
Dec 20, 2007
Ceerigaabo(Qarannews) Maayarka degmada Ceerigaabo Md.Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa maammulka caafimadka (cusbitaalka) Ceerigaabo wuxu toddobaadkan horraantiisii gacanta ka saaray laba koonteynar oo ay ku jiraan qalab kala geddisan oo loogu talo galay guud ahaan adeegyada caafimaadka .Kuwaas oo ay hore (2003 iyo 2006) u soo direen qurbajoogta reer-Sanaag “Nomad Holland + Nomad UK”, haseyeeshee muddo dhawr sano ah maayorka gacantiisa ay ku jireen.
Munaasibad xafladeed si weyn loo soo agasimey oo lagula kala wareegayey qalabkan caafimaad oo toddobaadkan horraantiisii lagu qabtay cusbitaalka guud ee Ceerigaabo ayaa waxa kasoo qayb galay madaxda laamaha dawladda “heer gobol iyo degmoba, madax-dhaqamedyo, ururrada bulshada iyo dadwene ad u tiro badan o isugu jira qaybaha kale ee bulshadeennu ka kooban tahay, waxana fagaarahas lagula kala wareegey dhammaanba qalabkii caafimad ee labadaas koonteynar ku jirey, iyadoo halkaas ay weliba goob joogna ka yihiin intooda badan dadka bukaanka e cusbitaalkaas ku sugani, waxana sidoo kale maayorka Ceerigaabo halkaas kusdoo ban dhigay dokumenti caddaynaya guud ahaanba noocyada iyo tirada qalabka ku jirey labadaas koonteynar.
Waxan si gaar ah mahad ugu celinayaa qurba-jooggii iska xil saaray alaabtan ee innasoo gaadhsiiyey, siiba qurbajoogga Nomad Holland oo qalabkan bixiyey iyo Nomad UK oo iyaguna nooliga iyo kharashka ka soo bixiyey, aniguna muddada aan hayey oo ahayd 2003 ilaa 2006 waxan la sugayey mar uun oo xaaladda cusbitaalka kasoo rayso oo la helo cid mas’uuliyadda alabtan si fiican u qaadi karta oo aan ku wareejiyo, taas oo maanta munaasib ila noqotay, maaddaama ay jiraan cid (guddi) mas’uul ka ah xaladda caafimaad ee gobolka iyo degmadaba oo lagala xisaabtami karo una diyaar ah waxqabaka”. Sidaas waxa yidhi Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo qalabkaas wareejinayey
Dhinaca kalena guddida iyo maammulka cusbitaalka Ceerigaabo ayaa iyaguna dhinacooda mahad celin usoo jeediyey Maayorka iyo Qurba-joogta qalabkan iskasoo xilsaaray, iyagoo sidoo kalena sheegay in ay qalabkan si weyn isagasii xilsaarayaan uguna shaqayn doonaan bulshada loogu talagalay “Guddi ahaan waxannu u mahad celinaynaa Maayorka oo alaabtan mudda badan xafidayey oo maanta nagusoo wareejiyey iyo qurbajoogga innoosoo diray qalabka,waxannuna ballan qaadaynaa si ku habboon in aannu agabkan u gadhsiin doonno uguna ilaalin doonno qaybaha caafimaad ee loogu talo galay”. Sidaas waxa yidhi Ismaaciil Jaamac Jibriil (Guddidacaafimaadka gobolka Sanaag),
“Waxannu diyaar u nahay guddidan caafimaadka in aannu la shaqayno, maaddaama hawsha aya hayaan aannu u aragni mid halbowle u ah guud ahaan bulshadeenna reer-Sanaag, iyagana (guddida ) waxannu ku boorrinaynaa in ay ku dedaalaan sidii xaaladda caafimaad ee gobolku u noqon lahayd mid tayo leh oo shaqaynaysa”. Sidaas waxa yidhi madaxa hay’adda bisha cas ee gobolka Sanaag Chief-caaqil Axmed Kulli-kulli.
Gudddoomiye kuxigeenka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid oo isaguna hadal kooban halkaas ka jeediyey ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa
“Waxannu soo jeedinaynaa guud ahaan xaaladda caafimaad ee gobolka in loo dedaalo waxna laga qabto, annagoo diyaar u ah wixii dhinaca xukuumadda laga tebayo inaannu daba galno, lana xisaabtami doonna guddida caafimaadka”.
Dhinaca kalena qalabkan caafimaad oo ay ugu muhiimsan yihiin qalabka qaybta qalliinka, qaybta theatre-ka/shaybaadhka iyo weliba direysyada kale ayaa waxay guud ahaan wax weyn ka tarayaan baahidii loo qabey ee ka jirtey cusbitaalka Ceerigaabo.
Qarannews

No comments:
Post a Comment