
Warbixin:-Liban M.Shire
Dhulkii Awliyada,Dayaca Hadheeyay,Khayraadka Ku Duugan,Dareen La'aanta Xukuumadda Iyo Damanaanta Dadweynaha. Warbixin:-Liban M.Shire
Warbixin:-Liban M.Shire Suxufi Madax Banaan.
Gobolka Sanaag waa gobolka ugu balaadhan gobolada Jamhuuriyada Somaliland,waana gobolka ugu xeebta dheer gobolada dalka,isla markaana leh deegaan ka kooban buuraley ay ka mid tahay buurta ugu jooga dheer dhulweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya,dhul beereed iyo dhul daaqsimeed aad u baaxad weyn.
Waa gobol hodon ku ah ama leh khayraad dabiici ah sida xoolaha nool iyo geedka loo yaqaan beeyada,labadaas oo ah khayraadka dabiiciga ah ee ay sida weyn ugu naaloodaan dadka reer Somaliland gaar ahaana dadka reer Sanaag.
Marka laga tago hor dhaca warbixintaa gobolka Sanaag waxay ahayd 8-dii bishan labaad ee sanadkan 2008-dii markii aanu socdaal qaatay muddo sagaal maalmood ah aanu kaga baqoolnay caasimada Hargeysa aniga iyo laba oday oo ka mid ah qurbo jooga reer Somaliland ee ku dhaqan waqooyiga Ameerika kuwaas oo kala ah Cali/Khadar Xasan Cismaan oo lagu naanayso Cali Kubad iyo Maxamed Bootaan Wacays anagoo u sii jeedna gobolka sanaag.
Waa gobol go'doon ka ah dhinac walba gobolada kale ee Somaliland haday tahay xaga wadooyinka iyo adeegyada kale ee arimaha bulshada, ma laha wadooyin tusaale ahaan marka looga leexdo dhinaca gobolka Sanaag tuulada ina Af-Madoobe ee gobolka Togdheer ee laamigu uu maro waxaad ku dhacaysaa jid cade dhererkiisu gaadhayo ilaa 30-KM,jid cadahaas oo ah mid aad u rafaad badan waxa ku dhawaaqay dhismihiisa M/weyne Riyaale in wado loo sameeyo gobolka Sanaag ka dib socdaal uu ku tagay dabayaaqadii sanadkii 2002-dii wax yar ka dib markii uu M/weyne Riyaale kursiga ku fadhiistay ama wax yar ka dib geeridii M/weynihii hore Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,hase yeeshee dhawaaqaasi M/weyne Riyaale ma noqon mid taaba gala ilaa hada isla markaana lama oga meel ay ku dambeysay qaadhaankii lacageed ee dhawrka miisaaniyadood xukuumadu ugu dartay iyo kuwii loogu yaboohay wadadaasi loo qoondeeyay in loo sameeyo gobolka sanaag,waxayna wadadaasi ku dambeysay faro farayn yar ka dib xilliyadii doorashooyinka goob la iska ilaawo,taaso dhibaato adag ay kala kulmaan in badan oo socoto ahi.
Marka laga yimaado jid cadahaas wadada gobol sanaag gaar ahaana xarunta gobolkaasi waxa loo sii mara wado adag oo qiyaas dhan ilaa ku dhowaad 400-KM u jirta laamiga.
Xaga arimaha bulshada sida waxbarashada iyo Caafimaadka waa gobol aad uga dambeeya dalka intiisa kale ma laha gobo caafimaad oo si taabo gal ah uga hawlgala inta badan deegmooyinka galbeedka iyo waqooyiga gobolka Sanaag marka laga yimaado cisbitaalka magaalada ceergaabo oo isagana aanu jirin dhakhaatiir ka hawl gasha,kaasoo dhawaan ay taageero dhaqaale oo ay u soo ururiyeen qurbo jooga reer Somaliland gaar ahaan kuwa gobolka sanaag lagu dhaqaajiyay isla markaana guddi reer sanaag ah ay iskood isu xilqaameen dhaqaajinta adeegyada cisbitaalka magaalada Ceergaabo, kama jiraan MCH-yo iyo adeegyo kale oo caafimaad waxaana tusaale la taaban karo ah degmada ceel-Afweyn oo ah degmo qadiimi ah malaha cisbitaal isla markaana ma jiro MCH- ka hawl gala sababtoo ah wuu ku yaala dhisme MCH loogu talo galay oo dhiskiisu aanu waxba qabin laakiin waxa la ii cadeeyay in dhismahaa loogu talo galay MCH-ka uu degan yahay nin iyo qoyskiisa mudo dhawr iyo taban sano ah kaas oo u dhashay degmada Cel-Afweyn waxayna dadka reer sanaag adeeg caafimaad u soo doontaa gobolada galbeedka Somaliland iyo dhinaca magaalada boosaaso ee maamul-goboleedka Putland ee Somaliya.
Waxaanay arintaasi dhibaato culus ku tahay boqolaad bukaan socod iyo bukaan jiif ah oo ka soo jeeda deegaamada gobolka Sanaag.
Dhinaca waxbarashada waa kala mid xaga caafimaadka hadii laga tegi waayo waxa degmooyinka waaweyn ka jira iskuulo ay qaadhaan dhaqaale ka geystaan dadka deegaamadu,hase yeeshee ma jiraan iskuulo ay si joogto ah gacanta ugu hayso wasaarada waxbarashadu tusaale ahaan magaalada Gudmo-Biyo Cas oo ah magaalo qadiimi ah isla markaana hoy u ah ganacsiga beeyada waxa ku yaala iskuul ka kooban ilaa lix fasal oo mid mooyaane aan inta kale lagu shaqay isla markaana waxa iskuulkaa dhigta ilaa fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe oo fasalka ay ugu yartahay ay dhigtaan ilaa shan iyo taban arday waxaana iskuulkaa ka hawl gala hal macalin oo sideedaa fasal keligii uu wax baro, “iskuulkan aniga oo qudha baa macalin ka ah waa iskuul ilaa dugsiga hoose ilaa dugsiga dhexe ka kooban ma jiraan macalimiin kale oo ka hawl gasha mana jiro kaalmo dhinac walba ha ahaatee oo iskuulku uu ka helo maamulka waxbarashada ee heer gobol iyo mid dhexe”…sidaa waxa yidhi Prof Qaasim Awsaax oo ah macalin ka mida macalimiintii u horeysay ee reer Somaliland oo xiliga macalin si tabaruc ah mud dhawr iyo toban sano ah wax uga dhigayay dugsi ku yaala magaalada Gudo Biyo Cas oo 92-KM dhinaca W/Galbeed ka xigta magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Waxaanu Prof Qaasim intaa ku daray “Waan la sameeyay xidhiidh maamulka waxbarashada ee gobolka Sanaag laakiin waxay ka qabteen cabashadii aanu u gudbinay ma jirto sidoo kale koox wasiiro ah oo koljad ku yimi deegaankan iyo kuwo keli keli ku yimiba waanu la socod siinay xaalada dhabta ah ee xaga waxbarashada ee ka jirta Gudmo Biyo Cas balse wax nagaga soo noqday cabashadayadii majirto ilaa iyo hada.” Ayuu yidhi Prof Qaasim Awsaax.
Xaga abaaraha iyo biyo dhaamiska ka jira dhulkaasi in kasta oo aan weli la arag dad u dhintay,hase yeeshee waxaan Ceel u dhow magaalada Gudmo-Biyo-Cas oo la yidhaahdo Dhoobo waxaan kula kulmay qoys ka kooban laba iyo toban qof oo ka soo xerooday miyigii ka dib markii ay ku caydhoobeen abaaraha ka jira deegaankaasi isla markaana ay ka madheen xoolihii “Xoolihii way naga madheen ka dib markii ay waayeen baad ay cunaan,waxaanan aabo u ahay qoys ka kooban toban iyo dheeraad.” Sidaa waxa yidhi Aabo ka gaabsaday in magaciisa la sheego oo ku sugnaa ceelka magaciisa la yidhaahdo Dhoobo oo dhinaca waqooyi 45-KM ka xiga magaalada Gudmo-Biyo-Cas.
Waxaanu raaciyay “Ma jirto ilaa hada wax mucaawimo ah aanu helnay marka laga tegi waayo dadka deegaanka oo na kafaalo qaatay iminka dadka deegaankuna waa nala mid oo iyaga laftooda ayaa qarka u saran inay qaydhoobaan hadaan raxmad cireed la helin waayo xili adag oo xoolihii wada istaageen markii ay baad waayeen baa lagu jiraan.” Ayuu yidhi Odaygaa aabbaha u ah qoyskaasi caydhoobay ee ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.
Ayadoo arimahaas oo dhami jiraan ayaa hadana waxa xiliga faro ba’an ku haya lacag faalso ah oo noodhadh shilin Somali ah oo lagu soo daabaco dhinaca maamul goboleedka Putland,taas oo lagu qaato khayraad badan oo gobolku hodon ku yahay sida beeyada,adhiga iyo waqtigan oo ganacsato reer Putland ahi ay bilaabeen inay hantida ma guurtada ah ee magaalooyinka waaweyn sida Ceergaabo ku iibsadaan lacagtaasi faalsada ah waxayna arintaasi cawaaqib xumo ku tahay dadka reer sanaag ee aan ka filayn xukuumadooda inay kala dabaalato duruufahaasi qalafsan.
Gobolka Sanaag waa hayga mashaa’iikh doora oo ay ka soo farcameed dadka reer Somaliland iyo kuwo kawo kale oo ka soo jeeda mandaqada geeska tusaale ahaan waxa ku aasan dhawr sheekh oo waaweyn sida Sheekh Isxaaq Bin Axmed, Sheekh Ciise Axmed,Sheekh Samaroon iyo mashaa’iikh doora oo isugu jira kuwo ka sii farcamay kuwaa iyo kuwo la majaaliisi jirayba.
Dhulkaa ma’shaa’iikhdaasi ku aasan tahay waa dhul ay ka muuqato aataar qadiimi ah oo aan la sugi Karin taariikhaha ay ka soo jeedaa iyo sooyaalkooda dhabta ah,hase yeeshee waa dhul hodon ku ah khayraad badan oo aanay lahayn gobolada kale ee Somaliland sida geedka Beeyada,waxyaabaha kale oo deegaankaasi godon ku yahay waxa ka mida xaga biyaha waxaadna arkaysaa webiyo biyo ah oo socda gu’ iyo jiilaalba waxaana togagaas ka mid kuwo ay is barbar socdaan biyo macaan iyo biyo qadhaadh,Biyo kulul iyo kuwo qaboow oo dheega isku haya ama aanay jirin wax u dhexeeya socodkoodaa waxaana ka mid haroonyinkaa sida harada ku taala Gudmo-Biyo-Cas iyo qaar kale oo badan,waxa kale oo intaa dheer deegaankaasi waa hoyga noocyada kala duwan ee ugaadha sida Deerada,Gorayada, iyo noocyada kala duwan ee ugaadha mana aha deegaan lagu ugaadhsado ugaadha waayo dadka deegaanka ayaa si weyn u ilaaliya ugaadhaas laakiin dhulkaasi leh khayraadkaa dabiiciga ah oo weliba xoolaha noolna ay koowada ka tahay waxa ku gadaaman dayac xoogan oo hadheeyay qaybaha kala duwan ee deegaanka iyo dadka ku dhacan tusaale ahaan ma jiraan baadhitaan lagu sameeyay taariikhda aataarta ku duugan dhulkaasi sidoo kale lama hayo tirada ma’shaa’iikhda ku aasaan dhulkaasi iyo inta qarni ee ay soo gaadheen.
Waxa intaa dheer khayraadkaa iyo aataartaa dhulkaasi uu hodonka ku yahay ma jiraan cid gaara iyo xukuumada xil iska saartay sidii loo ilaalin lahaa macluumaadkaasi kala duwan isla markaana baadhitaan ku samaysay.
Guntii iyo gebagabadii gobolka Sanaag waa hoygii awliyada oo aaboyaal kumanaan sano laga soo farcay ay ku duugan yihiin,hodon ku ah khayraad kala duwan oo dabiici ah,hase yeeshee waa gobol aan ceelna u qodnayn cidna u maqnayn marka laga eego dhinac walba wuxuuna khatar u yahay inuu dhaxal wareego haddii aan looga gurman sida uu waqtigan ku sugan yahay.

