Xidhiidhka Guud ee Gobolka iyo ka qayb qaadashada Mashruuca Xeebaha Maakhir.
Ku: Guddoomiyaha Gobolka Sanaag,
Ku:Guddoomiyaha Degmada Sanaag.
Ku: Maamulka iyo guddida Hay'adda Horumarinta Xeebaha Maakhir.
Ku: Xildhibaanada degaanka Gobolka Sanaag.
Ku: Isu duwayaasha wasaaradaha kor ku magacaaban ee Gobolka Sanaag.
Dhammaan guddoomiyaha Gobolka Sanaag iyo Guddoomiyaha degmada Ceerigaabo xildhibaanada Xisbiyada gobolka Sanaag iyo dhammaanba isu duwayaasha u fadhiya wasaaradaha kor ku xusan gaar ahaanba inay noo suurto galiyaan oo noo hawl fududeeyaan sidii aan sannadkan 2007 da bishiisa shanaad ugu hawlgalin lahayn mashruuca horumarinta Xeebaha Maakhir kaas oo u adeegaya bulshada ku nool degaanka inay helaan shaqooyinka wax soosaarka leh iyo horumarintaba si Gobolku u tiigsado ama u helo waxsoo saar shaqo keena.
Si qofku u gaadho una helo meel uu nolol maalmeedkiisa uu kala soo baxo taasi
oo ah shaqo abuuris iyo maalgalin ganacsato gaar ah oo u dhashay degaankaas kuuna horseeda dadka wax dhoofsada iyo kuwa la soo dega alaabta inay ku soo xidhmaan uguna soo hirtaan inay wax kala soo degaan dekadda Xiis iyo Maydh oo loo hurayo in la gashado Maalgalin sida ugu dhakhsaha badan ilaa Bishan May ee sannadkan aynu ku jirno degaanka xeebaha Maakhir ee gobolka Sanaag. Taas oo looga tallaabsanayo sidii loola jaan qaadi lahaa ama loola baratami lahaa ganacsiga Boosaaso iyo degmooyinka ku dhow xeebaha maakhir kuwaas oo tiigsaday heer ay kaligood xalaalaystaan cashuur qaadasho iminkana haatan ka dhabeeyey inay qaataan ganacsigii ku siin lahaaa cashuurta gobolkiina si uu idiin soo galo maal iyo cashuur aad isku maamushaan iyo dadka deggan degaanku uu ka manaafacaasado kana helaan shaqooyin iyo meherado ganacsi horumar leh.
Sidaa awgeed waa lagama Maarmaan in Guddoomiyaha Gobolka iyo ka degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag iyo xildhibaanaduba u hawl galaan sidii aan dekadda u hir galin lahayn heer ganasato shuraako ah oo u deeqa lacagtooda inay keenaan dekaddan oo ah nooca loo yaqaano (Dockport) mashruucan oo muhiim aad u ah waa kii samayn lahaa abuuri lahaana ilo dhaqaale iyo horumar.
Haddana inay xilwayn iska saaraan sidii hawshani uga soo dhammaan lahayd hawlwadeenada Gobolka ilaa madaxtooyada Somaliland iyo wasaaradaha.
Taasi haddii ay idinla tahay mid suuro galaysa oo dan u ah gobolka waa la suurto galinayaa sidii heshiis loo gali lahaa habka loo wada shaqaynayo mar aan fogayn.
Waxaanu hay'adda uga furaynaa xafiisyo Magaalada Caasimadda Somaliland ee Hargaysa, Gobolka Sanaag Ceerigaabo iyo xafiiska hawlwadeenka Xiis- maydh ee horumarinta xeebaha Maakhir oo degaanku soo wakiishay. Kuwaas oo ay ka socon doonaan xidhiidhka hawlwadeenada u qaabilsan hay'adda xagga hawlaha maamulka guud iyo xidhiidhka dawladda ilaa hawsha la dhamaynayo, ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu hawshan nagu garab galo si aanu uga midho dhalinno oo dadka iyo degaankuba uga faa'iidaystaan khayraadka ku jira dalkooda una horumariyaan nolosha ay ku nool yihiin maanta oo ay adagtay in la helo shaqo.
Haddaba iyadoo daraasad buuxda loo sameeyey waxaanu heer gobol iyo mid degmo labada mid walba u qoondaynay sidii gobolku u dabooli lahaa baahida jirta in la iska kaashado oo la abuuro shaqooyin iyo ilo dhaqaale oo tartanka ka qayb galin kara degaanada xeebaha ku dhow oo marka hore kuwaas lagala wareegay dakhligii cashuuraha xeebaha iyo horumarkii ay higsanayeen waayo way xidhmeen albaabadii ganacsi. Waxaa jirta iyaduna arrinta gobolku heerka uu ka joogo mowqifka xidhiidhka dalka Somaliland oo ah Halbawlaha dhaqaalaha Baaxad Gobol iyo mid wax soo saarka khayraadka ee dhinac walba sidaas awgeed waa in la soo dhaweeyo maalgalinta ganasiga xorta ah oo dhinacyo badan leh.
Waxaanu kaasi maanta keeni karaa isbedel wanaagsan iyo waxtar wayn u keena shaqooyin iyo horumar gobolku ka faa'iidaysan karo dad iyo degaanba waana albaabka dhaqaalaha iyo isku filaanshaha aad ku gaadhi lahaydeen.
Waxaanu isku afgaranay in hawshan aan kula garabgalno maamulka gobolka oo la qaybsano fikradaha waxtarka leh ee qurba joogu la jecel yahay horumarka dadkiisa iyo dalkiisa si uu qof walba u helo wax soosaar kuna dhiirri galino inay ka rumeeyaan sidii wax badani ugu qabsoomi lahaayeen horusocodka degaanka iyo maamulka oo lala tashado la isuna kaashado ganacsatada iyo madaxduba meel qudhana looga soo wada jeesto sidii loo samayn lahaa horumar.
Wa billahi towfiiq.
Maamulaha Mashruuca.
Sanduuqa Horumarinta Xeebaha Maakhir.
Cabdinaasir Maxamed Cabdilleh.

No comments:
Post a Comment