero 25 Maarso (March) ilaa inta u dhexaysa 15 April. Xilliga Dayrta waxaa haboon in la beero Mesegadda inta u dhexeysa 25ka Sebtember ilaa 15ka Aktoober, waxaana sidaa looga gol leeyahay in xilliyadaa munaasibyada ee wax beerashadda ku haboon in laga faa’ideysto haddii Mesegada la beero xilli fasalkii roobka intiisii badneyd tagtey waxaa laga yaabaa in Mesegadii oo roobu baahan uu fasalkii dhamaado, isla markaana ay biyo iyo roob la’aani soo deristo Mesegadii,

Sidaadarteed si wax-soo-saarka Mesegadu uu noqdo mid tisqaada waa in lagu beegaa abuuritaanka xili roobeddka horaantiisa.

Mesegada markala abuurayo, waxaa loo abuuraa sifo iyada oo la raacaayo talaabooyinkan:Labadda xabo ee mesegadda waxaa laysku jirsiiyaa labo talaabo.

Abuurka waxa dhulka hoos loo gelinayaa qiyaas dhen far iyo badh ama wax le’eg.

Abuurka (shinida) waxaa godkiiba lagu ridaa labo ama sadex midhood oo hadhuudh ah.

100kii talaabo ee dherer ah iyo 100ka talaabo eegudun ah (hal Hekter) waxaa abuur ahaan ku fiican 10 ilaa 15 kiiloo oo hadhuudh ah

Falka (Saaqid)

Marka mesegada iyo saaqa la kala garto ama cawska beerta ka soo baxay, ayaa la isu diyaaiyaa in la saaqo oo beerta laga guro waxyaabahaa xanibaya koritaanka hadhuudhka.

ama la talo beerta waxaa kaloo lagu dhaqaaqayaa in Mesegada iyo beertaba dhilka lagu bilaabo dhilka waxaa gudbikiiba loo dhagaa 1-2 geed oo qudha.

Waxaana falka loo sameeyaa, sida loo yeelayaa:

1- Caws iyo dhir hoosaadku si aanay mesegada la qaybsan nafaqada iyo rayskii ay ku bixi lahayd.

2- Cawska iyo dhir-hoosaadka kale yaanay u keenin cuduro iyo cayayaan mesegadda.

Waxaa dhacda mararka qaar in mesegada dhexdeeda ay ka baxaan caws ama dhashin kale, kuwaas oo had iyo jeer cudurada iyo cayayaanku u Mesegadda ugu soo dhuuntaan.

Beerta Oo Dalagyada Loo kala (Rotation of Crop).

Hadii beerta fasal kasta ama xili roobaad kasta dhul isku mid ah lagu beero, waxaa hubaal ah in ay cudub qaadayso Mesegadu. Sidaasdarteed si looga hortago cuduradaa Mesegadda ragaadinaya waa in beerta saraca loo kala bedelaa oo dhukii wakhtigii ama fasalkii hore lagu beeray mesego waain kalka dambe lagu beeraa dalag kale sida digir, laws, ama xaxab, mesegadu waxa uu ka mid yahay dalagyadda ugu badan ee wadankeena ka baxa, sidaas darted waxaa uu si weyn carrada ugala baxaa nafaqadda. Qaarkoodna carradda lagu beero waxay ku kordhiyaan nafaqada dhirtu ku baxdo, nafaqadad ugu qaayo weyn ee dhirtaasi ku kordhiso waxaa lagu magacaabaa Neydarojiin (Nitrogen), taas oo ah mid aan dhirtu la’aanteed aanay bixin, dhirtaas nafaqada kordhiyaa waxaa ka mid ah Digirta, Salbuulkada, lawska, sisinta,iwm. Si kastaba ha ahaatee hadii beerta cudur lagu arko (5%) boqolkii geedba 5an geed waa in laga daweeyaa inta aanu ku faafin dalaga intiisa kale.

Cayayaanka.

Mesegada waxa u cadaw ah cayayaan badan, kuwaas oo ragaadiya koritaanka iyo midhaynta geedka mesegada ah waxaana cayayaankaasi dhawac u geystaan tayada iyo taranka geedka Mesegadda haseyeeshee waxaa ugu beden cayayaanka ay ka midka yihiin:

Dhuunqabadka midabkiisu yahay dhibew,dhibcaha ee balka mesegadda ka gala dhuux (stall borer) (palidae), dhuun qabd midabkisu yahay cadaan, oo balka ka gala dhuuxa (s,b), dirxi midhoodka mesegada ka gala Madaxa, marka midhuhu yihiin caano gelista (lepidotera) (loctuide), malabiso taas oo dhibaato weyn u gaysata mesegada(APHID).

Ka hortaga.

Cayayaanka dhibaatada ku keeni kara Mesegada waxaa lagaga hortegi karaa:

1. Beerta oo la carro-gediyo.

2. Beerta oo had iyo jeer nadiif laga dhigo oo laga guro balkii hore iyo qashinkii kaleba, isla markaana si wanaagsan loo falo oo laga falo cawska iyo qashinka kaleba inta Mesegadu ku taal beerta.

3. Dalagyada oo la kala bedelo beerta, iyada oo fasalba noocaan la qolo ahayn kii hore lagu beero sida Messegada iyo Digirta oo la isku bedelo, hase ahaatee, haddii beerta lagu arko cayayaan waa in si degdeg ah looga buufiyaa inta aanu ku faafin.

Qalabka loo adeegsanaayo gurida Mesegada.

Marka uu bislaado ama uu gaadho geedka mesegadu wakhtiga kama dambaysta ee la goynayo waxa loo adeegsadaa in gunta lagaga jaro miishaar aan nooceedu ahayn ta Looxaanta, balse leh qaab-dhismeed ka gaaban oo golxo yara leh, oo gacan-qabsigana ku wanaagsan. Waxaana markaa balkii mesegada lagu tuulaa dhawr meelood oo beerta ka mid ah, iyada oo ay halkaaku tuulnaato in muddo ah, si uu engego midhaha ku dhex yaal saabuulada, intaa ka dib waxaa lagu dhaqaaqaa in saabuuladu laga saaro midhaha ku dhex kaydsan.

Qalabyadda loo adeegsado miidaynta sabuulka Mesegada.

Sifeynta iyo miideynta midhaha ku jira saabuulada Mesegada waxaa loo adeegsada wadankeena qalabyo ku salaysan qaab-dhameed ay muddo-dheer dadeenu u isticmaali jireen safaynta hadhuudhka, waxaana qalabyadaas ka mid ah: Mooyeeyaal isugu jira kuwa waaweyn, kuwo dhex-dhexaad ah iyo kuwo yar-yar-ba, waxaa kale oo oo adeegsankaraa kaa Ul hal 1mitir ama mitir iyo badh ah. Kuwaas oo la isticmaalo marka hadhudhka la isugu keeno meel bax-xad ah oo bannaan sida goob xero hore u ahaan jirtay oo digadii laga guray ama meel labanayd, oo la xaadhay oo lagu goglay baco ama waxyaabo kale oo loga dan leeyahay si aanay midhaha hadhuudhka iyo ciidu isu milmin. Waxaa markaa loo dhiibaa saf rag ah, oo siwada-jir isula jaanqaadi karaya, oo saabulidii kolba qayb mideeya, waxaana ragaasi inta uu mid walba labada gacmood ka buuxsado u shiisa kolba inta uu kor iskaga jaro dusha kaga garaacayaa saabuulkii goobta ku urursanaa. Marka markale waxa uu sameeyaa inta uu Usha xagiisa dambe ka wareejiyo ayuu si miisaan leh hadhuudhka ugu tumaa. Waxaana markaa la qaadaa hees hawleedyo ay ka mid yihiin “hoo guulalee… hoo guulalee, kani galbee” iyo qaar kale loo badan.

Waxaa ka loo adeegsadaa miidaynta saabuulada Mesegada oo meelaha qaarba isticmaalaan cagafta beeraha lagu qado, oo inta saabuulada si wareega ah oo ku bad oo kale ah loo dhiga, ayaa waxaa sar-jaraa afarta taayir ee cagafta, si ay ugu dul-wareegto, oo taayirka ka ku kala saarto saabuul ka midhaha, waxaa qashinka soo hadha midaynta ka dib loo yaqaanaa “Waago”. Waxaa kale oo jira qalabyo ka oo loo adeegsado madaynta Hadhuudhka.

Dhamaan agabyadaas aynu soo xusnay, waa kuwo ku tacaluqa dhaqan ahaan, oo loo badan yahay in laga fikiro lana dejiyo sidii qaabkii loo bedililahaa ee loo abuuri lahaa warshado yaryar oo fududeeya hawlaha safaynta Mesegadda. Runtii hanaankaa safaynta hadhuudhka waxa ay dhib badan ku haysaa dadka ku hawlan hawlahan wax-soo-saarka dalagyada Beeraha.


Maxaa laga bedilikaraa habka wax-soo-saarka hadhuudhka

Waxaana lagama maarmaan in loo guntado sidii loo suurta-gelin lahaa wax-soo-saar tayo leh oo qiimo leh, oo loo adeegsankaro daboolida baahiyaha cunto ee wadankeena ka jira. Waxaa kaloo muddan in dib loogu noqdo sidii wax-weyn looga bedeli hannaanka beerida iyo wax-soo-saarka beeraha wadanka, isla markaana waxaa in is-bedel dhinac kasto ah lagu sameeyaa qaabka beeritaanka Mesegada.

Waxa aan is-qabanay in lagu yabooho ama la naadiyo “Beeraha ha laqo, Wax-soo-saar kor ha loo qaado, dhulka ha latabacado.” Balse su’aalaha waxaa hor taagan, kuwa kale ee ah;- Maxaa la beerayaa? Sidee baa loo beerayaa? Yaa beeraaya? Sideebaa wax-soo-saarka kor loogu qaadayaa? Yakor u qaadaya? Ma dawlada? Mise shacabka? Qaab noocee ah ayaa kor loogu qaadayaa? Sideebaana dhulka loo tabceynayaa? Ma dadkan aan waxba haysan ee daalaa-dhacaya ayaa tabcaynaaya? Mise ganacstadan taladoodu ku soo uruurtay wax soo waaridiid ama soo dejinta ee aan wax-soo-saarba dan ka lahayn?

Dhamaan Su’aalahaasi waxa baadi-goobayaan isla markaana raad-raadiyaan cidii ka jawaabi lahayd, mana aha wax dulucdooda iyo ujeedadoodu ku kooban tahay cid gaar ah, balse waa arrin khusaysa cidkasta oo danaynaysa kana damqanaysa horumarinta iyo hagaajinta hanaanka wax-soo-saar ee dalka.

Sidaa darteed, waxaa muddan in xukumadu ku dhaqaaqdo qodobadan hoos ku xusan in wax-weyn laga bedelo qaabka wax-soo-saar ee beeraha wadanku ku salaysan yihiin.

1- Waa in la abuuro khuburo ka qayb qaadata tacabka wax-soo-saarka gaar ahaan mesegadda.

2- Waa in la unko oo la dejiyo qorsheyaal istaraatiijiyadeed oo wax-weyn ka tara dardar-gelinta wax-soo-saarka dalka.

3- Waa in kor loo qaado heerka wax-soo-saarka dalagyada beeraha si fakhriga iyo baahida cunto yaraanta looga baxo.

4- Waa in la isu diyaariyaa, oo waliba xukuumadu xooga saartaa sidii loo samayn lahaa biyo-xidheeno iyo dhaamam waa weyn oo ka qayb qaata koob-cinta wax-soo-saarka.



Ganacsatada:-

1- Waa in ganacsatadu qaab-ganacsiyadeedkooda ganacsi waxka bedeshaa, oo u soojeesataa wax-soo-saarka dalka.

2- Waa in ay fahmaan in ay u shaqeeyaan dad shisheeye oo kabiibinaya waxay awood uu leeyihiin in ay soo saaraan.

3- Waa inay ku xisaabtamaan inay ummada lu goynayaan oo dalka hodadaalo iyo dhibaato dhaqaale u horseedayaan, haddii aanay garawnsan in waxa ay soo waaridayaan aanu sidaa ku jirayn, balse ay xaalado iman karaan.



Tacabka Gelaydu

Gelaydu waxaa ay ka mid tahay dalaga labaad ee ugu badan ee dalkeena ka soo baxa marka laga yimaado hadhuudhkan waxaana inta badan aad loogu beerag galbeedka Somaliland.

Marka laga hadlay siyaabaha loo beerayo waxay wax badan la wadaagtaa hadhuudhka oo iyada lagtadeeda waxaa la beeray xilliyada mesegada la beero hadaan meesha lagu beeray tahayn biyo joogto ah.


Wax-soo-saarka kale ee u baahan in la xoojiyo.

Dadaaladda loogu jiro kor u qaadista wax-soo-saarka waa inay ahaadaan kuwo jiheysan oo bar-tilmaameedyadoodu gebi ahaanba koobsanayaan oo sameynayaan dhamaanba qaybaha kala duwen ee wax-soo-saarka.

Beeruhu waa xudunta wax-soo-saarka nooyadda dalegyadda, waa goobta suura-gelisa in teyeda iyo tirada wax-soo-saarku fiicnaato, haddii si wanaagsan looga shaqeyo, waa halka ay isku dhaafeen dawladdaha horumaray ee dhaqaalahoodu sida layaabka leh u kobcay. Sidaas oo ay tahay helitaanka beerta wanaagsani waxa ay saldhig u tahay wax-soo-saar tayo, taran iyo tiroba leh.

Kolka lagu guleysto helitaanka beero wanaagsan ayaa la suurto-gelin karaa wax-soo-saarka dalegyada qaybihiisa kala duwen.

Sidaa darteed waxa quruxbedan oo lagama maarmaan ah, haddii la doonaayo wax-soo-saar wanaagsan, waa in la badiyaa beeraha wax-soo-saarka noocyadooda kala duwan, isla markaana waa in la helaa waxyaabaha kala duwan ee ciida lagu nafaqeeyo, sidoo kale waa in lagu dadaalaa hir-gelinta Dhaamaam ama biyo-xidheeno fududeeya tarminta kor-u-qaadista wax-soo-saarka dalegyadda.

Hadaba waxaan meesha ka madhneyn in loo dhugyeesho sidii wax-soo-saarka kale ee dalka loo xoojin lahaa, waxaana wax-soo-saarada kale ee horumarinta u baahan ka mid ah; - Digirta, Sisinta, Heeda, Hadhuudhka, Gelayda, Qamadida iyo dhamaan midhaha kale ee firilayda ah, waxaana dalegyadaasi ku baxaan cimilooyin isku dhowdhow, iyaga oo u baahan uun in tacab badan la geliyo si waxa ka soo baxayaa uu u noqdo wax tayo iyo qiimo leh, oo wax tarna leh. Waxaa kaloo iyaguna tayeyn iyo horumarin u baahan dalegyadda Khudrada ah ee ay ku jiraan: - Tamaandhada, Baradhadda, Basasha, Kaabashka, Dabacasaha, Saladhka iyo khudrado loo adeegsado sharaab ahaanta sida Liinta, Xabxabka, Canbaha, Saytuunka, Muuska, Shamaamka iyo inta la halmaasha.

Waxa uu dalku dadl ku noqonayaa, dadkuna dad ku noqonayaa, dhaqaaluhuna dhaqaale ku noqonayaa, waa tacabka wax-soo-saarka. Waxaa shaqo la’aanta lagaga baxayaa, fakhrigana lagu yaraynayaa, dalka iyo dadkuna ku badbaadayaan waa tayaynta iyo xoojinta tacabka wax-soo-saarka. Maahmaah jirtayba lahayd “Qof waliba sacabadiisa ayuu biyo kaga dhergaa.” Marka aynu qadar yara milicsano dulucda ay ka turjumayso xikmadaasi, waa hogo-tusaalayn ku hagayso qofka beni’aadamka ahi in uu u hagar-baxo, sidii uu wax ugu qabsan lahaa gacmmahiisa, sidii uu u dheefsan lahaa tacabkiisa iyo wax-soo-saarkiisa, sidii uu ugu dhididi lahaa

Igaadhitaanka iyo hanashada ujeedooyinkiisa. Maahmaahdu odhaah ahaan way fudutahay in la yidhaahdaa, laakiin qarada iyo miisaanka ay u leedahay qarada iyo miisaanka wax-qabashadu waa mid aad u culus oo aan sahlanayn.

Tacabka wax-soo-saarka waxaa dhaqaajiya oo ku rida tubta toosan ee wax-qabasho dadaalka iyo dulqaadka, oo ah labada tiir ee miishiinka u ah gudashada hawlaha wax-soo-saarka.

Isku soo wada duuboo, in wax-soo-saarka guud ahaan la horumariyaa waxa uu sabab u noqonayaa kor-u-kaca iyo horumarka dhaqaalaha wadanka, waxa lagaga maarmayaa ku tirsanaanta wax-soo-saar dal shisheeye, waxa awood loo yeelanayaa ku loolanka iyo tartannada dhaqaale ee wadamadda caalamka lala gelayo. Waxa yaraanaaya shaqo la’aanta, nolosha bulshaduna wey horumareysaa

Friday, June 13, 2008

Haddaynu Beeraley ama Kalluumaysato ahaan Lahayn







Maakhir Coast Development Fund
12-6-08

(Hadhwanaagnews) Waxaa badanaa la arkaa, in dhaqanka, caadooyinka, iyo waxyaabaha umaddahu caadaystaan ay badanaa raad ku yeeshaan nolosha guud ahaanba taasoo ka muuqata xataa hawl maalmoodkooda iyo dhamaan nolashooda.

Inkasta oo dhaqamada iyo caadooyinka qaarkood suulaan, waxaase jira qaar aan sinba u dabar go’in, markaad hadaba eegto inaga dhaqankeena, waxaa ugu muhiimsan ee raadreebka aadka inagu yeeshay waxaa kow ka ah xoolo dhaqashada, ama reer guuraanimada.

Xoola dhaqashadu had iyo goor intaynaan magaalooyinka soo galin ee dadku ku sugnaa baadiyaha, waxaa nolosha ugu muhiimsanaa wax yaabaha sida; daaqa, biyaha, iyo xoolaha fayo dhawrkooda, dadkana waxaa ka dhexeeyay daaqa iyo biyaha, waxaa had iyo goor muran iyo kala riixasho ka taagnayeen labadaa, waxaa taasi ay kalifi jirtay xoolaha oo la qaado, ceelka iyo biyaha oo laysku dilo, weerarka iyo weerar celinta iyo aargoosiga ayaa ahaa wax nolol maalmeedka ka mid ahaa, waxaa laysku raaci jiray reer-reer, oo dagaalada loo geli jiray, ninka ilmaadeero badan la dhashay, amaba reerba reerkuu ka dad iyo duunyo badanyahay ayaa kuwa kale ka mudnaa, waxaanay ahaanjirtay in aan reer hebel halkay ka hadlayaan, aanay reer hebal ka hadli karin. Amaba aanay ka wada qori ridan karin, Dhaqnka noocaasi ah ayaynu la soo galy magaalada, waxana uu ilaa maanta ka muuqdaa nolosheena, waxaana la odhankaraa, waa meesha aynu ka keenay, anigoo reer hebela, waana waxa ingoo ku jirna qarnigii 21aad, inaga horjooga inaynu helo maamul hagaagsan, waxaa weli dabada haynaa, qabyaalad, hebel hebel ugu aar, hebel kanaa kaa xigee ka dhaweyso, waxyaabahaa iyo qaarkaloo badan, waxay ka soo jeedeen dabeecadaa aynu ka dhaxalay xoola dhaqashada, ama reer guuraa nimada, waxa had iyo goor lagu dadaali jiray inay xoolahaagu ka qurux iyo hiliba roonaadaan xoolaha kale, dhibaatooyinka kale ee reer guuraanimadu leedahay.

Ugu horayn, xoola dhaqashjadu ma laha deganaansho, waana waxa loo yidhi reer guuraa, tusaale hadaynu u soo qaadano, geeljiraha ama qofka ciidankaa ee xoolaha raacaa, caadi ahaan wuxuu ahaan jiray xooga bulshada amaba dhalinyarada, hadaad eegto noloshooda waxay ahayd nolol garab rarato ah, geeljirahu hoy ma lahayn, meel wax u yaalaan ma laheyn, waxaa ugu badan ee uu haystay waxay ahayd (qori), taasina, waa ta sababtay inaynu noqono faaylant, waayo, qori nin qaatay marka horeba waa nin ku talo galay colaad!!!!!!!!!!!

Hadad eegto halhayskan, Somalidu tidhaahdo, ”geerudu waxay ku fiicantay geel jire iyo nimaanad aqoonin” halkaa waxaa inooga cad sida xoogii bulshada ee dusha ku qaadi lahaa harumarka iyo hagaajinta ummada aanu waxbaba sii mudnayn.

Hadaynu akhriste u soo noqono dulucda qoraalka, weli ma is weydiisay, hadaynu Beeralay ahaan lahayn sidee aynu ahaan laheyn?!!!
Ugu horayn waxaynu ahaan lahayn dad degan oo aan guurguurin, waxaynu si qota dheer u baran lahayn degaanka iyo dalagyada ku haboon, waxaynu daris la ahaan lahayn danta iyo dabeecada, waxaynu ahaan lahayn dad shaqo jecel oo wakhtigooda ku bixiya wax soo saarka, halka reer guuraanimada, la tagi jiray tuulada si looga soo hseekeeyo.

Waxaynu ahaan lahayn dad waxa is weydaarsada oo ay ka dhaxayso kala badalasho, dalagyada la soo saaro, taasoo ina bari lahayd isku duubnaan.
Cuntadadeenu waxay ahaan lahayd mid ku dhisan waxaynu dhulka ka la soo baxno, waxaynu ahaan lahayn dad debadaa wax u dhoofsha, waxaan inaga madhnaan lahayn xoolaha oo badanaa lagu arko tiro xoola ah dadka beeralaydaa.waxaynu aad ugu tiirsanaan lahayn biyaha taasina waxay ina bari lahaayd fikir ah inaynu ceshano biyaha sanad walba ina dhaafa ee badda ku darsama, ee maalinta roobku da’o maalinta ka danbaysa aynu ka haraadaney, isku soo wada duuboo faa’iidada ugu yar ee beerta aynu ka heli lahayn waxay tahay Qaadka oo ah waxa kaliya ee aynu ku bixino dhaqaalaha ugu badan ee dalka ka baxa ayaa inoo baaqan lahayd oo dhinac aynu ku beeran lahayn.
Arinta labaad waxay tahay, maadaama akhriste aynu leenahay xeebta labaad ee africa ugu dheer, bal ka soo qaad, hadaynu Kaluumaysato noqon layhayn!!!!! ”akhriste, intaynaan gudo galin faa’iidada ay inoo yeelan lahayd kaluumaysigu, waxaa jirtay sheeko beri ka dhacday Berbera, nin odaya ayaa inan uu dhalay markuu waxoogaa gaadhay u soo baxsaday Berbera, ka dib shaqo ayuu ka helay meel hudheela, maalintii danbe ayaa wiilkii waxay is dagaaleen wiilkale oo meesha ka wadashaqaynayeen, ka dib ilig ayuu yarkii waxyeelo ka soo gaadhay, wiilkii yaraa ee baxsadka ahaa ayaa arintii loo xidhay, odaygii dhalay ayaa maalmo ka dib loo cid diray si warkii loo gaadhsiiyo, odaygii isagoo markii horeba ka xumaa baxsadka wiilka ayaa ninkii fariinta siday wuxuu ugu jawaabay, adeer, xadhigbaad sheegaysaaye, ilaahow miyay weliba, kaluuna siiyaan!!!!!”

Halkaa waxaa inooga muuqta, ugu horayn halka kaluunku dadkeena ka taagnaa, wakhtiyadii hore.
Hadaynu hadaba ahaan laheyn kaluumaysato, sidoo kale, waxanu deganaanlahyn oo aynu camiri laheyn dhulalka ku teedsan xeebaha, waxaanaynu ahaan lahayn dad degaan ku ah halkay deganyahiin oon guurguurin, waxaynu jeclaan lahyn shaqada oo waxaynu ku mashquulsanaan lahayn soo saarida khayraadka bada, waxaynu ka kaaftoomi lahayn xoolahan carabtu khayaamada inagu haysato, ee siday doonaan kolba ka yeelaaan, waxaynuna khayraadkeena u suuqgayn lahayn suuqyada caalamka ee kaluunka iyo waxa la halmaala, halka Ethiopia shilinkeenii ku dhamaaday Jaad, waxay inoo ahaan lahayd suuqeena ugu muhiimsan ee kaluunka amaba hadaynu ugu faa’iido yaraano Jaadka ayaynu kaga badalan laheyn kaluunka.

Badda, qiimaheedu wax la soo koobi karro maaha, tusaale, wadanka Bangaldesh waxaa ku nool 140 million oo qof, boqol iyo afartankaa qof waxaa ugu badan ee nololmaalmeelkooda ay ka helaan kaluunka oo dhaqaalaha wadankuna ku xidhan yahay, ma ogtahay value ga suuqa sea-foodka Dubai inta uu ahaa 2006, 735 million Dirham, suuqaasi waxaynu ku yeelan lahayn qayb libaax.

Run ahaantii faa’iidooyinka labada arimood maaha wax lasoo koobi karo, balse kaliya waxay u baahantahay wacyi gelin iyo aqoon, waxaynu had iyo goor maqalaa jaamacado la furayo iyo iskuulo tirada ka batay, kuwaasoo marka ardaydu ka soo baxdo qofkii uu dib ugu soo noqonayo suuq joog-joogii, hadaba waxaa runtii ka mudnaan lahaa iyadoo shacbiga loo furo iskuulo badda iyo kaluumaysiga lagu barto, kuwaas oo dadka wax ku barta loo samaynlahaa iskaashatooyin kaluumaysi oo ka faa’iidaysta kayraadkaa badda.

Qalinkii: Siciid Cadaani
adani_yusuf@hotmail.com

*************************************************************************************
Hadhwanaag marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida. Waxa keliya oo ay Hadhwanaag Media dhiirri gelinaysaa waa isdhaafsiga aragtida, canaanta gacal iyo talo wadaagga

Sunday, February 24, 2008

Dhulkii Awliyada,Dayaca Hadheeyay,Khayraadka Ku Duugan,Dareen La'aanta Xukuumadda Iyo Damanaanta Dadweynaha.










Warbixin:-Liban M.Shire

Dhulkii Awliyada,Dayaca Hadheeyay,Khayraadka Ku Duugan,Dareen La'aanta Xukuumadda Iyo Damanaanta Dadweynaha. Warbixin:-Liban M.Shire
Warbixin:-Liban M.Shire Suxufi Madax Banaan.
Gobolka Sanaag waa gobolka ugu balaadhan gobolada Jamhuuriyada Somaliland,waana gobolka ugu xeebta dheer gobolada dalka,isla markaana leh deegaan ka kooban buuraley ay ka mid tahay buurta ugu jooga dheer dhulweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya,dhul beereed iyo dhul daaqsimeed aad u baaxad weyn.
Waa gobol hodon ku ah ama leh khayraad dabiici ah sida xoolaha nool iyo geedka loo yaqaan beeyada,labadaas oo ah khayraadka dabiiciga ah ee ay sida weyn ugu naaloodaan dadka reer Somaliland gaar ahaana dadka reer Sanaag.
Marka laga tago hor dhaca warbixintaa gobolka Sanaag waxay ahayd 8-dii bishan labaad ee sanadkan 2008-dii markii aanu socdaal qaatay muddo sagaal maalmood ah aanu kaga baqoolnay caasimada Hargeysa aniga iyo laba oday oo ka mid ah qurbo jooga reer Somaliland ee ku dhaqan waqooyiga Ameerika kuwaas oo kala ah Cali/Khadar Xasan Cismaan oo lagu naanayso Cali Kubad iyo Maxamed Bootaan Wacays anagoo u sii jeedna gobolka sanaag.
Waa gobol go'doon ka ah dhinac walba gobolada kale ee Somaliland haday tahay xaga wadooyinka iyo adeegyada kale ee arimaha bulshada, ma laha wadooyin tusaale ahaan marka looga leexdo dhinaca gobolka Sanaag tuulada ina Af-Madoobe ee gobolka Togdheer ee laamigu uu maro waxaad ku dhacaysaa jid cade dhererkiisu gaadhayo ilaa 30-KM,jid cadahaas oo ah mid aad u rafaad badan waxa ku dhawaaqay dhismihiisa M/weyne Riyaale in wado loo sameeyo gobolka Sanaag ka dib socdaal uu ku tagay dabayaaqadii sanadkii 2002-dii wax yar ka dib markii uu M/weyne Riyaale kursiga ku fadhiistay ama wax yar ka dib geeridii M/weynihii hore Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,hase yeeshee dhawaaqaasi M/weyne Riyaale ma noqon mid taaba gala ilaa hada isla markaana lama oga meel ay ku dambeysay qaadhaankii lacageed ee dhawrka miisaaniyadood xukuumadu ugu dartay iyo kuwii loogu yaboohay wadadaasi loo qoondeeyay in loo sameeyo gobolka sanaag,waxayna wadadaasi ku dambeysay faro farayn yar ka dib xilliyadii doorashooyinka goob la iska ilaawo,taaso dhibaato adag ay kala kulmaan in badan oo socoto ahi.
Marka laga yimaado jid cadahaas wadada gobol sanaag gaar ahaana xarunta gobolkaasi waxa loo sii mara wado adag oo qiyaas dhan ilaa ku dhowaad 400-KM u jirta laamiga.
Xaga arimaha bulshada sida waxbarashada iyo Caafimaadka waa gobol aad uga dambeeya dalka intiisa kale ma laha gobo caafimaad oo si taabo gal ah uga hawlgala inta badan deegmooyinka galbeedka iyo waqooyiga gobolka Sanaag marka laga yimaado cisbitaalka magaalada ceergaabo oo isagana aanu jirin dhakhaatiir ka hawl gasha,kaasoo dhawaan ay taageero dhaqaale oo ay u soo ururiyeen qurbo jooga reer Somaliland gaar ahaan kuwa gobolka sanaag lagu dhaqaajiyay isla markaana guddi reer sanaag ah ay iskood isu xilqaameen dhaqaajinta adeegyada cisbitaalka magaalada Ceergaabo, kama jiraan MCH-yo iyo adeegyo kale oo caafimaad waxaana tusaale la taaban karo ah degmada ceel-Afweyn oo ah degmo qadiimi ah malaha cisbitaal isla markaana ma jiro MCH- ka hawl gala sababtoo ah wuu ku yaala dhisme MCH loogu talo galay oo dhiskiisu aanu waxba qabin laakiin waxa la ii cadeeyay in dhismahaa loogu talo galay MCH-ka uu degan yahay nin iyo qoyskiisa mudo dhawr iyo taban sano ah kaas oo u dhashay degmada Cel-Afweyn waxayna dadka reer sanaag adeeg caafimaad u soo doontaa gobolada galbeedka Somaliland iyo dhinaca magaalada boosaaso ee maamul-goboleedka Putland ee Somaliya.
Waxaanay arintaasi dhibaato culus ku tahay boqolaad bukaan socod iyo bukaan jiif ah oo ka soo jeeda deegaamada gobolka Sanaag.
Dhinaca waxbarashada waa kala mid xaga caafimaadka hadii laga tegi waayo waxa degmooyinka waaweyn ka jira iskuulo ay qaadhaan dhaqaale ka geystaan dadka deegaamadu,hase yeeshee ma jiraan iskuulo ay si joogto ah gacanta ugu hayso wasaarada waxbarashadu tusaale ahaan magaalada Gudmo-Biyo Cas oo ah magaalo qadiimi ah isla markaana hoy u ah ganacsiga beeyada waxa ku yaala iskuul ka kooban ilaa lix fasal oo mid mooyaane aan inta kale lagu shaqay isla markaana waxa iskuulkaa dhigta ilaa fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe oo fasalka ay ugu yartahay ay dhigtaan ilaa shan iyo taban arday waxaana iskuulkaa ka hawl gala hal macalin oo sideedaa fasal keligii uu wax baro, “iskuulkan aniga oo qudha baa macalin ka ah waa iskuul ilaa dugsiga hoose ilaa dugsiga dhexe ka kooban ma jiraan macalimiin kale oo ka hawl gasha mana jiro kaalmo dhinac walba ha ahaatee oo iskuulku uu ka helo maamulka waxbarashada ee heer gobol iyo mid dhexe”…sidaa waxa yidhi Prof Qaasim Awsaax oo ah macalin ka mida macalimiintii u horeysay ee reer Somaliland oo xiliga macalin si tabaruc ah mud dhawr iyo toban sano ah wax uga dhigayay dugsi ku yaala magaalada Gudo Biyo Cas oo 92-KM dhinaca W/Galbeed ka xigta magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Waxaanu Prof Qaasim intaa ku daray “Waan la sameeyay xidhiidh maamulka waxbarashada ee gobolka Sanaag laakiin waxay ka qabteen cabashadii aanu u gudbinay ma jirto sidoo kale koox wasiiro ah oo koljad ku yimi deegaankan iyo kuwo keli keli ku yimiba waanu la socod siinay xaalada dhabta ah ee xaga waxbarashada ee ka jirta Gudmo Biyo Cas balse wax nagaga soo noqday cabashadayadii majirto ilaa iyo hada.” Ayuu yidhi Prof Qaasim Awsaax.
Xaga abaaraha iyo biyo dhaamiska ka jira dhulkaasi in kasta oo aan weli la arag dad u dhintay,hase yeeshee waxaan Ceel u dhow magaalada Gudmo-Biyo-Cas oo la yidhaahdo Dhoobo waxaan kula kulmay qoys ka kooban laba iyo toban qof oo ka soo xerooday miyigii ka dib markii ay ku caydhoobeen abaaraha ka jira deegaankaasi isla markaana ay ka madheen xoolihii “Xoolihii way naga madheen ka dib markii ay waayeen baad ay cunaan,waxaanan aabo u ahay qoys ka kooban toban iyo dheeraad.” Sidaa waxa yidhi Aabo ka gaabsaday in magaciisa la sheego oo ku sugnaa ceelka magaciisa la yidhaahdo Dhoobo oo dhinaca waqooyi 45-KM ka xiga magaalada Gudmo-Biyo-Cas.
Waxaanu raaciyay “Ma jirto ilaa hada wax mucaawimo ah aanu helnay marka laga tegi waayo dadka deegaanka oo na kafaalo qaatay iminka dadka deegaankuna waa nala mid oo iyaga laftooda ayaa qarka u saran inay qaydhoobaan hadaan raxmad cireed la helin waayo xili adag oo xoolihii wada istaageen markii ay baad waayeen baa lagu jiraan.” Ayuu yidhi Odaygaa aabbaha u ah qoyskaasi caydhoobay ee ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.
Ayadoo arimahaas oo dhami jiraan ayaa hadana waxa xiliga faro ba’an ku haya lacag faalso ah oo noodhadh shilin Somali ah oo lagu soo daabaco dhinaca maamul goboleedka Putland,taas oo lagu qaato khayraad badan oo gobolku hodon ku yahay sida beeyada,adhiga iyo waqtigan oo ganacsato reer Putland ahi ay bilaabeen inay hantida ma guurtada ah ee magaalooyinka waaweyn sida Ceergaabo ku iibsadaan lacagtaasi faalsada ah waxayna arintaasi cawaaqib xumo ku tahay dadka reer sanaag ee aan ka filayn xukuumadooda inay kala dabaalato duruufahaasi qalafsan.
Gobolka Sanaag waa hayga mashaa’iikh doora oo ay ka soo farcameed dadka reer Somaliland iyo kuwo kawo kale oo ka soo jeeda mandaqada geeska tusaale ahaan waxa ku aasan dhawr sheekh oo waaweyn sida Sheekh Isxaaq Bin Axmed, Sheekh Ciise Axmed,Sheekh Samaroon iyo mashaa’iikh doora oo isugu jira kuwo ka sii farcamay kuwaa iyo kuwo la majaaliisi jirayba.
Dhulkaa ma’shaa’iikhdaasi ku aasan tahay waa dhul ay ka muuqato aataar qadiimi ah oo aan la sugi Karin taariikhaha ay ka soo jeedaa iyo sooyaalkooda dhabta ah,hase yeeshee waa dhul hodon ku ah khayraad badan oo aanay lahayn gobolada kale ee Somaliland sida geedka Beeyada,waxyaabaha kale oo deegaankaasi godon ku yahay waxa ka mida xaga biyaha waxaadna arkaysaa webiyo biyo ah oo socda gu’ iyo jiilaalba waxaana togagaas ka mid kuwo ay is barbar socdaan biyo macaan iyo biyo qadhaadh,Biyo kulul iyo kuwo qaboow oo dheega isku haya ama aanay jirin wax u dhexeeya socodkoodaa waxaana ka mid haroonyinkaa sida harada ku taala Gudmo-Biyo-Cas iyo qaar kale oo badan,waxa kale oo intaa dheer deegaankaasi waa hoyga noocyada kala duwan ee ugaadha sida Deerada,Gorayada, iyo noocyada kala duwan ee ugaadha mana aha deegaan lagu ugaadhsado ugaadha waayo dadka deegaanka ayaa si weyn u ilaaliya ugaadhaas laakiin dhulkaasi leh khayraadkaa dabiiciga ah oo weliba xoolaha noolna ay koowada ka tahay waxa ku gadaaman dayac xoogan oo hadheeyay qaybaha kala duwan ee deegaanka iyo dadka ku dhacan tusaale ahaan ma jiraan baadhitaan lagu sameeyay taariikhda aataarta ku duugan dhulkaasi sidoo kale lama hayo tirada ma’shaa’iikhda ku aasaan dhulkaasi iyo inta qarni ee ay soo gaadheen.
Waxa intaa dheer khayraadkaa iyo aataartaa dhulkaasi uu hodonka ku yahay ma jiraan cid gaara iyo xukuumada xil iska saartay sidii loo ilaalin lahaa macluumaadkaasi kala duwan isla markaana baadhitaan ku samaysay.
Guntii iyo gebagabadii gobolka Sanaag waa hoygii awliyada oo aaboyaal kumanaan sano laga soo farcay ay ku duugan yihiin,hodon ku ah khayraad kala duwan oo dabiici ah,hase yeeshee waa gobol aan ceelna u qodnayn cidna u maqnayn marka laga eego dhinac walba wuxuuna khatar u yahay inuu dhaxal wareego haddii aan looga gurman sida uu waqtigan ku sugan yahay.

Sunday, February 3, 2008

GAA Trained Farmers in Togdher and Sool Farmers










Burao (The Rep)- 60 farmers from Togdher and Sool region completed a 2-day training on farming and fertilization at Burao University this week.

The training organized by GAA and funded by the European Union was aimed in razing farmer’s know- how and also provided opportunity for exchanging experience.

Mr. Ahmed Farah Jooj a senior GAA official staled that farmers were trained on fertilization, methods of farming, removing weeds and nursery.

GAA, a local NGO with H.Q in Burao covers agriculture, sanitation, health and water.

Jamhuuriya Online

Monday, January 21, 2008

NAVTEQ Map Content and Programs Drive Location-Based Future at 2008 Mobile World Congress

Sponsored by:


CHICAGO, IL - January 17, 2008 - NAVTEQ (NYSE: NVT), a leading global provider of digital map data for vehicle navigation and location-based solutions, announces its participation in the upcoming Mobile World Congress taking place in Barcelona from the 11th to the 14th of February. With more than 50,000 visitors the Mobile World Congress (formerly the 3GSM World Congress) brings together the pre-eminent leaders and personalities from mobile operators and equipment vendors, as well as those from the Internet and the world of entertainment and is considered the mobile industry's biggest annual event.

With a broader presence this year, located at Hall 1 booth 1G45, NAVTEQ will host more than 10 partners and will launch and showcase its latest map data, rich content and developer programs including:

# NAVTEQ Discover Cities: With the launch of NAVTEQ Discover Cities, a bundle of map data, pedestrian geometry, mass transit information and pedestrian-relevant Points of Interest (POI) data built specifically for location-aware mobile devices, NAVTEQ puts the power of a pedestrian travel guide on a mobile device. NAVTEQ Discover Cities extends the power of the NAVTEQ(R) map by delivering detailed information about cities, tourist attractions, public transit systems and other data highly relevant to urban pedestrians traveling on business or as a tourist. It gives mobile consumers the information they need to find out what's near them and how best to get there, delivered in a personally relevant fashion. Samples of prototype applications featuring NAVTEQ Discover Cities that virtually turn the navigation device into a personal location based tourist guide will be displayed on site.

# NAVTEQ's Map Network: Map Network is a line of mapping and location technology solutions for destinations, events and venues that is part of NAVTEQ's portfolio of content products and services. Developed in concert with expert partners, Map Network solutions comprise highly customized print, on-line and mobile maps, event guides and 3D tours -- enabling brand differentiation in a new and relevant way. Map Network solutions and content management platform enable the creation, management, publishing and distribution of complex location content. Over 145 destination marketing organizations, hundreds of events and a wide range of venues including major hotels, convention centers and museums benefit from Map Network maps and solutions.

# NAVTEQ Network for Developers: Barcelona has also been designated to further extend the reach in the developer and operator community and to present officially NAVTEQ Network for Developers, a dynamic online web portal and functional tool that provides companies with technical and business support that enables application development. By offering access to an extensive assortment of valuable tools and data, the NAVTEQ Network for Developers site is on the forefront of a connected ecosystem designed to support growth in the next generation of location-based services. By simple web registration, developers benefit from sample NAVTEQ map data and access to industry-leading geospatial tools, online forums, frequently asked questions, e-mail technical support and NAVTEQ leading analysis and proprietary research. For more information or to register visit: http://www.NN4D.com.

# NAVTEQ Global LBS Challenge (R): Initiated in 2003, NAVTEQ Global LBS Challenge is the premier event for wireless LBS innovation, inviting developers around the world to build innovative, non-commercialized LBS applications that work with mobile phones and/or wireless handheld devices using dynamic positioning technology and NAVTEQ map data. Several key companies in the LBS developer community are working with NAVTEQ to sponsor this year's Global LBS Challenge, bringing with them invaluable resources and opportunities. Nokia globally sponsors the Challenge for the third consecutive year together with Autodesk for this 2008 edition. Joining them, additional influential sponsors and partners include deCarta, and PTV as Platinum sponsors, Telefonica (Movistar) and Orange as Gold sponsors. Sponsors and partners offered free access to tools, platforms and support to NAVTEQ Global LBS Challenge developers in Europe. NAVTEQ Global LBS Challenge (R) participants compete for a sizeable global prize pool, valued this year up to an unprecedented euro 2 million, and consisting of cash, licenses and services from NAVTEQ and sponsors of the event.

# Booth Partners: companies joining NAVTEQ booth include Alk, Appello, AtlasCT, Magellan, NaviExpert, Network In Motion, PH Informatica, Ubiest, Webraska.

The Mobile World Congress will also be the setting where NAVTEQ will host for the third year the final judging and Awards Ceremony of the NAVTEQ Global LBS Challenge for EMEA respectively Sunday 10 February, and Tuesday 12 February, at Poble Espanyol, located next to the venue of the Congress. This year, executives from Fotovista/Dixon, O2, Truffle Ventures, Nokia, Autodesk, Vodafone, Deutsche Telekom, WebMobility, Telecom Italia, Innovacom and GPS and Co will serve as the official judges and will base their final decisions on the following criteria: commercial viability, unique functionality and features and ease of use.

# About the NAVTEQ Open Media Reception On Monday 11 February, NAVTEQ will host an Open Media Reception in the beautiful setting of City Hall, Poble Espanyol de Montjuic, Avgda Marques de Comillas 13, 08038 Barcelona, Spain. The reception will be running from 12am to 03pm and allow journalists to choose the time that best suits their personal schedule to join the semifinalists of the NAVTEQ Global LBS Challenge and see applications running for the first prize. Attendees will also be able to meet NAVTEQ staff in a quiet setting and discover more about the latest map contents, NAVTEQ Discover Cities and Map Networks demos, NAVTEQ Network for Developers and taste at the same time some typical tapas from the buffet. To confirm your presence to the press event, the NAVTEQ Press contact is Arianna Geith at a.geith@tml-comunicazione.it .

# About the NAVTEQ LBS Challenge Award Ceremony NAVTEQ LBS Challenge Award Ceremony will take place on Tuesday 12 February, the second day of Mobile World Congress, at 15.00h at Poble Espanyol de Montjuic, Avgda Marques de Comillas 13, 08038 Barcelona, Spain. The admission to the Ceremony is free and the Awards program will be followed by a cocktail reception.

Poble Espanyol de Montjuic is five minutes walk from the Mobile World Congress venue and during the whole Congress, NAVTEQ shuttles to Poble Espanyol will be available at the shuttle pick-up area (look for the NAVTEQ Global LBS Challenge signs) outside the Convention Center. For more information, visit http://www.LBSchallenge.com or refer to NAVTEQ's staff on site during the show at the booth 1G45 Hall 1.

About NAVTEQ
NAVTEQ is a leading provider of comprehensive digital map information for automotive navigation systems, mobile navigation devices, Internet-based mapping applications, and government and business solutions. NAVTEQ creates the digital maps and map content that power navigation and location-based services solutions around the world. The Chicago-based company was founded in 1985 and has over 3,100 employees located in 167 offices in 31 countries.

Monday, January 14, 2008

Kulan dhex maray Wasiirka Beeraha ee Somaliland iyo Jaaliyad Norway Iyo Warkale halkan ka akhriso















Jan 15, 2008

Norway (Qaran)- Maalintii Axadii ee bisha koowaad ahayd 13-ka waxa Magaaladda Oslo ka dhacay shir ay ku kulmeen jaaliyadda Oslo iyo wasiirka Beeraha. Waxa hadalo uu wasiirka ku soo dhaweynayo ku furay Guddoomiyaha Jaaliyadda Xusseen Aadan Cadib. Intaa kadib Safiirka Somaliland ee Norway Mudane Maxamed Adan Liilan ayaa Hadalkii la wareegay soo dhaweynta wasiirka ka dib wuxu si balaadhan uga waramay waxqabadka jaaliyadda, Xafiiska safaaradda iyo guulaha ay soo hoysay siyaasadda arimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Siiba isbedelka siyaasadeed ee uu muujiyey safarkan weftiga Madaxweynuhu. Waxa kaloo uu ka dhawaajiyey in dalkii uu maalgashi badan oo malaayiin dollar ahi galayo taasoo khaasatan ka tageysa Dalkan Norway. Waxaanu tusaale u soo qaatay hawshan sahaminta macdanta, biyaha iyo batroolkaba leh ee ay sameynayaan Diyaaradaha iyo Maraakiibtuba.

Waxa iyana hadalo soo dhaweyn ah halkaa ka yidhi wakiilada Xisbiyadda mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Ucid mudane Axmed Baaruud iyo mudane Cali Cidin. Intaa ka dib waxa hadalkii la wareegay Wasiirka Beeraha Mudane Aadan Dhoolayare. Hadallo mahadnaq ah oo uu u jeediyey jaaliyadda, safiirka iyo guddoomiyaha cusub ee jaaliyadda ka dib wuxu ku bilaabay kolay war iskuma keen seegana oo dunidu maanta waa "Global Village" wax walibana waa "Online" oo idinkaa dadka dalkii joogga uga xog-ogaalsan oo wax idinka qarsooni ma jiro. kolkaa wax cusub idinku soo kordhinmaayo. Fariintan idiin soo gudbinayaa waxa weeye waxad la socotaan in badan ayeynu isku dayeynay ama dhaliil xukuumada ha loogu jeediyo ama inaguba aynu isku canaanano kaasoo waajib ku ah qof kasta oo reer sl. ah inuu huro dhaqaalihiisa iyo naftiisaba si aynu u gaadhno xuduudka somaliland oo ah ta qaranimadeena muujineysa. Ilaahay mahadii waa la gaadhay waad la socotaan. Laakiin ciidan iyo dad meel iskama jooggi karaan hadaanay taakuleyn helin. Kolkaa sidad la socotaan waxa la sameeyey guddi uu madaxweyne ku xigeenku guddoomiye u yahay kana kooban dhamaan golayaasha qaranka iyo xisbiyaddaba. Waxa loo xil saaray ururinta gudo iyo dibadba dhaqaalihii Goboladii Sool iyo Sanaag bari dib loogu dhisi lahaa si loo soo gaadhsiiyo intay ka hadheen gobolada kale ee dalka.

Haddaba, ka jaaliyad ahaan waxa idiin iman doona wafti uu hogaaminayo nin xil dhibaana qaran ah oo waliba Kulmiye ah oo loo soo xil saaray arintaa. Waxa la idinka doonayaa sidii lagu yiqiin jaaliyadda norway ee ay uga tilmaaneyd jaaliyadaha kale ee dunida inaad u diyaar garowdaan oo aad si balaadhan uga qeyb qaadataan taakuleyntaa ciidanka iyo dib u dhiska gobalada bari.

Weftiga madaxweynuhu wuxu ku soo beegmay xili ay wax badani iska bedeleen Geeska Afrika, oo ah Soomaaliyaddii hore oo aan dawladi ka jirin, Kiiniya oo liiqliiqaneysa iyo Itoobiya oo dab badani ku shidan yahay. Caalamkuna waa maslaxad waa isii aan ku siiyee, nina isagoo iska fadhiya malqacad afka looma geliyo. Kolkaa waxaynu soo gaadhnay xilligii dunidu wax inala qabsan laheyd.

Kulankaa wasiirku wuxuu ku soo gabagaboobay su´aalo jaaliyadu wax ka weydiisay wasiirka xukuumadu ka tirsan yahay iyo guud ahaan dalkaba.

Cabdirisaaq Cismaan Fadal

Weriye madax banaan

Oslo Norway

Friday, January 4, 2008

Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsan Nadaafada Iyo Fayo Dhowrka oo Ka Furmay Magaalada Boorama.















Jan, 4 2008

Abokor Hassan Afi, Harowo = Boorama, Aqoon is wardaarsi ayaa maanta laga furay xarunta dowlada hoose ee Degmada Borama, aqoon is waydaarsigaasi oo lagaga doodayay nadaafada iyo fayo dhowrka magaalada Borama.

Waxaa ka qeyb galaya 25 xubnood oo ka socda 4 ta dugsi sare iyo labad dugsi dhexe oo ka tirsan dugsiyada Borama, NGO yada wadaniga ah ee G/Awdal, shaqaalaha dowlada hoose, maamulayaasha dugsiyada Borama iyo marti sharaf kale. Waxaana barnaamijkan oo tijaabo ah iska kaashanaya D/Hoose ee Borama hayadaha Swiss group iyo hayada Unicef.

Maayirka Borama C/raxmaan Shide Bile oo ka hadlayay furitaankan ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada aqoon isweydaarsigan oo ku tilmaamay inay tahay sidii looga wada hadli lahaa wax ka qabashada qashinka tuulan goobo ka mid ah magaalada iyo habkii loo nadiifin karo loogana wada qayb qaadan lahaa.

Maayirka waxuu carabka ku dhuftay in arintani tahay mid bilow ah oo lagu tijaabinayo Borama haduu uu kaalin galena la doonayo inuu kaalin muuq leh oo qashinka hadheeyey degmooyinka dalka S/land doono.Waxuuna tilmaamay inuu qorshahani yahay mid dadwaynaha lagu dareensiinayo dhibaatada caafimaad daro ee qashinku leeyahay, waana arin dhinaca nadaafada lagu tartamayo, bulshadana dhinaca nadaafada wacyi galin loogu samaynayo.

Waxaa isagana halkaa ka hadlay Maxamed Yuusuf ( Galool ) iyo Cabdi Aadan oo iyaguna ka socday Swiss group iyo Unicef, waxayna cadeeyeen in mudada afarta maalmood ah ee tababarku soconayo lagu lafa guri doono sida ugu haboon ee dadka loo wacyi galinayo, taasi oo lagu rajo waynyahay in bulshada ay gaadhaan ka qayb qaadashada Nadaafada Borama, waana markii ugu horaysay ee seminaar noocan oo kale ah lagu qaboto magaalada

Borama.