
Written by Qarannews
Jun 14, 2008 at 11:23 PM
Qormadan waxaanu ugu talo-galney in aanu kaga faaloono muhiimada ay leedahay wax-soo-saarka iyo sida ay lama huraanka u tahay in la xoojiyo, islamarkaana in la kobciyo lana dardargeliyo dhamaan dadaalada loogu jiro in kor loogu qaado tacabka wax-soo-saarka beeraha ee Somaliland. Waxaa kaloo aanu qadar la milicsandoonaa wax-soo-saarka ugu badan ee ka soo baxa Dalka Soomaaliland iyo sababta keentay doorka ay ka qaadato tayeen iyo kobcinta tacabka wax-soo-saarka Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Soomaaliland, oo inta badan u heelan siyaasadda Wax-soo-saarka Dalka.
Waxa kale oo aan taxalujin doonaa inaanu falanqeyn ku sameyno dariiqooyinka ugu haboon ee lagu horumarin karo isla markaana loo kobcin karo tayda iyo tacabka wax-soo-saarka wadanka.
Waxaa hubaal ah in Bulsho kastaa oo caalamka ku nooli ay leedahay afdaaf-nololeed oo u dejisan, oo ay uga danleeyihiin horumarinta danahooda dhaqaale, ee wax-soo-saar nololeedba. Ma jirto ama wey yertahay cid aduunkan korkiisa hadaf la’aan ku nool.
Ummad waliba waxa ay wax ku noqotaa wax-qabashadadeeda, wada-jirkeeda, wax-soo-saarkeeda, ilaalinta danaheeda iyo ilaheeda dhaqaale, si ay ula tartanto, isla markaana ula
jaanqaado loolanka iyo tartanada dhaqaale ee ka dhexeeya dalalka Caalamka.
Sidaas oo ay tahay, talaabda keliya ee wadanku xilligan wax ku noqon karaa waxay tahay in la sameeyo qorsheyaal istaraatiijiyadeed oo dulucdoodu tahay xoojinta iyo horumerinta Wax-soo-saarka dalka guud ahaan iyo in la abuuro ahdaaf siyaasadeed oo lagu abuurayo dadaalo xoogan oo kor loogu qaado heerka iyo tayada wax-soo-saarka.
Waxaa xusid mudan in aanu dalku dal noqonayn, oo qaranku aanu qararan noqonayn, oo dadkuna wax ku filan aanu helayn hadaan la horumarin wax-soo-saarka dalka, waxaana marag ma doo ah, haddii aan xil la’iska saarin ka midho-dhalinta khayraadka ceegaagsan dalka iyo sugida qorsheyaasha ku aadan kala hormayn hannaanka wax-soo-saarka ee Beeraha dalka in aan faqri iyo sicir berer/ meceeshadeed laga baxayn.
Waxa xaqiiqo ah inta maanka, maskaxda iyo muruqa ganacsatada u xaydan yahay soo dejinta Wax-soo-saarka ummadi ku Tacabtay, isla markaana ay keenayaan kiish daqiiq ama bariis amaba sokor ah in ay dalka iyo dadkaba wax tarayn, balse ay lu goynayaan.
Waxaa hubaal ah inta aqoon yahankeenu uu qiimaynayo shilinka, balse aanu qadarineyn tacabka Qaranka in aanay waxba qabsoomayn. Waxa dhab ah inta Hay’aduhu in haystaan ee inteenii aqoonta laheydna midheen, oo ay ku mararoobiyaan mashruuc yar oo la fuliyo, Safar yar oo loo baxo, siminar yer oo la qabto iyo bulshadana logooyada ku hayaan in aanay bari inoo kordhayn.
Tacabka Masagadda [Hadhuudhaka.]
Qodobka ugu horeeya ee aynu soo qaadaneyno ee ku saabsan Barnaamijkeenan Tacabka Wax-soo-saarka, waxa uu yahay tacanka Mesegadda ama hadhuudhka waxaanu ka mid yahay wax-soo-saarka ama dalaga ugu badan ee laga beerto beeraha dalkeena, marka laga hadlaayo qaab-dhismeedka geedka Mesegadda waxaa uu ka booban yahay Afar qaybood oo kala ah:
Xidid, Jirid, Caleen, & Midho.
Xididka; waxaynu wada naqaanaa in uu geedka dhulka ku adkeeyo xididka isla mar ahaantaan caradda nafaqadda ku jirta iyo biyaha uu u baahan yahay inuu u soo nuugo jiridda, marka laga hadlaayo waxtarka jiridda u leedaha geedka waxaa lagu tilmaamaa jidka nafaqada iyo biyuhu u maraan geedka qaybihiisa kala duwan.
Caleenmuhu waa warshadda uga soo saarta nafaqadda uu uga baahan yahay Qoraxda iyo Hawadda, waana xubinta uu ka neefsado, biyaha aan geedku u baahnayna uga saarta dibada.Ubaxuna waa xubinta uu geedku ka tarmo ee uu ka dhalo, marka uu samaynayo Midhaha.
Afarta qaybood ama qaab-dhismeedka ayuu geedku ka kooban yahay.
Waxanu imika gudo-geleynaa sida loo beero ee loo tayeeyo
wax-soo-saarka geedka Mesegada.
Ciidda[Meelaha ku haboon beerista].
Ciida ay mesagadu sida wanaagsan ugu baxdaa waa ciidda meldhexaadka ah ee aan dhoobada adagna ahayn bacadna ahayn, waxaana ciidda loo yaqaanaa oo lagu magacaabaa (BUSBUS).
Carro-gedis.
Si bixitaanka iyo koritaanka geedka mesegadu u hagaago ciidda waa in loo jilciyaa, oo lagu qoodaa dhulka; Cagaf, Dibi, Awr iyo hadba wixii la helo.
Waxaana Sidaana waxaa loo yeelayaa:-
A) Biyaha roobka ama kuwa lagu waraabinayaa dhulka hoos ha u galaan, marka ay la kulmaan ciida la jilciyey dabadeedna ku dhaafaan reys badan oo mesegadu ku noolaato muddo dheer.
B) Xididka mesegadu ha helo dhul jilicsan oo uu ku fido.
C) Cuduradda iyo cayayaanka dhirta dhulka ku jiraa ha ku haraadeen.
D)In la furto naqada ciiddu leedahay ee dhulka ku jirta.
E) In uu soo baxo geed mesego oo dhala midho tayo leh.
f) In bacriminta shinidu fududaato oo ay markaaba qaraxdho.
Simid.
Beerta marka la carro-gedinayo waa in la isku sima oo dhulka aan lagu dhaafin oo aan lagaga tegin meelo godgodan iyo meelo taagtaagan waxaana tallaabadaa looga gol leeyahay biyuhu ha wada gaadheen beerta oo yaaney meelna ku badan meelana ku yaraan, waxaana dhulka lagu simaa, Cagaf, Dibi, Awur iyo kawaawe.
2. Aburista Nesegadda
Kolka la doonayo in la abuuro Mesegada waxaa haboon in la abuuro xilli fiican, kaas oo falka horaantiisa (xiliroobeedka horaantiisa), waxaana inta badan laga duulaa bada xilliroobeed ee Guga iyo Deyrta, xilliga guga waxaa haboon in la beero 25 Maarso (March) ilaa inta u dhexaysa 15 April. Xilliga Dayrta waxaa haboon in la beero Mesegadda inta u dhexeysa 25ka Sebtember ilaa 15ka Aktoober, waxaana sidaa looga gol leeyahay in xilliyadaa munaasibyada ee wax beerashadda ku haboon in laga faa’ideysto haddii Mesegada la beero xilli fasalkii roobka intiisii badneyd tagtey waxaa laga yaabaa in Mesegadii oo roobu baahan uu fasalkii dhamaado, isla markaana ay biyo iyo roob la’aani soo deristo Mesegadii,
Sidaadarteed si wax-soo-saarka Mesegadu uu noqdo mid tisqaada waa in lagu beegaa abuuritaanka xili roobeddka horaantiisa.
Mesegada markala abuurayo, waxaa loo abuuraa sifo iyada oo la raacaayo talaabooyinkan:Labadda xabo ee mesegadda waxaa laysku jirsiiyaa labo talaabo.
Abuurka waxa dhulka hoos loo gelinayaa qiyaas dhen far iyo badh ama wax le’eg.
Abuurka (shinida) waxaa godkiiba lagu ridaa labo ama sadex midhood oo hadhuudh ah.
100kii talaabo ee dherer ah iyo 100ka talaabo eegudun ah (hal Hekter) waxaa abuur ahaan ku fiican 10 ilaa 15 kiiloo oo hadhuudh ah
Falka (Saaqid)
Marka mesegada iyo saaqa la kala garto ama cawska beerta ka soo baxay, ayaa la isu diyaaiyaa in la saaqo oo beerta laga guro waxyaabahaa xanibaya koritaanka hadhuudhka.
ama la talo beerta waxaa kaloo lagu dhaqaaqayaa in Mesegada iyo beertaba dhilka lagu bilaabo dhilka waxaa gudbikiiba loo dhagaa 1-2 geed oo qudha.
Waxaana falka loo sameeyaa, sida loo yeelayaa:
1- Caws iyo dhir hoosaadku si aanay mesegada la qaybsan nafaqada iyo rayskii ay ku bixi lahayd.
2- Cawska iyo dhir-hoosaadka kale yaanay u keenin cuduro iyo cayayaan mesegadda.
Waxaa dhacda mararka qaar in mesegada dhexdeeda ay ka baxaan caws ama dhashin kale, kuwaas oo had iyo jeer cudurada iyo cayayaanku u Mesegadda ugu soo dhuuntaan.
Beerta Oo Dalagyada Loo kala (Rotation of Crop).
Hadii beerta fasal kasta ama xili roobaad kasta dhul isku mid ah lagu beero, waxaa hubaal ah in ay cudub qaadayso Mesegadu. Sidaasdarteed si looga hortago cuduradaa Mesegadda ragaadinaya waa in beerta saraca loo kala bedelaa oo dhukii wakhtigii ama fasalkii hore lagu beeray mesego waain kalka dambe lagu beeraa dalag kale sida digir, laws, ama xaxab, mesegadu waxa uu ka mid yahay dalagyadda ugu badan ee wadankeena ka baxa, sidaas darted waxaa uu si weyn carrada ugala baxaa nafaqadda. Qaarkoodna carradda lagu beero waxay ku kordhiyaan nafaqada dhirtu ku baxdo, nafaqadad ugu qaayo weyn ee dhirtaasi ku kordhiso waxaa lagu magacaabaa Neydarojiin (Nitrogen), taas oo ah mid aan dhirtu la’aanteed aanay bixin, dhirtaas nafaqada kordhiyaa waxaa ka mid ah Digirta, Salbuulkada, lawska, sisinta,iwm. Si kastaba ha ahaatee hadii beerta cudur lagu arko (5%) boqolkii geedba 5an geed waa in laga daweeyaa inta aanu ku faafin dalaga intiisa kale.
Cayayaanka.
Mesegada waxa u cadaw ah cayayaan badan, kuwaas oo ragaadiya koritaanka iyo midhaynta geedka mesegada ah waxaana cayayaankaasi dhawac u geystaan tayada iyo taranka geedka Mesegadda haseyeeshee waxaa ugu beden cayayaanka ay ka midka yihiin:
Dhuunqabadka midabkiisu yahay dhibew,dhibcaha ee balka mesegadda ka gala dhuux (stall borer) (palidae), dhuun qabd midabkisu yahay cadaan, oo balka ka gala dhuuxa (s,b), dirxi midhoodka mesegada ka gala Madaxa, marka midhuhu yihiin caano gelista (lepidotera) (loctuide), malabiso taas oo dhibaato weyn u gaysata mesegada(APHID).
Ka hortaga.
Cayayaanka dhibaatada ku keeni kara Mesegada waxaa lagaga hortegi karaa:
1. Beerta oo la carro-gediyo.
2. Beerta oo had iyo jeer nadiif laga dhigo oo laga guro balkii hore iyo qashinkii kaleba, isla markaana si wanaagsan loo falo oo laga falo cawska iyo qashinka kaleba inta Mesegadu ku taal beerta.
3. Dalagyada oo la kala bedelo beerta, iyada oo fasalba noocaan la qolo ahayn kii hore lagu beero sida Messegada iyo Digirta oo la isku bedelo, hase ahaatee, haddii beerta lagu arko cayayaan waa in si degdeg ah looga buufiyaa inta aanu ku faafin.
Qalabka loo adeegsanaayo gurida Mesegada.
Marka uu bislaado ama uu gaadho geedka mesegadu wakhtiga kama dambaysta ee la goynayo waxa loo adeegsadaa in gunta lagaga jaro miishaar aan nooceedu ahayn ta Looxaanta, balse leh qaab-dhismeed ka gaaban oo golxo yara leh, oo gacan-qabsigana ku wanaagsan. Waxaana markaa balkii mesegada lagu tuulaa dhawr meelood oo beerta ka mid ah, iyada oo ay halkaaku tuulnaato in muddo ah, si uu engego midhaha ku dhex yaal saabuulada, intaa ka dib waxaa lagu dhaqaaqaa in saabuuladu laga saaro midhaha ku dhex kaydsan.
Qalabyadda loo adeegsado miidaynta sabuulka Mesegada.
Sifeynta iyo miideynta midhaha ku jira saabuulada Mesegada waxaa loo adeegsada wadankeena qalabyo ku salaysan qaab-dhameed ay muddo-dheer dadeenu u isticmaali jireen safaynta hadhuudhka, waxaana qalabyadaas ka mid ah: Mooyeeyaal isugu jira kuwa waaweyn, kuwo dhex-dhexaad ah iyo kuwo yar-yar-ba, waxaa kale oo oo adeegsankaraa kaa Ul hal 1mitir ama mitir iyo badh ah. Kuwaas oo la isticmaalo marka hadhudhka la isugu keeno meel bax-xad ah oo bannaan sida goob xero hore u ahaan jirtay oo digadii laga guray ama meel labanayd, oo la xaadhay oo lagu goglay baco ama waxyaabo kale oo loga dan leeyahay si aanay midhaha hadhuudhka iyo ciidu isu milmin. Waxaa markaa loo dhiibaa saf rag ah, oo siwada-jir isula jaanqaadi karaya, oo saabulidii kolba qayb mideeya, waxaana ragaasi inta uu mid walba labada gacmood ka buuxsado u shiisa kolba inta uu kor iskaga jaro dusha kaga garaacayaa saabuulkii goobta ku urursanaa. Marka markale waxa uu sameeyaa inta uu Usha xagiisa dambe ka wareejiyo ayuu si miisaan leh hadhuudhka ugu tumaa. Waxaana markaa la qaadaa hees hawleedyo ay ka mid yihiin “hoo guulalee… hoo guulalee, kani galbee” iyo qaar kale loo badan.
Waxaa ka loo adeegsadaa miidaynta saabuulada Mesegada oo meelaha qaarba isticmaalaan cagafta beeraha lagu qado, oo inta saabuulada si wareega ah oo ku bad oo kale ah loo dhiga, ayaa waxaa sar-jaraa afarta taayir ee cagafta, si ay ugu dul-wareegto, oo taayirka ka ku kala saarto saabuul ka midhaha, waxaa qashinka soo hadha midaynta ka dib loo yaqaanaa “Waago”. Waxaa kale oo jira qalabyo ka oo loo adeegsado madaynta Hadhuudhka.
Dhamaan agabyadaas aynu soo xusnay, waa kuwo ku tacaluqa dhaqan ahaan, oo loo badan yahay in laga fikiro lana dejiyo sidii qaabkii loo bedililahaa ee loo abuuri lahaa warshado yaryar oo fududeeya hawlaha safaynta Mesegadda. Runtii hanaankaa safaynta hadhuudhka waxa ay dhib badan ku haysaa dadka ku hawlan hawlahan wax-soo-saarka dalagyada Beeraha.
Maxaa laga bedilikaraa habka wax-soo-saarka hadhuudhka
Waxaana lagama maarmaan in loo guntado sidii loo suurta-gelin lahaa wax-soo-saar tayo leh oo qiimo leh, oo loo adeegsankaro daboolida baahiyaha cunto ee wadankeena ka jira. Waxaa kaloo muddan in dib loogu noqdo sidii wax-weyn looga bedeli hannaanka beerida iyo wax-soo-saarka beeraha wadanka, isla markaana waxaa in is-bedel dhinac kasto ah lagu sameeyaa qaabka beeritaanka Mesegada.
Waxa aan is-qabanay in lagu yabooho ama la naadiyo “Beeraha ha laqo, Wax-soo-saar kor ha loo qaado, dhulka ha latabacado.” Balse su’aalaha waxaa hor taagan, kuwa kale ee ah;- Maxaa la beerayaa? Sidee baa loo beerayaa? Yaa beeraaya? Sideebaa wax-soo-saarka kor loogu qaadayaa? Yakor u qaadaya? Ma dawlada? Mise shacabka? Qaab noocee ah ayaa kor loogu qaadayaa? Sideebaana dhulka loo tabceynayaa? Ma dadkan aan waxba haysan ee daalaa-dhacaya ayaa tabcaynaaya? Mise ganacstadan taladoodu ku soo uruurtay wax soo waaridiid ama soo dejinta ee aan wax-soo-saarba dan ka lahayn?
Dhamaan Su’aalahaasi waxa baadi-goobayaan isla markaana raad-raadiyaan cidii ka jawaabi lahayd, mana aha wax dulucdooda iyo ujeedadoodu ku kooban tahay cid gaar ah, balse waa arrin khusaysa cidkasta oo danaynaysa kana damqanaysa horumarinta iyo hagaajinta hanaanka wax-soo-saar ee dalka.
Sidaa darteed, waxaa muddan in xukumadu ku dhaqaaqdo qodobadan hoos ku xusan in wax-weyn laga bedelo qaabka wax-soo-saar ee beeraha wadanku ku salaysan yihiin.
1- Waa in la abuuro khuburo ka qayb qaadata tacabka wax-soo-saarka gaar ahaan mesegadda.
2- Waa in la unko oo la dejiyo qorsheyaal istaraatiijiyadeed oo wax-weyn ka tara dardar-gelinta wax-soo-saarka dalka.
3- Waa in kor loo qaado heerka wax-soo-saarka dalagyada beeraha si fakhriga iyo baahida cunto yaraanta looga baxo.
4- Waa in la isu diyaariyaa, oo waliba xukuumadu xooga saartaa sidii loo samayn lahaa biyo-xidheeno iyo dhaamam waa weyn oo ka qayb qaata koob-cinta wax-soo-saarka.
Ganacsatada:-
1- Waa in ganacsatadu qaab-ganacsiyadeedkooda ganacsi waxka bedeshaa, oo u soojeesataa wax-soo-saarka dalka.
2- Waa in ay fahmaan in ay u shaqeeyaan dad shisheeye oo kabiibinaya waxay awood uu leeyihiin in ay soo saaraan.
3- Waa inay ku xisaabtamaan inay ummada lu goynayaan oo dalka hodadaalo iyo dhibaato dhaqaale u horseedayaan, haddii aanay garawnsan in waxa ay soo waaridayaan aanu sidaa ku jirayn, balse ay xaalado iman karaan.
Tacabka Gelaydu
Gelaydu waxaa ay ka mid tahay dalaga labaad ee ugu badan ee dalkeena ka soo baxa marka laga yimaado hadhuudhkan waxaana inta badan aad loogu beerag galbeedka Somaliland.
Marka laga hadlay siyaabaha loo beerayo waxay wax badan la wadaagtaa hadhuudhka oo iyada lagtadeeda waxaa la beeray xilliyada mesegada la beero hadaan meesha lagu beeray tahayn biyo joogto ah.
Wax-soo-saarka kale ee u baahan in la xoojiyo.
Dadaaladda loogu jiro kor u qaadista wax-soo-saarka waa inay ahaadaan kuwo jiheysan oo bar-tilmaameedyadoodu gebi ahaanba koobsanayaan oo sameynayaan dhamaanba qaybaha kala duwen ee wax-soo-saarka.
Beeruhu waa xudunta wax-soo-saarka nooyadda dalegyadda, waa goobta suura-gelisa in teyeda iyo tirada wax-soo-saarku fiicnaato, haddii si wanaagsan looga shaqeyo, waa halka ay isku dhaafeen dawladdaha horumaray ee dhaqaalahoodu sida layaabka leh u kobcay. Sidaas oo ay tahay helitaanka beerta wanaagsani waxa ay saldhig u tahay wax-soo-saar tayo, taran iyo tiroba leh.
Kolka lagu guleysto helitaanka beero wanaagsan ayaa la suurto-gelin karaa wax-soo-saarka dalegyada qaybihiisa kala duwen.
Sidaa darteed waxa quruxbedan oo lagama maarmaan ah, haddii la doonaayo wax-soo-saar wanaagsan, waa in la badiyaa beeraha wax-soo-saarka noocyadooda kala duwan, isla markaana waa in la helaa waxyaabaha kala duwan ee ciida lagu nafaqeeyo, sidoo kale waa in lagu dadaalaa hir-gelinta Dhaamaam ama biyo-xidheeno fududeeya tarminta kor-u-qaadista wax-soo-saarka dalegyadda.
Hadaba waxaan meesha ka madhneyn in loo dhugyeesho sidii wax-soo-saarka kale ee dalka loo xoojin lahaa, waxaana wax-soo-saarada kale ee horumarinta u baahan ka mid ah; - Digirta, Sisinta, Heeda, Hadhuudhka, Gelayda, Qamadida iyo dhamaan midhaha kale ee firilayda ah, waxaana dalegyadaasi ku baxaan cimilooyin isku dhowdhow, iyaga oo u baahan uun in tacab badan la geliyo si waxa ka soo baxayaa uu u noqdo wax tayo iyo qiimo leh, oo wax tarna leh. Waxaa kaloo iyaguna tayeyn iyo horumarin u baahan dalegyadda Khudrada ah ee ay ku jiraan: - Tamaandhada, Baradhadda, Basasha, Kaabashka, Dabacasaha, Saladhka iyo khudrado loo adeegsado sharaab ahaanta sida Liinta, Xabxabka, Canbaha, Saytuunka, Muuska, Shamaamka iyo inta la halmaasha.
Waxa uu dalku dadl ku noqonayaa, dadkuna dad ku noqonayaa, dhaqaaluhuna dhaqaale ku noqonayaa, waa tacabka wax-soo-saarka. Waxaa shaqo la’aanta lagaga baxayaa, fakhrigana lagu yaraynayaa, dalka iyo dadkuna ku badbaadayaan waa tayaynta iyo xoojinta tacabka wax-soo-saarka. Maahmaah jirtayba lahayd “Qof waliba sacabadiisa ayuu biyo kaga dhergaa.” Marka aynu qadar yara milicsano dulucda ay ka turjumayso xikmadaasi, waa hogo-tusaalayn ku hagayso qofka beni’aadamka ahi in uu u hagar-baxo, sidii uu wax ugu qabsan lahaa gacmmahiisa, sidii uu u dheefsan lahaa tacabkiisa iyo wax-soo-saarkiisa, sidii uu ugu dhididi lahaa
Igaadhitaanka iyo hanashada ujeedooyinkiisa. Maahmaahdu odhaah ahaan way fudutahay in la yidhaahdaa, laakiin qarada iyo miisaanka ay u leedahay qarada iyo miisaanka wax-qabashadu waa mid aad u culus oo aan sahlanayn.
Tacabka wax-soo-saarka waxaa dhaqaajiya oo ku rida tubta toosan ee wax-qabasho dadaalka iyo dulqaadka, oo ah labada tiir ee miishiinka u ah gudashada hawlaha wax-soo-saarka.
Isku soo wada duuboo, in wax-soo-saarka guud ahaan la horumariyaa waxa uu sabab u noqonayaa kor-u-kaca iyo horumarka dhaqaalaha wadanka, waxa lagaga maarmayaa ku tirsanaanta wax-soo-saar dal shisheeye, waxa awood loo yeelanayaa ku loolanka iyo tartannada dhaqaale ee wadamadda caalamka lala gelayo. Waxa yaraanaaya shaqo la’aanta, nolosha bulshaduna wey horumareysaa





