Sunday, December 16, 2007

Wasiirka Beeraha Oo Macalimiinta Dugsi Goobeedyada Beeraha Tababar Uga Furay









Hargeysa
Dec 16, 2007 at 10:16 PM
Hargeysa (Qaran)- Wasiirka Beeraha Somaliland, Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa maanta xarunta Wasaaraddaasi ka furey tababar ku waajahan xirfada Beeraha oo ay ka qayb galeen 50 qof oo noqon doona tababarayaasha mashruuca dugsi goobeedyada beeraha (Farmer Feeding Schools).

Tababarkaasi oo ay iska kaashadeen wasaaradda beeraha Somaliland iy haayada qaramada midoobay u qaabilsan beeraha iyo xoolaha ee FAO waxa uu socon doonaa muddo shan cisho ah.

Wasiirka Beeraha Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi oofuritaankii tababarkaasi ka hadlay ayaa ka qaybgalayaashii tababarka ku dardaaray inay aqoontooda u sii gudbiyaan beeralayda, waxana uu yidhi “Aqoonta tababarkan aad ka qaadataan, waxa aan rajaynaynaa in aad u sii gudbin doontaan beeralayda kale ee aad wakiilka ka tihiin, tababarkana waa mid muhiim ah oo la idin ku barayo ka manaafacaadsiga raashinka iyo dalaygada cuntada ee ka soo go’a beeraha”.

Md. Aadan Dhoolayare waxa uu sheegay in haayada FAO, ay wasaaradda kala shaqayn doonto sanadka fooda inagu soo haya 2008 tababaro kor loogu qaadayo xirfada beeralayda.

“Marka aynu barano aqoonta beeraha waxay faa’iido ka tahay joojinta ee nabaadguurka sababa, aqoonta marka aad sii gudbisaan waxay noqonaysaa faa’iido ay shacbiga Somaliland heleen”, ayuu yidhi wasiirka Beeraha.

Md. Aadan Axmed Cilmi oo la dardaarmayay xubnaha tababarku u furmay, waxa uu yidhi “Waxaan idinku baraarujinayaa in aad fiiro gaar ah u yeelataan waayo dad baa idin soo dirtay oo idin bidaya in aad aqoon u kordhisaan simanaaradan oo kale marka aad dhamaysataa, oo wixii aad barateen aanay noqon mid aad jeebka ku haysataan ee la idinka baahan yahay in aad bartaan rag iyo dumarba. Dadka ad kaga timaadeen deegaanadda fog”.

Madaxda xafiiska haayada FAO ee magaallada Hargeysa, Maxamed Jaamac Gahayr, ayaa wasiirka beeraha ku amaanay inuu kaalin ka qaatay hirgelinta mashruuca dugsi goobeedyada beeraha.

“Waxa aanu idinku tababaraynaa sidii aad tababarayaal u noqon lahaydeen mashruuca horumarineed ee beeraha la xidhiidha, oo ah mid toos u taabanaya bulshada, oo ay wasaaradda beeraha iyo xafiiska FAO, toosula shaqaynay dadweynaha, si loo horumariyo qaabka ka faa’iidaysiga cuntada”, ayuu yidhi Maxamed Jaamac.

Madaxda xafiiska FAO wxa xusay in ay beeralada kala shaqayn doonaan sidii looga caawin lahaa kor u qaadista qalabka iyo agabka Beeraha.

Suldaan Aadan Faarax, oo xafladaasi ka waramay muhiimada ay waxbarashadu leedahay, waxana uu yidhi “Waxbarashadu dadka ayaa ku nool ee iyadu kuma noola, waxana aan Ilaahay idiinka baryayaa inuu idinku ilhaamiyo oo aad noqotaan macalimiin wanaagsan, oo aan khasaarin wixii la baro ee uga faa’iideeya ummadooda”.

Cumar Maxamed Faarax

Qarannews-Hargeysa

No comments: