Tuesday, November 13, 2007

Faallo iyo Fikrad Guud

Gaar ahaan qiimaynta guud ee lacagta aan halkan ku qiyaasnay maalgalintu waa ilaa U.S. $ 100.000 inay ka soo xasilaan lacag ururin lagu hirgaliyo baahida ka jirta degaanka xeebaha maakhir ee dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka.

Marka la bilaabo hawshan wacyi galinta iyo abaabulka guddida samafalka ah ee uruurisa lacagta tabaruca ah kuna soo shubta sanduuqa Baanka Dahabshiil ee magaalooyinka loo qaybinayo tigidhada oo bil walba soo xidha buugta rasiidhada
si loo ogaado lacag inta soo baxday iyo xisaab xidhka bisha aakhirkeeda ah.

Gudida lacag gurista marykanka ee guud oo ay xaruntoodu tahay Nashville, USA.
Guddida lacag gurista Canada ee guud oo xaruntoodu tahay Toronto, Ontario. Ca.

Waxaana la yidhaahdaa magaca guud Horumarinta Maakhir ee waqooyiga Ameerika.

Guddida Dalka Ingiriiska waxaa loo yaqaan Horumarinta Maakhir ee Great Britain.

Guddida Horumarinta Yurubta galbeedna ( Horumarinta Maakhir ee Yurub).

Sacuudiga, Imaaraadka Kuwayt, Cumaan, Yaman iyo Qadar.

(G.H. M ee Waddamada khaliijka Carabta)

Maamulka guud oo u sii kala baxaya xubno loo samaynayo oo qaabilsan hawsha.

kulligood waxay ku midaysan yihiin in lacagtu kulli account isugu tagto guud.

Somaliland Gudahiisana waxa u xilsaaran guddida Horumarinta Maakhir ee Sanaag oo xaruntoodu tahay magaalada Ceerigaabo.

waxaad nagala soo xidhiidhi kartaan:

Taleefonka Guddoomiyaha Jaalliyadda Somaliland Community Services ahna Guddoomiyaha Mashruuca sanduuqa horumarinta xeebaha Maakhiroo ah

MOB:647 -407 -4149

FAX: 416 -745- 3909

E mailka: nasirsix@gmail.com

E mailka: mcd_fund@yahoo.com

Maakhir Coast Development Fund Project.

No comments: