Thursday, December 27, 2007

Dhakhaatiir Ajaanib ah kana Hawlgala Puntland oo Shalay la Afduubay





(Hadhwanaagnews) Boosaso -HWN-Kooxo hubeysan ayaa saakay aroornimadii ku afduubtay xaafada Raf iyo Raaxo gaar ahaan Masjidul Faadumo ee magaalada Boosaaso labo Dhaqtar oo u dhalatay dalka Spain una shaqeynayey hey'adda MSF Spain.

Dhaqaatiirtan oo magacyadooda lagu kala sheegay Mercedes iyo Pillar ayaa waxaa afduubkooda geystay kooxo hubeysan oo wadatay gaari gaduudan oo Surf ah, kuwaasoo aan la garaneyn halka ay u kaxeysteen, lama yaqaan sababta ka danbeysa afduubka Ajaaniibtan.

Dhaqaatiirtan ayaa la sheegay in ay ka howlgalayeen gudaha magaalada Boosaaso, iyadoo gaarigii ay saarnaayeen ay kala degeen waxaana afduubkaasi ka badbaaday darawalkii gaariga iyo gabar la socotay, iyadoo aysan jirin cid dabagashay kooxihii afduubkaasi geystay.

Maamulka Puntland ayaan ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin afduubka loo geystay Dhaqaatiirta ajnabiga ah ee u dhashay dalka Spain.


dhinaca kale, Maamulka putland ayaa digniin u jediyay hey'adaha samafalka.



Maamul Goboleedka Puntland ayaa digniin u jeediyay hey'addaha samafalka ee ka howlgala deegaanada Puntland, iyadoo looga digay ineysan amar la'aan soo gelin deegaanada Puntland cid aan laga war qabin.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland C/casiis Saciid Gacmey ayaa uga digay iney ka feejignaadaan ineysan Puntland soo gelin cid aan la aqoon iyadoo arintan ay timid kadib markii la sii daayey wariye Gwen Le Gouil oo dowladda Puntland ay ku eedeysay in uu si sharci daro ah uu ku soo galay Puntland, iyadoo hey'adda BRC ee ka howlgasha Puntland ay ku soo gelisay Wariyahaasi qaab samafal.

G/Sare Saciid Gacmeey Taliyaha ciidanka Booliska Puntland waxaa uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono hey'addii gudaha Puntland soo gelisa cid aan la aqoon isagoo ku eedeeyay Hey'adda BRC in ay qiyaano ku kacday isla markaana wuxuu ugu digay hey'addaha kale in ay ka feejignaadaan dhacdadii ay ku kacday oo kale hey'adda BRC.

Taliyaha wuxuu sheegay in wixii hada ka danbeeya ay la socon doonaan dhaqdhaqaaqyada hey'addaha samafalka si aysan u dhicin oo kale buu yiri dhacdadii lagu soo geliyey Wariye Gwen Le Gouil oo qaab samafal ku soo galay gudaha Puntland.

Arintan uu ka dhawaajiyay Taliyaha ciidanka Booliska Puntland ayaa waxaa la hadal hayaa in ay yareyneysaa isbarbar yaaca hey'addaha samafalka ee wixii ay doonaan iska sameeya iyadoo ay qeyb ka tahay sugida amniga Ajaaniibta soo galeysa Puntland.

C/Qaadir Mohamed Farah Dulyar
Hadhwanaagnews Reporter
Mugadisho, Somaliya
dulyar21@hotmail.com

No comments: