October 3, 2007
Wasiirka Beeraha Somaliland oo ku Dhiiri Geliyey Beeralayda Inay Kor u Qaadaan Tacabka Beeraha
Hargeysa, (Harowo) - Tababar ku saabsan sida looga faa’idaysto Malabka ayaa maana Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Mudane Aadan Axmed Cilmi[Dhoolayare], Wasaaradiisa uga furay tababar, isla markaana ku booriyay beeralayda dalka inay kor u qaadaan wax soosaarka wadaniga ah, si Somaliland u noqoto Qaran ka maarmi kara raashinka dibada laga keeno.
“Xukuumad Ahaan Beeralayda Ku Dhiirigelinaynaa Inay Kor U Qaadaan Oo Ay Soo Saaraan Raashinka Iyo Cuntooyinka Wadaniga ah…….” Wasiirka Wasaarada Beeraha Aadan I (Dhoolayare)
Wasiirka Beeraha Somaliland,waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu maanta xarunta wasaaradaas tababar ku saabsan barashada horumarinta xirfada Malabka iyo shinida uga furayay 36 Qof, oo ka kala yimid Gobolada Hargeysa iyo Awdal, kaas oo ay maalgelisay Haa’yada Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha [FAO].
Wasiirka Wasaarada beeraha Somaliland Mudane Aadan Axmed Cilmi,oo ka hadlayay tababarkaas,ayaa waxa uu yidhi “Barashada Xirfada malabka iyo shini dhiqistu,waa mid muhiim ah oo ay ka soo bixi karto dhaqaale iyo nolol maalmeed joogto ah,oo lagaga maarmo shidistii dhuxusha ee dadku xaalufka ku hayeen deegaanka dalka,shinida iyo malabku waa waxa kaliya ee aan u baahnayn in la raaco,balse u baahan uun in dusha laga ilaaliyo oo cayayaanka u galaya laga ilaaliyo,waayo waxyaabo badan bay shinidu xasaasiyad ka qabtaa oo aanay ogolayn in ay u soo dhawaadaan marka ay shaqaynayso.”.
Mudane Aadan Axmed Cilmi,waxa uu ka qeyb-galayaasha tababarkaasi, oo ka kala yimid Degmooyinka Salaxlay,Baligubadle,Cadaadlay iyo Boon,uu u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan macluumaadka ay ka korodhsan doonaan tabobarkaas, waxana uu amaan u soo jeediyay Haa’yada [FAO] oo tababarkaasi ay Wasaaradiisa iska kaashadeen.
Wasiirka Beeraha Somaliland,waxa uu sheegay inay wasaaradoodu awooda saarayso sidii ay suuqyo ugu raadin lahayd wax soosaarka malabka maxaliga ah, oo uu si qoto dheer uga waramay faa’iidooyinkiisa,waxana uu xusay inuu rajaynayo in Somaliland ay noqoto shanta sanadood ee soo socda dalka adduunka ugu wax soo saarka badan dhinaca malabka.
Mudane Aadan Axmed Cilmi, oo ka hadlayay Raashinka darruriga ah ee dhawaan ka qaaliyoobay suuqyada ganacsiga magaalooyinka dalka,waxa isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi “Waxa aynu ku nool nahay oo dadkeenu ay ku jihaysan yihiin, Raashin dibada inooga yimaada oo aynaan lahayn, waxa dadka qaar laga dhaadhicinayay sixir barar baa raashinkii ku dhacaye, waa in mudaharaadyo la sameeyaa,oo Xukuumada ha lagu mudaharaado, caqliyan waxa aad adigu soo saarto ee qaaliyooba ayaa laga mudaharaadaa ama laga hadlaa,laakiin bariis iyo Baasto aynaan lahayn ayaynu ku tiirsan nahay,waxa aan xukuumad ahaan beeralayda ku dhiirigelinaynaa inay kor u qaadaan oo ay soo saaraan raashinka iyo cuntooyinka wadaniga ah”.
“haddii la eego dagaalkii labaad ee adduunka [1945-kii], sedan manta aynu ugu tiirsan nahay raashinka dibada ka yimaada ugama aynu tiirsanayn,inaga ayaa isku filayn oo cadkeena,Caanaheena, garowga iyo Arabakhida ayaynu ku tiirsanayn,oo wakhtigii bada cas uu Talyaanigu qabsaday,waxa jirtay in Somaliland caawisay ingiriiska oo ina haystay, kuna caawinay xoolo nool iyo Ciidanba”ayuu yidhi Wasiirka beerahu.
Wasiirku waxa uu soo jeediyay in beeralaydu ay beeraan wax soo saarka wadaniga ah, si looga maar mo raashinka dibada ka yimaada “waa in aynu shanta sano ee soo socota noqonaa qaran raashin ahaan isku filan oo ka maarma wixii dibada uga imanayay” ayuu yidhi Mudane Aadan Axmed Cilmi sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maxamed Jaamac Gahayr oo ka mid ah Masuuliyiinta Hayada FAO, kaas oo sheegay in la sii joogtayn doono tobabarada kor loogu qaadayo kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah.

No comments:
Post a Comment