Qorshaha Lacag ururinta iyo maalgalinta Jaalliyadda Dibadda iyo Gudaha dalka.
Waxaa uu ka bilaabmayaa qorshaha Maaligalintu inuu 75% uu noqdo mid ay horseedo Jaalliyadda Qurba jooga ee Somaliland kaas oo ka midho dhalinaya baahida loo qabo horumarinta xeebaha maakhir, 25% ka soo hadhayna loo daayo dawladda iyo Hay'adaha samafalka ah ee jooga dalka oo ay u qoondaysan tahay meeshii horumar laga wado inay ka gaystaan gacan qabasho una hawl galaan si hagar la'aan ah waana noo muuqataa. (" Caawi naftaada aan ku caawinee").
Guddida hawlgalinta iyo fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Xeebaha Maakhir.
Waxay ay hay'adda Horumarintu u xilsaari doontaa guddida Degaanka gobolka oo u qaabilsan maamulka maalgalinta oo ah inay u fuliyaan sidii loo tilmaamay inay ku baxdo lacagta horumarintu sidii guddidu u qoondaysatay isla gartaana in daraasad loo soo sameeyey mashruucan iyo sidii loo hirgalin lahaa loona soo gudbin lahaa kharashka ay ku hawl galayaan guddidu si lacag ururinta marka xisaabaadka iyo wax qabadka la soo diro loogu ban dhigo deeq bixiyayaashii ka qayb qaatey lacagta bixinta inay hawshii midho dhalisay haddii ilaahay idmona si la isugu waafaqo horusocodka iyo hawlgalka mashruucan guud ahaan.
Waxaana ay soo gudbin doonaan waxqabadkooda lixdii biloodba mar waa inay soo gudbiyaan qorshihii shaqada ay qabteen iyo maalgalintii ku baxday maamulka xisabaadka kaasina uu u saamaxayo inay qarashka qaybtiisa labaad diyaar hadda u yihiin inay ku hawl galaan marka ay ka soo dhammaadeen qaybtii koowaad.
Sannad walbana waxa qorshaha xidhitaanka guud loo samayn doonaa oo laga soo qaybgaliynayaa hawlwadeena guddida iyo madaxda gobolka iyo ta dawladda labada gole iyo saddexda xisbi qaran xildhibaanadooda Sanaag, taas oo macna wayn ahaan ka turjumi doonta xidhiidhka waxqabadka gobolka Sanaag iyo Jaalliyadda qurba joogga ah gabi ahaan meel walba oo ay dunida ka joogaan in la hawl galiyo oo loo baraarujiyo inay xil iska saaraan waxqabadka iyo dayactirka gudaha dalka. Sanduuqan aanu furnayna waa horseedkii hawsha aanu xilka iska saarnay, sida ay isaga kaashan karaan mar walba qurba joogta reer Somaliland iyo Maamulka degaanku horumarinta ilaha wax soosaarka iyo maalgalinta mashaariicda shaqo abuurka leh. Waxaanan qabnaa haddii Xiis iyo Maydh laga shaqaysiiyo inay isku filaansho gaadhi doono gobolka Sanaag. Degaankii xeebaha oo ku sii dhow in la isaga guuro maanta haddii aan la daba qaban loona soo hurin maalgalin harumarin keenta inay noqon doonto albaabka ganacsiga isku xidha Bari iyo Galbeed Xeebta Maakhir iyo Hawd waana macdan sideeda ah juqraafi ahaan laakiin maamulka dawladdu guud ahaan ka gaabiyey marka runta aanu kawada hadalno waa haddii gacan qabad la siin lahaa gaadhsiiya horumar wayn
iyo dhiiri galin horumarinta Gobolka ee guud ahaaneed iyo degaanka xeebta gaar ahaanba hay'adihii samalkuna ma soo gaadhin wali waxqabadkoodi Sanaag
xaaladaha caafimaadka iyo waxbarashaduna inay hoos u dhacayaan oo laga dayrinayo maalinba maalinta ka danbaysa xidhiidhka gobolka iyo dawladdu iska kaashadaan waxqabad hor leh oo khuseeya gobolka Sanaag.
Maanta iyada oo aanu ognahay inuu guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo guddoomiyaha degmada Ceerigaabo ay qayb lixaad leh ka qaateen sidii loo keeni lahaa hay'adaha samafalka ee wax u qabta dadka oo xafiisyo saldhig ah looga furo gobolka Sanaag.
Waxaa waajib ah inaad kala soo tashataan dawladda oo loo suurto galiyo in dabarka laga furo oo la maalgaliyo dekadda iyo dalxiiska daalo iyo meelaha la midka ah si gobolku isku filaansho dhaqaale iyo wax soo saar ku filan u helo oo dalka gobolada intiisa kale la jaan qaado si dadka ku nool degaanada sanaag ee xaaladaha dhaqaale saameeyeen ugu soo hirtaan inay dib ugu soo noqdaan gobolkoodii oo ugu noolaadaan iyaga oo anfac kala soo bixi kara maanta.
Ilaahayna ha u fududeeyo maamul, ganacsata iyo rayidkaba hawshoodan

No comments:
Post a Comment