Friday, January 4, 2008

Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsan Nadaafada Iyo Fayo Dhowrka oo Ka Furmay Magaalada Boorama.















Jan, 4 2008

Abokor Hassan Afi, Harowo = Boorama, Aqoon is wardaarsi ayaa maanta laga furay xarunta dowlada hoose ee Degmada Borama, aqoon is waydaarsigaasi oo lagaga doodayay nadaafada iyo fayo dhowrka magaalada Borama.

Waxaa ka qeyb galaya 25 xubnood oo ka socda 4 ta dugsi sare iyo labad dugsi dhexe oo ka tirsan dugsiyada Borama, NGO yada wadaniga ah ee G/Awdal, shaqaalaha dowlada hoose, maamulayaasha dugsiyada Borama iyo marti sharaf kale. Waxaana barnaamijkan oo tijaabo ah iska kaashanaya D/Hoose ee Borama hayadaha Swiss group iyo hayada Unicef.

Maayirka Borama C/raxmaan Shide Bile oo ka hadlayay furitaankan ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada aqoon isweydaarsigan oo ku tilmaamay inay tahay sidii looga wada hadli lahaa wax ka qabashada qashinka tuulan goobo ka mid ah magaalada iyo habkii loo nadiifin karo loogana wada qayb qaadan lahaa.

Maayirka waxuu carabka ku dhuftay in arintani tahay mid bilow ah oo lagu tijaabinayo Borama haduu uu kaalin galena la doonayo inuu kaalin muuq leh oo qashinka hadheeyey degmooyinka dalka S/land doono.Waxuuna tilmaamay inuu qorshahani yahay mid dadwaynaha lagu dareensiinayo dhibaatada caafimaad daro ee qashinku leeyahay, waana arin dhinaca nadaafada lagu tartamayo, bulshadana dhinaca nadaafada wacyi galin loogu samaynayo.

Waxaa isagana halkaa ka hadlay Maxamed Yuusuf ( Galool ) iyo Cabdi Aadan oo iyaguna ka socday Swiss group iyo Unicef, waxayna cadeeyeen in mudada afarta maalmood ah ee tababarku soconayo lagu lafa guri doono sida ugu haboon ee dadka loo wacyi galinayo, taasi oo lagu rajo waynyahay in bulshada ay gaadhaan ka qayb qaadashada Nadaafada Borama, waana markii ugu horaysay ee seminaar noocan oo kale ah lagu qaboto magaalada

Borama.

No comments: