“Guddigii Xukuumaddu u saartay Sicir-bararku haddii aanay keenin wax lagu qanco, waxay sababi doontaa kacdoon Shacbi”
Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa walaac ka muujiyey suurtagalnimada Diiwaangelin lagu sameeyo Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka dalka ka dhici doona. Taas oo uu sheegay inaanay jirin Tallaabo laysku waafajinayo Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Go’aankii ay Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddiga Doorashooyinku isla gaadheen, ee ahaa in Doorashada dib loo dhigo ilaa bisha June ee sanadka cusub ee 2008. Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in haddii aanay guddigii ka talo-bixinta Maceeshadda kacday ee M/weynuhu u xilsaaray aanay keenin wax lagu qanco ay horseedi karto kacdoon Shacbi.
Guddoomiyaha ayaa Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray kaga hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin, Sici-bararka Maciishadda dalka, Iswaafajinta Doorashada Golaha Deegaanka iyo Go’aankii Axsaabta iyo Komishanku isla gaadheen, taageero dhawaaqa ka soo yeedhay Pentagon-ka Maraykanka IWM.
Guddoomiyaha UCID mar uu ka hadlayay arrinta amarka Xukuumaddu ku soo rogtay Suxufiyiina reer Muqdisho wuxuu yidhi, “Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu ka xun yahay amarka uu soo saaray taliyaha ciidanka booliska Somaliland ee lagu mustaafurinayo 24 Suxufi oo reer Somalia ah nabad gelyo awgeedna u joogay dalka Somaliland, kana soo qaxay Soomaaliyada dagaaladu aafeeyeen soona maciin biday nabad gelyada Somaliland. Hadaba iyada oo xukuumaddu u xil saaran tahay amniga dalka, may ahayn wadar ciqaabeed in ay sameyso (collective punishment), ee waxa ay ahayd marka ay xaqiijiso fal-danbiyeedka in ay ku qaado cidii geeysatay mar siisana waxay mudanyihiin inta falka geeysatay.” Ayuu ydihi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Guddoomiyuhu, “Waxa aanu ka codsanaynaa Hay’adaha caalamiga sida UNHCR-ta in ay aqoonsadaan dadka qaxoontiga ah ee ka soo bara kacay Somaliyada dagaalku aafeeyey culayskan ay ka qaadaan dawlada Somaliland. Arintaas waxay keeni kartaa sumcad xumo iyo magac dil Jamhuuriyadda Somaliland oo ka timaada dhinaca xuquuqa insaanka. Waxa kale oo aan qabnaa in ay yihiin suxufiyintaasi dad qaxoontiya oo ay ahayd in la dhawro xuquuqda qaxoontinimo iyo ixtiraamkeeda.”
Mar uu Guddoomiyuhu a hadlayay arrinta Doorashooyinka Somaliland, ayaa waxa walaac ka muujiyey siday isu waafaqayaan go’aankii ay wada jirka u soo saareen Komishanka iyo Axsaabta Qaranku ee ku saabsanaa dib-u-dhigista Doorashada Golaha Deegaanka iyo waqtiga hadhay. “Sida la wada ogsoon yahay waxa wakhtigii hore ee loo qabtay doorashooyinka ka hadhsan maalmo fara-ku-tiris ah, waxayna seddexda xisbi iyo Komishanka qaranku ku heshiiyeen in la sameeyo diiwaan-gelin, loona raro doorashadaa deegaanada Bisha Juun ee 2008. Ilaa hada majirto talaabo laga qaatay sidii loo waafajin lahaa sharciga wax heer ah oo qeexayaana ma jiro.” Ayuu yidhi.
Dhinaca maceeshadda kacday iyo sicir-bararka jira mar uu ka hadlayay ayaa waxa uu Eng. Faysal Cali Waraabe yidhi, “Waxa bilihii u danbeeyey ee sanadkan dhacay sicir-barar ku yimi maceeshadii daruuriga ahayd iyo hoos u dhac ku yimi qiimihii Dollarka, halkaas oo dadkii badnaa ee debadda eheledoodu ka soo masruufi jirtay ahaana dabaqaddii ugu ladnayd dadka ee la majeeran jiray, oo iyaguna ku soo siibteen dabaqadii hoose. Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu walaac ka muujinayaa xaaladaa qalafsan ee shacbiga reer Somaliland galay. Gudida xukuumadu u magacawday in ay ka soo talabixiyaan sicir-bararka maceeshada ku dhacay oo hadii aanay wax la taaban karo ka qabanin xalka dhibaatadaas in ay keeni karto kacdoon shacbi iyo nabadgelyo xumo.”
Dhinaca kale, Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay arigtadooda Xisbi ahaan ku wajahan dhawaaqa ka soo yeedhay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland. Waxaanu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay ka faa’iidaysato. “Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu si xoogan u taageerayaa una soo dhaweeynayaa dhawaaqii ka soo baxay Pentagon ee ahaa in ay dawlada maraynkanku ictiraafto gooni isutaaga Somaliland. Waxaanu dawlada Somaliland ku boorinaynaa in ay ka faa’iidaysato niyad wanaaga dawlada Maraynka lana timaado dedaal iyo siyaasadii ay ku hanan lahayd kalsoonida bulshada caalamka…Waxa aanu ugu baaqanaa dawladaha reer galbeedka in ay raacaan dariiqaa dawlada Maraykan (Pentagon).
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment