Qaybta deeqaha hay'adaha dawliga ah ee samafalka iyo kuwa I.N.G.O. loo yaqaano.
Fikrad ahaan iyo talo ahaan labadaba ayaa waxaa jira mashaariic Sustainable development ah oo kanada Yuruubiyanka iyo maraykankuba ugu talo galeen dawladaha faqiirka ah in guud laga kabo Caafimaadka Daryeelka nadaafadda iyo Waxbarashada sidaa awgeed ayaa qayb ka mid ah wax u qabadka dadkooda inay u doodaan waxaa noo diiwaan gashan Hay'ad kale oo lagu magacaabo iyana SOMALILAND INVESTMENT AND DEVELOPMENT AGENCY.
oo ah Samafal keenta mashaariic Maalgalinta Ganacsatada u dhashay degaanka Sanaag inay u huraan
maalkooda fikrado loo soo bandhigayo oo muuqaal aayatiin barwaaqo leh u horseeda mashruuc kasta.
Ta kale waxay wax ku bixiyaan deeq ahaan Somalia magaceeda taasna waxaanu ugu hawl galaynaa inaan qayb lixaad leh ka qaadano inaan la qaybsano deeqaha si aan u soo hordhigno mashaariicda oo qoraal ahaan iyo sawirba diyaar noo ah si Waddooyinka Iskuulada iyo Cisbitaalada nalooga caawiyo dib u dhiskooda Somaliland waa sanadkii lix iyo tobnaad ee gooni isu taageeda oo indhaha laga duubtay
waxaanu wada raadinaynaa mar kaliya mashaariic horumrin ah iyo ictiraafka isbarbaryal................!!
Mashaariicda oo aan sawir ahaan ka bilownay ka dibna daraasad ahaan inaan xeebaha ganacsigiisa iyo isku xidhno Wadamada khaliijka oo horumar dhaqale gaadhey inaan ka qayb qaadano baayac mushtarka ilaa diyaarado ganacsi wadaa ka soo degaan Xiis iyo Maydh waxaan higsanaynaa inuu u sii fido ganacsigaasi gobolka guud ahaan ilaa Sool iyo Togdheer oo Sanaag isku filaansho dhaqaale ka hesho dekadaha Xiis - Maydh, Laas Qoray degaan ahaana ay galaan dad u kala goosha hawd, Bari ilaa Galbeed oo wax ka soo doonta inay kala soo degaan Xeebaha Ceerigaabona noqoto Halbawlaha
Xidhiidhiya xeebaha iyo Gobolada dalka Soamliland, Hawd, Kilka shanaad iyo Somalia. si loo
hoos yimaado maamulkeeda cashuuraha Barriga iyo Badda wakhti dhowna baahidan maanta sii balaadhatay u soo afjaranto oo waxii macluumaad ah daraasad ahaan idiinla kaashano.
Arritani waa mid aanu rabno in guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo Guddoomiyaha degmada Ceerigaabo ay xil aad u wayn iska saaraan anaga oo aragti ahaan aad uga shirnay sida maanta dalkeenu dhaqaale ahaan aanu u dheeli tirnayn bari iyo galbeed, waxaan u aragnay sidii miisaankaas loo soo celin lahaa ee aanan caqliyan u sugayn inaan ku daawano dawladda inaan xaq muwaadinimo u leenahay inaan is xilqaano oo waajib waxii nala gudboon ku dhaqaaqno anagoo wada tashi iyo wax qabad gacan saar leh la wadna maamulka degaanka Sanaag ilaahay ha inoo sahlo amuurtani isagaa wayn oo waaxid ah waxii talo iyo tusaale ahba waad noo soo gudbin kartaan.
Wa Billahi Towfiiq.

No comments:
Post a Comment