Dec 09, 2007
Darwiish 07
Hargeysa(Qarannews) -Hadii aan in mudo ah idiinka soo waramaayay gobolka Sanaag maanta waxa aan warbixintan idiinka soo dirayaa gobolka Hargaysa, oo aan booqasho ku soo gaadhay, hadaba waxay ahayd dabayaaqadii bishii November 2006, xilligaas oo aan safar kooban ku imid magaaladan Hargeysa, muddadaas oo xilligan laga joogo hal sano oo markale aan safarkan ku imi caasimadda Somaliland ee Hargeysa, hadaba maxaa xasuus mudan ilaa xiligaasi.
Haddaba waxa xasuusteeda mudan muddadaas gaaban horumarka dhinacyada
badan ee aan la soo koobi karaynin ee ka muuqda magaalada caasimada ah ee Hargeysa
Hadii aan wax ka yara taab taabtana tusaale ahaan aan kasoo qaadano dhinacyada arrimaha bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada Nalka, Biyaha, Waddootinka iyo guud ahaanba nadaafadda iyo bilicda/hannaanka suuqyada waaweyn oo
dhammaantoodba marka loo eego xilligaas ay ka muuqato in si weyn loo
horumariyey, waxa wax lagu faano ah horumarka xaga waxbarashada heer hoose ilaa heer sare oo ay gaadhay magaalda Hargaysa hadaan soo qaadano waxbarashada hoose ilaa heer jaamacadeed, taasi oo ay si habsami leh isu garab socdaan waxbarashada ay dawladu maamusho iyo ta gaarka loo leeyahay oo labaduba maraaya heer aad u fiican ama wanaagsan.
Xaga caafimaadka ayaa waxa ku soo jiidanaaya isbadal laxaadleh oo ay gaadhay magaalda Hargaysa mudadaas iigu danbaysay iyada oo cisbatalka guud ee magaalada Hargaysa uu hadayahay mid ka weyn ama balaadhan kii aan anigu ogaa sanad ka hor marka laga hadlaayo xaga qalbka cisbatalku adeegsanaayo, oo ah qalab casri ah iyada oo dhowr qof mar qudhaata lagu fulin karo qalniino kala duwan maalintiiba, maamulka iyo hab u socotka caafimaadka caasimada ayaa si fiican oo xoogleh u soo kobcaayo iyada oo ay soo badanyaan cisbitaalada gaarka loo leeyahay ha noqdaan kuwa qalniinada ama kuwa lagaga umiliyo dumarka iyo guud ahaan goobaha caafimaadka ee magaalada oo ku firidhsan qaybaha kala gadisan ee magaalada..
Xagaa amniga ayaa ah mid soo jiidasho leh iyada oo ay ciidama booliska iyo kuwa amniga ee dharcaduba ay aad uga hawl galaan caasiamada ayaa la odhan karaa waa sababta keentay amniga lagu faanaayo ee ay haysato caasiamdu iyo guud ahaan dalka oo dhamiba, taasi oo ay garab socdaan shicibka reer Somaliland oo ah dad aad nabada iyo horumarka u jecli, dawlada hoose ee magaalda Hargaysa ayaad moodaa in ay dadaalkeeda sii laban laabtay ama xawaare xoogleh xiligan ku wada hawlaheeda kala gadisan ee ay ka wado magaalada marka la bar bardhigo xiligii iigu danbaysay, waxana la odhan karaa hadii dadaalka halkaasi laga sii wado waxa la gaadhi karaa horumarka la hiigsanaayo, oo ay inagaga dayan doonaan wadamo badan oo ku yaala qaarada Afriki, sidoo kale waxa magaalada camiraadeeda ka qayb qaatay madaarka weyn ee magaalada Hargaysa oo isagu si xawli ah u sii balaadhanaaya iyada oo sanad ka hor aan la adeegsan jirin habaynkii ayaa xiligan waxa habaynkii aad u soo dega diyaaradaha xamuulka ganacsiga sida iyo rakaaba, taasi oo Hargaysa ka dhigtay magaalo soo jeeda 24 saacdoodba oo ay iskala badalaan uun shaqaalahu, taasi oo aan amnigeedana aan looga cabsi qabin ama laga war warsanayn.
Xagga ganacsiga shirkadaha kala duwan iyo dhismayaalka gaarka loo
leeyahay iyo weliba bulshada gudaha caasimadda ku nool ayaa iyaguna
muddadan gaaban ee halka sano si weyn ugu soo kordhay caasimadda, iyada oo aan
la yaabay dhismayaal aad u quruxbadan oo kuwo lagu noolaado iyo kuwo ganacsi loo samaystayba ay ka buuxaan dhamaan daafaha magaalada, xiligan ayaa waxa aad u camiran suuqyda magaalda Hargaysa xiligan oo ay fooda inagu soo hayso cidii weynayd ee carafo, sidoo kale waxa aad iyo aad u camiran suuqa weyn ee sayalada xoolaha ee magaalada Hargaysa xiligani oo la odhan karo waxa si xawli ah u socda iibka xoolaha nool ee loo qaadaayo dhanka iyo dalka Suciidiga oo ay ayaamahanba u dhoofayeen xoolaha nooli taasi oo ay hada aad u camirantahay magaalda Hargaysa la odhan karo qayb laxaadleh ayay arintaasi lafteedu ka qaadatay, waxana la dareemayaa in dhaqaalaha Somaliland uu kor u soo kacaayo, taasi oo shilinka Somaliland uu si xawli leh kor ugu soo kacaayo marka loo eego xagii uu taagnaa bishii hore.
Taasi oo looga baahanyahay ganacsatada waaweyn iyo kuwa yar yariba in ay muujiyaan wada shaqayn buuxda oo ay yeeshaan iyo in loo naxariisto dadka danyarta ah oo loo soo dajiyo ama keeno maceeshad jaban iyada oo aan la isku tuur tuurin, dhanka kalana dadweyanaha caasimada marka aad kala sheekaysato koritaanka suuqa ganacsiga waxa ay kuu sheegayaan in ay Somaliland u baahntahay ganacsato waaweyn oo ka badan inta ahada wax soo dajisa madaama oo ayna iyagu kafayn karin suuqyada dalka oo dhan
Si kastaba ha ahaatee guud ahaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa
ayaa waxay u muuqataa mid uu ka jiro horumar soconaya oo dhinac
kastaba ah.
Isku soo wada duuboo magaalada Hargaysa waxa la odhan karaa waa magaalo buuxisay in ay noqoto caasimad ka mid ah caasiamdaha qaarada Afrika ama geeskaba, taasi oo lagu amaani karaayo shicibkeeda iyo dawladaba, waxana la gudboon dadweyanaha reer Somaliland ee ku nool magaalada Haragaysa ee ka kala yimid gaobolada kala gadisan ee dalka in ay sii laban laabaan dadaalkooda, sidoo kalena dawalda hoose ee la soo doortayna waa in ay iyana dadaalkeeda halkaasi ay haada taagantahay oo lagu faani karo ay ka sii laban laabto
C/laahi Xuseen Darwiish
Hargaysa Somaliland
Wakiilka Qarannews ee
Gobolka Sanaag.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment