Saturday, December 22, 2007

Wefti ka socda Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta oo lagu Martiqaaday Doorashooyinka ka Dhacaya Kenya

December 22nd, 2007 [News] |

Hargeysa (Somaliland.org) - 4 xubnood ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyekuxigeenka Komishanka, ahna kusimaha Guddoomiyaha Komishanka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa maanta ka ambabaxay dalka, iyaga oo u kicitimay xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

Guddoomiyekuxigeenka Komishanka oo suxufiyiinta ugu warramay madaarka Hargeysa, ka hor intii aanay halkaa ka dhoofin ayaa sheegay in ay martiqaad ka heleen Komishanka Doorashooyinka dalka Kenya, isla markaana ay goobjoog ka noqon doonaan doorashada Madaxtooyada Kenya ee dalkaa ka dhici doonta 27ka bishan December. Waxana uu sheegay in saddex xubnood oo ka kala socda saddexda xisbi qaran ay iyaguna ku biiri doonaan ilaa Isniinta soo socota.

Xirsi waxa uu sheegay in ujeedada loogu martiqaaday doorashada Kenya ay tahay inay ka korodhsadaan aqoon iyo waaya-aragnimo.

Waxa kale oo uu sheegay in muddada ay joogaan Nairobi ay kulamo kula yeelan doonaan halkaa Deeqbixiyayaasha caalamiga ah oo ay ka wadahadli doonaan kaalmada ay ka geysan doonaan doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka iyo horumarinta dimuqraadiyadda oo uu ugu weyn yahay Midowga Yurub ayaa ballanqaaday inay bixinayaan 75% kharashka ku baxaya labada doorasho ee soo socda ee Deegaanka iyo Madaxtooyada iyo weliba Diiwaangelinta codbixiyayaasha, sida uu sheegay Komishanka Doorashooyinka oo dhowaan kulamo uu kula soo yeeshay Nairobi, iyada oo xukuumadda Somalilandna ay bixinayso 25%, isla markaana ay ballanqaaday.

Dhinaca kale, Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay u siideysey Komishanka qaybtii ugu horreysey kharashka loogu talagalay doorashooyinka, taas oo dhowaan xubin ka tirsan Komishanka Doorashooyinku uu sheegay in xukuumaddu ay u diiddey Komishanka lacagta, taas oo uu ku tilmaamay in xukuumaddu aanay diyaar u ahayn in doorashooyinku dhacaan wakhtigeeda.

Guddoomiyekuxigeenka Komishanku waxa uu sheegay in ay heleen 1.5 Bilyan oo Somaliland Shilings oo ka mid ah lacagta ugu jirtey Miisaaniyadda 2007 doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo dhan 8 Bilyan Somaliland Shilings ah, isaga oo sheegay in lacagta inta hadhayna ay xukuumaddu marba in siideyn doonto, intanna ay hawsha ku sii bilaabi doonaan.

Mr. Xirsi, waxa uu sheegay in lacagtaa 1.5 Bilyanka ah loogu shubay Xisaabta Baanka ee Komishanka, isaga oo sheegay in xukuumaddu ay u sheegtay in aanay lacag haynin, isla markaana marka wixii la helo la siin doono.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

RSS 2.0

No comments: