Ceerigaabo(Qarannews) -Magaalada Waqderiya oo ku taalla xeebta waqooyi-bari ee gobolka Sanaag ayaa gubatey dabayaaqadii toddobaadkii hore kaddib markii xilli habeennimo ah dab qabsaday magaaladaas, halkaas oo dhammaan magaaladaas uu dabkaasi waxyeello weyn gaadhsiiyey.
Haddaba iyadoo ilaa haddan aanay jirin wax caddayn ah oo ku saabsan sababta keentay dabkan ayaa haddana waxay xaaladdu u muuqataa in dabkani yahay duullimaad qorshaysan oo loogu talo galay magaaladaas, waxayna arrintaasi dhalisay xiisad iyo dareen weyn oo ay ku yeelatay bulshada degaankaas, iyadoo weliba si weyn looga dareemay gudaha magaalada Ceerigaabo, waxana si weyn farta loogu fiiqayaa dabkan in ay geysteen dad taageersan maammulka Puntland oo iyagu dhinaca bari kaga yimid magaaladaa.
“Waxannu qabnaa magaaladayadaas in ay gubeen dad kaga yimid bariga (xagga Puntland) oo iyagu deris wadaag nala ah, kuwaas oo diiddan cid Somaliland taageersani in ay halkaas degganaato”. Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha degaanka Waqderiya.
Dhinaca kalena magaaladan Waqderiya oo ah meel muddo badan la degganaa, kana mid ah meelaha taariikhiga ah ayaanu jirin wax maamul iyo shaqaale Somaliland oo halkaas ka abuurani, taas oo keentay in dhinacyo badan (dhul ahaan iyo dhaqaale ahaanba ) laga soo hungureeyo degaankaas, sidoo kalena ay ka muuqato baylah lagaga faa’iidaysan karo xilligan.
C/laahi Xuseen Darwiish

1 comment:
Aad baan uga xumahay waxaas ka dhacay meesha maaanta ayaan bilabay inaan ka raadiyo Googleka magaaladan warbixinta kaliya ee aan ka helayna waa tan oo ah mid naxdin leh waa in dadka reer ceerigabo arintaa ay ka hawl galaan deegaankaasna ay maalgashi ku sameeyaan waayo wuxuu qurxinayaa dawladnimadeena
Post a Comment