Wednesday, November 28, 2007
Somaliland Invited to the Commonwealth Summit.
Written by QRN
Nov 21, 2007 at 12:48 AM
Hargeisa(QRN)-A delegation from the Republic of Somaliland departed yesterday from Egal International airport in Hargeisa to take part in the Commonwealth summit in Kampala, Uganda.
The delegation which consists of three members of the Somaliland political parties, UDUB, KULMIYE and UCID received an invitation to attend the summit from the host nation of Uganda.
The members of Somaliland's delegation are as follows; from the incumbent party, UDUB, the deputy minister for Planning, Mudane Ahmed Hashi, the chairperson of UCID, Mudane Faisal Ali Warabe and Mudane Nur Salah Fagadhe, who is representing the KULMIYE party and is also the Somaliland representative in France.
This the first time that Somaliland has been invited to a Commonwealth summit in an observer basis. At the present time, the Republic of Somaliland isn't a member of the Commonwealth, but the republic was a former British protectorate until the 26th of June, 1960.
After its independence Somaliland formed a union with Italian Somalia in July 1960. The union was dissolved in 1991 upon the collapse of the Somali Democratic Republic. On the 18th of May, 1991, Somaliland reclaimed its sovereignty.
The summit which is being held in Uganda this year will have participants from 53 countries across the globe. The annual summit is formally opened by Her Majesty, Queen Elizabeth II, who is the head of the Commonwealth.
Tuesday, November 27, 2007
Xuska 10 Guuradii Aabbaha Fanka iyo Miyuusiga Soomaaliyeed
Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe)
(1924kii – 1997kii)
“Alleylehe sar weyn baa duntiyo, seeski uu dhigaye,
Alleylehe sallaan baa burburay, loo sinnaan jiraye,
Alleylehe siraad baa bakhtiyay, meel sudhnaan jiraye,
Suugaanta maansiyo fankii, seedahaa go’aye,
Sanbabkaa dalooshamay codkii, suubbanaan jiraye,
Kamankuu sabaalayn yiqiin, suulashaa jabaye,”
Ibraahin Gadhle, Jabuuti.
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com
Qormadii: 1aad
Arar
Waa qormo qormadeed……Waa qalin iyo xil-qaadkii……..Waa dawaad aan qallalin…..Waa qoolashii fanka oo qayoodkii doc kastaba u jiidhay…..Waa qunbe malab ah oo buuxa…..Waa ereyo aan meel la og yahay ka soo jaray oo muquuno ah….Waa mahadho aan damin….Waa milgo iyo maamuus….Waa mullaax aan ku marriimayo miyuusig iyo midho, dhaxalka aan duugoobayn ee uu ka tegay Cabdillaahi Qarshe, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.
Qormadan aan ku xusayo toban-guurada ka soo wareegtay maalintii uu god-galay Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe, waa warqad (Paper) aan ka akhriyay Jaamicad ku taal Finland oo la yidhaahdo Abo Turku University, 1998kii. Warqaddaas oo ku qornayd afka Ingiriisiga waxa lagu soo daabacay Buuggii Shirweynahaas ka soo baxay, Shirweynahaas oo la odhan jiray “Somali Studies Congress.” Baadi-soocda Buugga Qormadan xanbaarsani waa: “The Life, Music and Literary compositions of Abdillahi Qarshe (1924-1997), in Variations on the theme of Somaliness, Centre for Continuing Education, Turku, Finland, 2001,”
Maa daama ay maanta ka soo wareegtay toban sannadood maalintii Cabdillaahi Qarshe lagu aasay xabaalaha Qaranka ee Hargeysa, waxaan ka wadi waayay in aan maqaalkaa idiin soo tarjumo aniga oo si weyn u nakhtiimay oo wax badan ka saxay isla markaana ku daray ama ku ladhayba. Cabdillaahi Qarshe Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’, waxaan xusayaa waa dhaxalkii faneed ee uu inooga tegay ee midho, miyuusig iyo codadba lahaa oo aan cid la ag dhigaa Soomaali ku jirin, keli iyo horseedbana ka ahaa; waana tan ta qiimaha u yeelaysaa Cabdillaahi Qarshe. Waa ninka xaraartaa butaystay ee aanay cidina ku haysanin ee looga danbeeyo ee weliba durbaankana loogu tumo. Haddii Eebbe idmo waxaanu ku ladhani doonnaa Qormadan xusuusta ah filim dokumentari ah oo gaaban oo ka hadlaya noloshii iyo curintii Qarshe oo TV-yada ka daawan doontaan.
Hordhac:
28kii Oktoobar 1997kii, waxay ahayd maalin dhiillo xanbaarsanayd oo aad ugu cuslayd, naxdin aan la qiyaasi karinna ku lahayd shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogeenba. Horumarka is-gaadhsiineed ee dunidu ku tallaabsatay ayaa markiiba la duulay warkii ahaa in Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe ku geeriyooday magaalada London. Horaa Soomaalidu ugu maah-maahday: “War xumi dugsi ma fadhiisto.” Warkaa dhiillada xanbaarsanaa “Internet-ka”, Fax-yada iyo qalabyada kale ee casriga ah ayaa ka adeegay tebintiisa. Idaacadaha iyo qalabka kale ee war-baahinta ayaa afaf badan ku sheegay. Markii qaarad iyo dalba la dhaafay ayaa warka culayskiisii iyo naxdintisiiba la hayn waayay oo guri ilaa guri la isu tebiyay. Qof ilaa qof ayaa dheg iyo dhab ba la isu saaray.
In kasta oo loo dhashay oo ay qaddar Eebbe tahay, haddana waxa dhacday geeri naxdin leh oo mahadho reebtay. Iftiinkii fankaa bakhtiyay, waxa dhintay: mulaxinkii, halabuurkii, muusigyahankii, heesaagii, aabbihii iyo calan-sidihii daah-furay muusigga casriga ah ee Soomaaliyeed. Waxa meel fog iyo reero muskood ku geeriyooday bud-dhigihii masraxa Hereriga ah ee Hargeysa ka tisqaaday, Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo ku caan-baxay Cabdillaahi Qarshe; naxariistii janno Alle ha siiyo e’. Cabdillaahi Qarshe, wuxu ku geeriyooday magaalada London oo uu ku noolaa dhowrkii sannadood ee geeridiisa ka horreeyay. Dhanbaalladii tacsidaa is-weydaartay, waxa soo rogamaday oo karkaarrada soo jabsaday mowjado heeso iyo maansooyin baroor-diiq ah oo gudaha iyo dibaddaba laga tiriyay. Af Soomaali iska daaye xataa maansooyin carabiya ayaa loogu baroor-diiqay. Xuseen Jaamac Rooble “Xaaji Gujis” oo ka mid ahaa halabuurkii heesahaa ballaysimay, tix uu tiriyay waxa xuddun u ahaa:
“Hadda qof iyo dhowr iyo,Qoys iyo kamuu tegin,
Qolo waxaad tidhaahdo e’,
Annagoo quruunuu,
Qormaduu fadhiyi jiray,
Qarshi nagu banneeyee,”
Friday, November 23, 2007
Degaanka Xeebta ee Waqdariya oo Gubatey
Ceerigaabo(Qarannews) -Magaalada Waqderiya oo ku taalla xeebta waqooyi-bari ee gobolka Sanaag ayaa gubatey dabayaaqadii toddobaadkii hore kaddib markii xilli habeennimo ah dab qabsaday magaaladaas, halkaas oo dhammaan magaaladaas uu dabkaasi waxyeello weyn gaadhsiiyey.
Haddaba iyadoo ilaa haddan aanay jirin wax caddayn ah oo ku saabsan sababta keentay dabkan ayaa haddana waxay xaaladdu u muuqataa in dabkani yahay duullimaad qorshaysan oo loogu talo galay magaaladaas, waxayna arrintaasi dhalisay xiisad iyo dareen weyn oo ay ku yeelatay bulshada degaankaas, iyadoo weliba si weyn looga dareemay gudaha magaalada Ceerigaabo, waxana si weyn farta loogu fiiqayaa dabkan in ay geysteen dad taageersan maammulka Puntland oo iyagu dhinaca bari kaga yimid magaaladaa.
“Waxannu qabnaa magaaladayadaas in ay gubeen dad kaga yimid bariga (xagga Puntland) oo iyagu deris wadaag nala ah, kuwaas oo diiddan cid Somaliland taageersani in ay halkaas degganaato”. Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha degaanka Waqderiya.
Dhinaca kalena magaaladan Waqderiya oo ah meel muddo badan la degganaa, kana mid ah meelaha taariikhiga ah ayaanu jirin wax maamul iyo shaqaale Somaliland oo halkaas ka abuurani, taas oo keentay in dhinacyo badan (dhul ahaan iyo dhaqaale ahaanba ) laga soo hungureeyo degaankaas, sidoo kalena ay ka muuqato baylah lagaga faa’iidaysan karo xilligan.
C/laahi Xuseen Darwiish
Thursday, November 22, 2007
Horumarinta Wax Soosaarka Beeralayda
October 3, 2007
Wasiirka Beeraha Somaliland oo ku Dhiiri Geliyey Beeralayda Inay Kor u Qaadaan Tacabka Beeraha
Hargeysa, (Harowo) - Tababar ku saabsan sida looga faa’idaysto Malabka ayaa maana Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Mudane Aadan Axmed Cilmi[Dhoolayare], Wasaaradiisa uga furay tababar, isla markaana ku booriyay beeralayda dalka inay kor u qaadaan wax soosaarka wadaniga ah, si Somaliland u noqoto Qaran ka maarmi kara raashinka dibada laga keeno.
“Xukuumad Ahaan Beeralayda Ku Dhiirigelinaynaa Inay Kor U Qaadaan Oo Ay Soo Saaraan Raashinka Iyo Cuntooyinka Wadaniga ah…….” Wasiirka Wasaarada Beeraha Aadan I (Dhoolayare)
Wasiirka Beeraha Somaliland,waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu maanta xarunta wasaaradaas tababar ku saabsan barashada horumarinta xirfada Malabka iyo shinida uga furayay 36 Qof, oo ka kala yimid Gobolada Hargeysa iyo Awdal, kaas oo ay maalgelisay Haa’yada Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha [FAO].
Wasiirka Wasaarada beeraha Somaliland Mudane Aadan Axmed Cilmi,oo ka hadlayay tababarkaas,ayaa waxa uu yidhi “Barashada Xirfada malabka iyo shini dhiqistu,waa mid muhiim ah oo ay ka soo bixi karto dhaqaale iyo nolol maalmeed joogto ah,oo lagaga maarmo shidistii dhuxusha ee dadku xaalufka ku hayeen deegaanka dalka,shinida iyo malabku waa waxa kaliya ee aan u baahnayn in la raaco,balse u baahan uun in dusha laga ilaaliyo oo cayayaanka u galaya laga ilaaliyo,waayo waxyaabo badan bay shinidu xasaasiyad ka qabtaa oo aanay ogolayn in ay u soo dhawaadaan marka ay shaqaynayso.”.
Mudane Aadan Axmed Cilmi,waxa uu ka qeyb-galayaasha tababarkaasi, oo ka kala yimid Degmooyinka Salaxlay,Baligubadle,Cadaadlay iyo Boon,uu u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan macluumaadka ay ka korodhsan doonaan tabobarkaas, waxana uu amaan u soo jeediyay Haa’yada [FAO] oo tababarkaasi ay Wasaaradiisa iska kaashadeen.
Wasiirka Beeraha Somaliland,waxa uu sheegay inay wasaaradoodu awooda saarayso sidii ay suuqyo ugu raadin lahayd wax soosaarka malabka maxaliga ah, oo uu si qoto dheer uga waramay faa’iidooyinkiisa,waxana uu xusay inuu rajaynayo in Somaliland ay noqoto shanta sanadood ee soo socda dalka adduunka ugu wax soo saarka badan dhinaca malabka.
Mudane Aadan Axmed Cilmi, oo ka hadlayay Raashinka darruriga ah ee dhawaan ka qaaliyoobay suuqyada ganacsiga magaalooyinka dalka,waxa isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi “Waxa aynu ku nool nahay oo dadkeenu ay ku jihaysan yihiin, Raashin dibada inooga yimaada oo aynaan lahayn, waxa dadka qaar laga dhaadhicinayay sixir barar baa raashinkii ku dhacaye, waa in mudaharaadyo la sameeyaa,oo Xukuumada ha lagu mudaharaado, caqliyan waxa aad adigu soo saarto ee qaaliyooba ayaa laga mudaharaadaa ama laga hadlaa,laakiin bariis iyo Baasto aynaan lahayn ayaynu ku tiirsan nahay,waxa aan xukuumad ahaan beeralayda ku dhiirigelinaynaa inay kor u qaadaan oo ay soo saaraan raashinka iyo cuntooyinka wadaniga ah”.
“haddii la eego dagaalkii labaad ee adduunka [1945-kii], sedan manta aynu ugu tiirsan nahay raashinka dibada ka yimaada ugama aynu tiirsanayn,inaga ayaa isku filayn oo cadkeena,Caanaheena, garowga iyo Arabakhida ayaynu ku tiirsanayn,oo wakhtigii bada cas uu Talyaanigu qabsaday,waxa jirtay in Somaliland caawisay ingiriiska oo ina haystay, kuna caawinay xoolo nool iyo Ciidanba”ayuu yidhi Wasiirka beerahu.
Wasiirku waxa uu soo jeediyay in beeralaydu ay beeraan wax soo saarka wadaniga ah, si looga maar mo raashinka dibada ka yimaada “waa in aynu shanta sano ee soo socota noqonaa qaran raashin ahaan isku filan oo ka maarma wixii dibada uga imanayay” ayuu yidhi Mudane Aadan Axmed Cilmi sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maxamed Jaamac Gahayr oo ka mid ah Masuuliyiinta Hayada FAO, kaas oo sheegay in la sii joogtayn doono tobabarada kor loogu qaadayo kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah.
Tuesday, November 20, 2007
African Farmer's Could Earn Green Money
"First created to address problems of soil erosion and to support farm incomes at a time of declining crop prices, the programme has grown over the years and now pays for land-use changes that promote water quality and wildlife habitat as well," said the FAO report. | |||||
|---|---|---|---|---|---|
| Theme(s): (IRIN) Environment, (IRIN) Food Security [ENDS] Source: IRIN, Nov 16, 2007 | |||||
Tuesday, November 13, 2007
Qalabka xayeysiinta Maal Uririnta Mashruuca Horumarinta Xeebta Maakhir.
- T Shirts and Golf Shirts. ............ $ 10 - 20
- Cups and Hats ............................. $10 - 20
- Sticker and Labels. ...................... $ 3 - 5
- Key chains and Clocks. ............. $ 3
- Bracelets and Necklaces. .......... $ 10
- Buttons and Pins . ...................... $ 3
- Pens & Pencils. ...................... Gift
- Blanners and Dairy books. .... Gift
- Folders and Portfolios. ............$ 15 - 20
- Calender and Postcards. ......... $ 3
- Banners and Flags .................... $ 5
- Posters and Frames. ................ $ 5 - 15
- Mags and Engraved Plates. ...$ 10 - 20
- Business card Cases ............. $ 5
- Cellphone Covers. ................... $ 10
- Magnetic Business cards and
- Magnetic phone books. Gift
- Water Bottle labels and Paper
- bag Labels for promotional.
- Sport Bottles and Coastal Coolers
Qaybta deeqaha hay'adaha dawliga ah ee samafalka iyo kuwa I.N.G.O. loo yaqaano.
Fikrad ahaan iyo talo ahaan labadaba ayaa waxaa jira mashaariic Sustainable development ah oo kanada Yuruubiyanka iyo maraykankuba ugu talo galeen dawladaha faqiirka ah in guud laga kabo Caafimaadka Daryeelka nadaafadda iyo Waxbarashada sidaa awgeed ayaa qayb ka mid ah wax u qabadka dadkooda inay u doodaan waxaa noo diiwaan gashan Hay'ad kale oo lagu magacaabo iyana SOMALILAND INVESTMENT AND DEVELOPMENT AGENCY.
oo ah Samafal keenta mashaariic Maalgalinta Ganacsatada u dhashay degaanka Sanaag inay u huraan
maalkooda fikrado loo soo bandhigayo oo muuqaal aayatiin barwaaqo leh u horseeda mashruuc kasta.
Ta kale waxay wax ku bixiyaan deeq ahaan Somalia magaceeda taasna waxaanu ugu hawl galaynaa inaan qayb lixaad leh ka qaadano inaan la qaybsano deeqaha si aan u soo hordhigno mashaariicda oo qoraal ahaan iyo sawirba diyaar noo ah si Waddooyinka Iskuulada iyo Cisbitaalada nalooga caawiyo dib u dhiskooda Somaliland waa sanadkii lix iyo tobnaad ee gooni isu taageeda oo indhaha laga duubtay
waxaanu wada raadinaynaa mar kaliya mashaariic horumrin ah iyo ictiraafka isbarbaryal................!!
Mashaariicda oo aan sawir ahaan ka bilownay ka dibna daraasad ahaan inaan xeebaha ganacsigiisa iyo isku xidhno Wadamada khaliijka oo horumar dhaqale gaadhey inaan ka qayb qaadano baayac mushtarka ilaa diyaarado ganacsi wadaa ka soo degaan Xiis iyo Maydh waxaan higsanaynaa inuu u sii fido ganacsigaasi gobolka guud ahaan ilaa Sool iyo Togdheer oo Sanaag isku filaansho dhaqaale ka hesho dekadaha Xiis - Maydh, Laas Qoray degaan ahaana ay galaan dad u kala goosha hawd, Bari ilaa Galbeed oo wax ka soo doonta inay kala soo degaan Xeebaha Ceerigaabona noqoto Halbawlaha
Xidhiidhiya xeebaha iyo Gobolada dalka Soamliland, Hawd, Kilka shanaad iyo Somalia. si loo
hoos yimaado maamulkeeda cashuuraha Barriga iyo Badda wakhti dhowna baahidan maanta sii balaadhatay u soo afjaranto oo waxii macluumaad ah daraasad ahaan idiinla kaashano.
Arritani waa mid aanu rabno in guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo Guddoomiyaha degmada Ceerigaabo ay xil aad u wayn iska saaraan anaga oo aragti ahaan aad uga shirnay sida maanta dalkeenu dhaqaale ahaan aanu u dheeli tirnayn bari iyo galbeed, waxaan u aragnay sidii miisaankaas loo soo celin lahaa ee aanan caqliyan u sugayn inaan ku daawano dawladda inaan xaq muwaadinimo u leenahay inaan is xilqaano oo waajib waxii nala gudboon ku dhaqaaqno anagoo wada tashi iyo wax qabad gacan saar leh la wadna maamulka degaanka Sanaag ilaahay ha inoo sahlo amuurtani isagaa wayn oo waaxid ah waxii talo iyo tusaale ahba waad noo soo gudbin kartaan.
Wa Billahi Towfiiq.
Faallo iyo Fikrad Guud
Gaar ahaan qiimaynta guud ee lacagta aan halkan ku qiyaasnay maalgalintu waa ilaa U.S. $ 100.000 inay ka soo xasilaan lacag ururin lagu hirgaliyo baahida ka jirta degaanka xeebaha maakhir ee dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka.
Marka la bilaabo hawshan wacyi galinta iyo abaabulka guddida samafalka ah ee uruurisa lacagta tabaruca ah kuna soo shubta sanduuqa Baanka Dahabshiil ee magaalooyinka loo qaybinayo tigidhada oo bil walba soo xidha buugta rasiidhada
si loo ogaado lacag inta soo baxday iyo xisaab xidhka bisha aakhirkeeda ah.
Gudida lacag gurista marykanka ee guud oo ay xaruntoodu tahay Nashville, USA.
Guddida lacag gurista Canada ee guud oo xaruntoodu tahay Toronto, Ontario. Ca.
Waxaana la yidhaahdaa magaca guud Horumarinta Maakhir ee waqooyiga Ameerika.
Guddida Dalka Ingiriiska waxaa loo yaqaan Horumarinta Maakhir ee Great Britain.
Guddida Horumarinta Yurubta galbeedna ( Horumarinta Maakhir ee Yurub).
Sacuudiga, Imaaraadka Kuwayt, Cumaan, Yaman iyo Qadar.
(G.H. M ee Waddamada khaliijka Carabta)
Maamulka guud oo u sii kala baxaya xubno loo samaynayo oo qaabilsan hawsha.
kulligood waxay ku midaysan yihiin in lacagtu kulli account isugu tagto guud.
Somaliland Gudahiisana waxa u xilsaaran guddida Horumarinta Maakhir ee Sanaag oo xaruntoodu tahay magaalada Ceerigaabo.
waxaad nagala soo xidhiidhi kartaan:
Taleefonka Guddoomiyaha Jaalliyadda Somaliland Community Services ahna Guddoomiyaha Mashruuca sanduuqa horumarinta xeebaha Maakhiroo ah
MOB:647 -407 -4149
FAX: 416 -745- 3909
E mailka: nasirsix@gmail.com
E mailka: mcd_fund@yahoo.com
Maakhir Coast Development Fund Project.
Qorshaha Lacag ururinta iyo maalgalinta Jaalliyadda Dibadda iyo Gudaha dalka.
Waxaa uu ka bilaabmayaa qorshaha Maaligalintu inuu 75% uu noqdo mid ay horseedo Jaalliyadda Qurba jooga ee Somaliland kaas oo ka midho dhalinaya baahida loo qabo horumarinta xeebaha maakhir, 25% ka soo hadhayna loo daayo dawladda iyo Hay'adaha samafalka ah ee jooga dalka oo ay u qoondaysan tahay meeshii horumar laga wado inay ka gaystaan gacan qabasho una hawl galaan si hagar la'aan ah waana noo muuqataa. (" Caawi naftaada aan ku caawinee").
Guddida hawlgalinta iyo fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Xeebaha Maakhir.
Waxay ay hay'adda Horumarintu u xilsaari doontaa guddida Degaanka gobolka oo u qaabilsan maamulka maalgalinta oo ah inay u fuliyaan sidii loo tilmaamay inay ku baxdo lacagta horumarintu sidii guddidu u qoondaysatay isla gartaana in daraasad loo soo sameeyey mashruucan iyo sidii loo hirgalin lahaa loona soo gudbin lahaa kharashka ay ku hawl galayaan guddidu si lacag ururinta marka xisaabaadka iyo wax qabadka la soo diro loogu ban dhigo deeq bixiyayaashii ka qayb qaatey lacagta bixinta inay hawshii midho dhalisay haddii ilaahay idmona si la isugu waafaqo horusocodka iyo hawlgalka mashruucan guud ahaan.
Waxaana ay soo gudbin doonaan waxqabadkooda lixdii biloodba mar waa inay soo gudbiyaan qorshihii shaqada ay qabteen iyo maalgalintii ku baxday maamulka xisabaadka kaasina uu u saamaxayo inay qarashka qaybtiisa labaad diyaar hadda u yihiin inay ku hawl galaan marka ay ka soo dhammaadeen qaybtii koowaad.
Sannad walbana waxa qorshaha xidhitaanka guud loo samayn doonaa oo laga soo qaybgaliynayaa hawlwadeena guddida iyo madaxda gobolka iyo ta dawladda labada gole iyo saddexda xisbi qaran xildhibaanadooda Sanaag, taas oo macna wayn ahaan ka turjumi doonta xidhiidhka waxqabadka gobolka Sanaag iyo Jaalliyadda qurba joogga ah gabi ahaan meel walba oo ay dunida ka joogaan in la hawl galiyo oo loo baraarujiyo inay xil iska saaraan waxqabadka iyo dayactirka gudaha dalka. Sanduuqan aanu furnayna waa horseedkii hawsha aanu xilka iska saarnay, sida ay isaga kaashan karaan mar walba qurba joogta reer Somaliland iyo Maamulka degaanku horumarinta ilaha wax soosaarka iyo maalgalinta mashaariicda shaqo abuurka leh. Waxaanan qabnaa haddii Xiis iyo Maydh laga shaqaysiiyo inay isku filaansho gaadhi doono gobolka Sanaag. Degaankii xeebaha oo ku sii dhow in la isaga guuro maanta haddii aan la daba qaban loona soo hurin maalgalin harumarin keenta inay noqon doonto albaabka ganacsiga isku xidha Bari iyo Galbeed Xeebta Maakhir iyo Hawd waana macdan sideeda ah juqraafi ahaan laakiin maamulka dawladdu guud ahaan ka gaabiyey marka runta aanu kawada hadalno waa haddii gacan qabad la siin lahaa gaadhsiiya horumar wayn
iyo dhiiri galin horumarinta Gobolka ee guud ahaaneed iyo degaanka xeebta gaar ahaanba hay'adihii samalkuna ma soo gaadhin wali waxqabadkoodi Sanaag
xaaladaha caafimaadka iyo waxbarashaduna inay hoos u dhacayaan oo laga dayrinayo maalinba maalinta ka danbaysa xidhiidhka gobolka iyo dawladdu iska kaashadaan waxqabad hor leh oo khuseeya gobolka Sanaag.
Maanta iyada oo aanu ognahay inuu guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo guddoomiyaha degmada Ceerigaabo ay qayb lixaad leh ka qaateen sidii loo keeni lahaa hay'adaha samafalka ee wax u qabta dadka oo xafiisyo saldhig ah looga furo gobolka Sanaag.
Waxaa waajib ah inaad kala soo tashataan dawladda oo loo suurto galiyo in dabarka laga furo oo la maalgaliyo dekadda iyo dalxiiska daalo iyo meelaha la midka ah si gobolku isku filaansho dhaqaale iyo wax soo saar ku filan u helo oo dalka gobolada intiisa kale la jaan qaado si dadka ku nool degaanada sanaag ee xaaladaha dhaqaale saameeyeen ugu soo hirtaan inay dib ugu soo noqdaan gobolkoodii oo ugu noolaadaan iyaga oo anfac kala soo bixi kara maanta.
Ilaahayna ha u fududeeyo maamul, ganacsata iyo rayidkaba hawshoodan
Xidhiidhka Dawladda iyo Wasaaradaha ay khusayso Somaliland arrintani in laga soo dhameeyo ogolaansho qoraal ah in Mashruuca Xeebaha Maakhir loo hawl galo.
1. Wasaaradda Ganacsiga.
2. Wasaaradda Kalluumaysiga.
3. Wasaaradda Caafimaadka.
4. Wasaaradda Waxbarashada.
5. Wasaaradda Qorshaynta.
6. Wasaaradda Hawlaha Guud.
7. Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
8. Wasaaradda Dalxiiska iyo dhaqanka.
9. Wasaaradda Duulista iyo Hawada.
10. Wasaaradda Maaliyadda.
11. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
12. Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.
13. Wasaaradda Dib u Dejinta.
14. Wasaaradda Horumarinta Degaanka.
15. Wasaaradda Beeraha iyo waraabinta.
16. Wasaaradda Warshadaha.
Xidhiidhka Guud ee Gobolka iyo ka qayb qaadashada Mashruuca Xeebaha
Xidhiidhka Guud ee Gobolka iyo ka qayb qaadashada Mashruuca Xeebaha Maakhir.
Ku: Guddoomiyaha Gobolka Sanaag,
Ku:Guddoomiyaha Degmada Sanaag.
Ku: Maamulka iyo guddida Hay'adda Horumarinta Xeebaha Maakhir.
Ku: Xildhibaanada degaanka Gobolka Sanaag.
Ku: Isu duwayaasha wasaaradaha kor ku magacaaban ee Gobolka Sanaag.
Dhammaan guddoomiyaha Gobolka Sanaag iyo Guddoomiyaha degmada Ceerigaabo xildhibaanada Xisbiyada gobolka Sanaag iyo dhammaanba isu duwayaasha u fadhiya wasaaradaha kor ku xusan gaar ahaanba inay noo suurto galiyaan oo noo hawl fududeeyaan sidii aan sannadkan 2007 da bishiisa shanaad ugu hawlgalin lahayn mashruuca horumarinta Xeebaha Maakhir kaas oo u adeegaya bulshada ku nool degaanka inay helaan shaqooyinka wax soosaarka leh iyo horumarintaba si Gobolku u tiigsado ama u helo waxsoo saar shaqo keena.
Si qofku u gaadho una helo meel uu nolol maalmeedkiisa uu kala soo baxo taasi
oo ah shaqo abuuris iyo maalgalin ganacsato gaar ah oo u dhashay degaankaas kuuna horseeda dadka wax dhoofsada iyo kuwa la soo dega alaabta inay ku soo xidhmaan uguna soo hirtaan inay wax kala soo degaan dekadda Xiis iyo Maydh oo loo hurayo in la gashado Maalgalin sida ugu dhakhsaha badan ilaa Bishan May ee sannadkan aynu ku jirno degaanka xeebaha Maakhir ee gobolka Sanaag. Taas oo looga tallaabsanayo sidii loola jaan qaadi lahaa ama loola baratami lahaa ganacsiga Boosaaso iyo degmooyinka ku dhow xeebaha maakhir kuwaas oo tiigsaday heer ay kaligood xalaalaystaan cashuur qaadasho iminkana haatan ka dhabeeyey inay qaataan ganacsigii ku siin lahaaa cashuurta gobolkiina si uu idiin soo galo maal iyo cashuur aad isku maamushaan iyo dadka deggan degaanku uu ka manaafacaasado kana helaan shaqooyin iyo meherado ganacsi horumar leh.
Sidaa awgeed waa lagama Maarmaan in Guddoomiyaha Gobolka iyo ka degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag iyo xildhibaanaduba u hawl galaan sidii aan dekadda u hir galin lahayn heer ganasato shuraako ah oo u deeqa lacagtooda inay keenaan dekaddan oo ah nooca loo yaqaano (Dockport) mashruucan oo muhiim aad u ah waa kii samayn lahaa abuuri lahaana ilo dhaqaale iyo horumar.
Haddana inay xilwayn iska saaraan sidii hawshani uga soo dhammaan lahayd hawlwadeenada Gobolka ilaa madaxtooyada Somaliland iyo wasaaradaha.
Taasi haddii ay idinla tahay mid suuro galaysa oo dan u ah gobolka waa la suurto galinayaa sidii heshiis loo gali lahaa habka loo wada shaqaynayo mar aan fogayn.
Waxaanu hay'adda uga furaynaa xafiisyo Magaalada Caasimadda Somaliland ee Hargaysa, Gobolka Sanaag Ceerigaabo iyo xafiiska hawlwadeenka Xiis- maydh ee horumarinta xeebaha Maakhir oo degaanku soo wakiishay. Kuwaas oo ay ka socon doonaan xidhiidhka hawlwadeenada u qaabilsan hay'adda xagga hawlaha maamulka guud iyo xidhiidhka dawladda ilaa hawsha la dhamaynayo, ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu hawshan nagu garab galo si aanu uga midho dhalinno oo dadka iyo degaankuba uga faa'iidaystaan khayraadka ku jira dalkooda una horumariyaan nolosha ay ku nool yihiin maanta oo ay adagtay in la helo shaqo.
Haddaba iyadoo daraasad buuxda loo sameeyey waxaanu heer gobol iyo mid degmo labada mid walba u qoondaynay sidii gobolku u dabooli lahaa baahida jirta in la iska kaashado oo la abuuro shaqooyin iyo ilo dhaqaale oo tartanka ka qayb galin kara degaanada xeebaha ku dhow oo marka hore kuwaas lagala wareegay dakhligii cashuuraha xeebaha iyo horumarkii ay higsanayeen waayo way xidhmeen albaabadii ganacsi. Waxaa jirta iyaduna arrinta gobolku heerka uu ka joogo mowqifka xidhiidhka dalka Somaliland oo ah Halbawlaha dhaqaalaha Baaxad Gobol iyo mid wax soo saarka khayraadka ee dhinac walba sidaas awgeed waa in la soo dhaweeyo maalgalinta ganasiga xorta ah oo dhinacyo badan leh.
Waxaanu kaasi maanta keeni karaa isbedel wanaagsan iyo waxtar wayn u keena shaqooyin iyo horumar gobolku ka faa'iidaysan karo dad iyo degaanba waana albaabka dhaqaalaha iyo isku filaanshaha aad ku gaadhi lahaydeen.
Waxaanu isku afgaranay in hawshan aan kula garabgalno maamulka gobolka oo la qaybsano fikradaha waxtarka leh ee qurba joogu la jecel yahay horumarka dadkiisa iyo dalkiisa si uu qof walba u helo wax soosaar kuna dhiirri galino inay ka rumeeyaan sidii wax badani ugu qabsoomi lahaayeen horusocodka degaanka iyo maamulka oo lala tashado la isuna kaashado ganacsatada iyo madaxduba meel qudhana looga soo wada jeesto sidii loo samayn lahaa horumar.
Wa billahi towfiiq.
Maamulaha Mashruuca.
Sanduuqa Horumarinta Xeebaha Maakhir.
Cabdinaasir Maxamed Cabdilleh.
Horudhaca Sanduuqa Horumarinta
Mashruuca xeebaha Maakhir.
Mashruucani horumarinta xeebaha Maakhir iyo Degmada Ceerigaabo Sanaag Somaliland. Degmooyinka xiis iyo maydh ee gobolka Sanaag waxa
uu daba socdaa markii aanu aragnay baahida bulshadu u qabto in la horumariyo adeega waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga wax soosaarka sida kalluumaysiga iyo dhoofinta iyo soo dejinta alaabta kala duwan baayacmushtarka ah ee keeni karta inay shaqooyin ka abuurmaan dekadda iyo gegida dayuuradaha Ceerigaabo iyo degmada maydh.
Waxaa jirta inay dhallinyaro u dhashay degaanka ay la yimaadeen fikrad ah in la daboolo baahidan jirta oo la sameeyo sanduuq dhaqaale oo soo afjara dhibaatada ku habsatey ee ay ka cabanayaan dadka degaankan xeebaha ku nool.
Waxaa kaloo jirta baahida dugsiga sare Ceerigaabo iyo qalabka cisbitaalka wayn
Sidaa awgeed waxaa laga diiwaan galiyey Magaalada Toronto ee dalka Canada hay'addan oo ah horumarin samafalka ah oo lagu magacaabay.
Maakhir Coast Development Fund.
Sanduuqa Horumarinta Xeebaha Maakhir.
kaas oo udeegi doona danaha bulshada ku dhaqan degmooyinka oo guud ahaan horumarin ah, Taas oo la isaga kaashan doono laba qaybood oo kala ah maalgalin Ganacsato u Huraysa inay gashadaan maalgalin gaar ah oo ganacsiga ku soo celisa xeebaha iyo mid samafal ah oo nolosha bulshada caawisa sidatan.
- Cisbitaal casri ah Maydh oo qalabaysan oo daboola baahida Caafimaadka.
- Cisbitaalka Wayn ee ceerigaabo oo la qalabeeyo lana dayactiro ( Samafal ).
- Iskuulka oo loo kordhiyo fasaladda iyo in lagu daro Dugsiga Dhexe/Sare Maydh iyo Iskuulka Ceerigaabo oo la qalabeeyo. ( Samafal ).
- Horumarinta iyo xoojinta adeegga bulshada iyo ganacsiga dekadda oo la furo iyo kalluumaysiga khayraadka badda oo la dhiirigaliyo maalgalin ganacsato. ( Maalgalin ).
- horumarin maalgalin ganacsato ku soo hirata inay maalgaliyaan mashaariic shaqooyinkeena, beeraha, gaadiidka u kala socda dekadda iyo degmooyinka gobolada Somaliland. (Maalgalin).
- Dayactirka waddada isku Xidha Ceerigaabo iyo degmooyinka Xiis- maydh. ( NGO - Government - Private Funding & Donations ).
- Dayactirka Gegida dayuuradaha ee Maydh oo u baahan farsamooyin xidhiidhka ah iyo dhismo maamulka Kafeteriya iyo qolalka nasashada laba qol ah. Kan Ceerigaabona loo dhiso Dhismo u qalma degmada ( Samafal ).
Xeebaha Maakhir iyagoo ah macdan dhulka jiifta waxaa ayaan darro ah inay ka baxdo muuqaalka in loo adeego horumarinta bulshada maanta ku nool xeebaha guud ahaan degaanka Sanaag si ay uga anfacsadaan khayraadka ka buuxa dhulkooda hooyo shaqoooyina uga helaan ay caruurta iyo reerahooda ka biishadaan maanta in laga guuro ayey ku dhow yihiin degmooyinkani, qorshaha maanta miiska noo saarani waa sidii aan u daba qaban lahayn arrintan gargaar degdeg ahna u siino si ay u soo ceshadaan degaan caafimaad iyo waxbarsho leh.
Waxaa Hargaysa iyo Burco iyo dalka intiisa kalaba ku sii badanaya dad isaga
soo barakacaya degaankoodii ay u dhasheen Hargaysina buux dhaafto mar dhow.
Cabashooyinkii xildhibanadu qoreen dhowaan iyo hab u dhaqanka dawladu inay waxtarto gobolka Sanaag ayanu mel uga wada guurayna marka inta aanay talo faro ka bixin arrin aan gobolka u soo wadnay oo wakhtigeedii manta yahay weeyaan arrintani waxay ku dhammaandoontaa inay guul ku danbayn doonto, ilaahayna hanagu garabgalo waxii walaalahayga Maamulka gacanta ku hayaana noo qaban karaan naga caawiyaan inta karaankooda ah hawlahana noo suurto galiyaan si rasmiya an u fulino qurba joog iyo dawlad iyo hay'adoba.
Wa billahi Towfiiq.
Maamulaha Mashruuca
Sanduuqa Horumarinta Xeebaha Maakhir.
Maakhir Coast is a Non-profit organization registered in Canada.
The main Footage of this project is to Develop Maakhir Coast
in the areas of Fishing, Trading, Ports, Road improvement, Tourism, Healthcare, Electricity, Construction, Water Purification, Zoning, Sanitation and Education.
Qorshaha Horumarinta wajiyadiisa guud maalgalin ahaan waa sidan hoos ku qoran.
- Dekad ah nooca loo yaqaano Floating DockPort.
- Bakhaarada kaydka alaabta ganacsiga waawayn iyo alaabta fududba laga dhoofiyo laguna kaydiyo.
- Gaadiid fudud oo ka adeega soo dejinta alaabta iyo raristooda dekedda ilaa bakhaarada kaydka iyo maamulka xafiiska cashuuraha agtiisa ah.
- Huteel la seexdo iyo makhaayad cunto ah oo heer dalxiis iyo degaanba casri u ah kaas oo degmadu aad ugu baahan tahay si kor loogu qaado dalxiiska.
- Warshad korontada ka ciil tirta dhammaan ganacsi iyo degaanba oo 24 saacadood hawlgasha.
- Qaboojiye kalluunka lagu kaydiyo la dhoofinayo iyo qalabka xidh xidhitaanka iyo jawaanada lagu dhoofiyo alaabta.
- Maalqabeenada u dhashay degaanka ee qurba joogga oo indhaha loo furo inay tahay meeshu meel ah hodan ah si loo huro maalgalin dhaqaale horumarin ah.
Qorshaha Horumarinta qaybtiisa samafalkuna waxuu noqonayaa sidan hoos ku qoran.
- Cisbitaalka guud ee Xiis iyo maydh oo noqon doona mid casriya oo qalabaysan.
- Cisbitaalka guud Degamada Ceerigaabo oo u baahan qalabayn iyo dayactir.
- Iskuulka maydh oo loo kordhiyo fasalada ardayda ilaa dugsiga la gaadhsiiyo heer waxbarasho dhexe/Sare.
- Iskuulka Degmada Ceerigaabo oo la qalabeeyo iyo macalimiinta oo la meeleeyo.
- Gegida dayaaradaha oo laga dhigo ilaa heer ay yeelato xafiiska hagidda, maamulka iyo qolalka nasashada taasi oo lala higsanayo in alaabta daabulka diyaaraduhu ka qayb qaataan si loo geeyo Hargaysa ilaa Ethiopia gudeheeda.
- Haamaha kaydka biyaha la cabo iyo mashiinka safaynta biyaha oo la socda oo laga sameeyo degmada Ceerigaabo iyo Maydh.
- Dayactirka waddada u dhaxaysa Xiis - Maydh ilaa Ceerigaabo oo la maalgaliyo Ganacsato, Samafal dhaqaale, Dawladda iyo Hay'adaha waawayn ee dunida.
- Degmada Maydh qorshaha degaanka qaybaheeda oo si casriyeysan loo habeeyo ( Zoning for Development, Residential, Commercial and Industarial). Mapping.
- Bilicda iyo dhismayaasha oo loo habeeyo si magaaladu u soo ceshato oo ay ula soo noqoto haybadii lagu yiqiinay meel horumar casri ahi ka muuqdona noqoto si ay u soo jiidato dadka dalxiiska ah iyo ganacsato ka baayacmushtarta Maydh inay soo degaan kana ganacsadaan iyo in helo Huteel lagu nasto oo lagu dego. waxaanu ilaahay idankii la higsanaynaa Maydh meel noqota matal ahaan mid lagu daydo oo degaanka Xeebaha Somaliland dawladeena iyo dadkeenu ka faa'iidaysto si loo gaadho isku filaansho nolol waxtar leh iyo horumar wayn leh.



