Monday, December 10, 2007

Dhaqan aqooneed Mise Dhaqan Hoosaad!...

"Fahmo iyo dadaalbaa nafluhu far isku dhaafaaye Wax fiican faa,iidiyo wanaag inaad ku faantaane". Abwaan Maxamed Cali Cartan


Had iyo jeer waxaynu maqalnaa iyada oo laga hadlayo waxsoosaarka (khayraadka) dhulka, hase ahaato ee inta badan lagama hadlo sidii waxtar looga dhalin lahaa kartiyaha iyo aqoonta ku kaydsan qaybta ugu mudan dadkeenna – dhalinyarta iyo dadka wax bartay ee arrimaha nolosha garansan (looma jeedo qof wax dhigtay, hase yeesho ee aan togagga nolosha iyo aqoonta akhris, waayo’aragnimo iyo wixii la mid ah ku fahmin).

Jeerkan (waqtigan) la joogo bulshooyinka wax gartay, nadaamka qarannimadana ka midho-dhaliyey dadka aqoonta iyo xirfadaha kala duwan ku hubaysan waxay u arkaan qaybta ugu muhiimsan bulshada, ee ay la’aanteed wax waliba qabyo noqonayaan. Dalalka qaarkood waxaba maanta ka jira wasaarado loo qoondeeyay miisaaniyad qorshaysan ama hay’ado u gaar ah dadkaas, oo waxtarkooda casrigan maanta ah loo yaqaanno “waxsoosaarka dadka”(Human Resources).

Mar kasta oo horumar iyo horukac ummadeed laga hadlayo dadyowga inaga aqoonta badani waxay xeeriyaan in lagu kala baxo aqoon iyo dadaal. Laakiin innaga waxa nafcigii inaga qaaday dhaqan-hoosaad la iska qabatimay, oo inta badan laba arrimood ku caan ah. Labadaa arrimood midda hore waa habka ay bulshadu mar isugu timaaddo, mar kalena ku kala irdhowdo oo ah habka tolaysiga. Arrinta kalena waa in aan la qiimayn meel walba cidda ku habboon, ee meel kastaba la isla taago qof aan waxba garanayn oo lagu doodo: “Hebelow ninkan wasaarad hebla ama halkaa noo gee, wax ha noo keenee!” Waxyaalahaasi waxay ka mid yihiin waxyaalaha caddaaladdii ay ahayd in aynu ilaashanno tumaatida ku noqday, waxqabadkeenniina hoos u dhigay.

“Ninkii af leh ayaa abaar ka baxa” murtida ah ayaa mararka qaarkood la soo qaataa. Aniguna waxaan odhan lahaa kuna dari lahaa: “Ciddii dhaqanka qarannimada iyo qiimaha ay aqoontu leedahay garata uun baa maanta mugdi ka bixi karta.” In aynu sidaa nidhaahnaa waa gar, waayo maanta adduunka la isuma tudho, oo bulshadii danteeda garan weyda quwado kale oo ka xoog roon ayaa warjeefaya, xaqeeda weydaarinaya, kabahana la dulmaraya!

Maqaalkani ma aha kii quwado kale ama wax la mid ah ka hadli lahaa, hase yeeshee waxa habboon inta aynaan halkan ka gudbin in aynu caddayno in aynu waxyaalaha aynu soo sheegnay oo dhan jiritaankooda wada qirayno, oo aan la isku diiddanayn. “Haddaba haddii ay arrini sidaas tahay maxaa wax looga qaban waayey?” ayey dadka qaarkood is weydiin karaan. Arrimo dhawra oo in wax laga qabto u baahnaa markii ay dadkeennu ku guuldarraysteen ayey ku maahmaaheen “Caado la gooyaa cadho Alle ayey leedahay”! Laakin kaasi waa marmarsiinyo aan macna lahayn, isla markaana aan inaga soconayn.

Qoraa weyn oo Shiv khera la yidhaahdo ayaa waxa uu qoray hadal uu macnihiisu u dhowaa: “In xalka la arko lana garto oo haddana lagu dhaqaaqi waayaa waa nasiibdarro weyn.” Waa run. Iska indha-tiridda dhibaatooyinku ma baabbi’iso jiritaankooda, ee waa ay sii badisaa.

Haddaba dhalinyarta wax baratay ama dadka kale ee aqoonta iyo hibada lehi waxa ay wax tari karaan oo keliya marka uu dadkoodu dhaqan-hoosaad kasta oo carqalad ah dhabaatadiisa garto, dhaqanka qarannimona u bislaado. Waynu is hafarnaa ee ilaa maanta cid xeerarka ama sharciyada innoo yaal u basil oo dhaqan caddaalad ah ku dhiirranaysaa ma jirto.

Haddii qiimaynta guud iyo caddaaladda loo bislaado aqoontu wax bay tari kartaa, waayo waxa yaraanaya leexleexadka iyo wax kasta oo aan daacadnimo ku salaysnayn. Waxa jira saddex erey oo ay aqoonyahannada maaddada maamulku ku tilmaameen “3-da E ee Maamulka” (3 E’th of Management). Sadexdaa erey waxay kala yihiin: “Waxbarasho” (Education), “Tamar Badan” (Excessive Energy) iyo “Waayo’aragnimo” (Experience). Waxay hoosta ku wataan tayooyin iyo kartiyo horumar kasta iyo waxqabad kasta oo la doonayo in lagu tallaabsado wax weyn ka tari kara. Laakiin waxay ka shaqeeyaan meelaha ay cilmiga iyo dhaqammada qarannimo ka jiraan, ee kama shaqayn karaan meelaha ay dhaqan-hoosaadyada dambeeyaa ka jiraan; meelahaas oo la iska socdo uun iyada oo aan xeer iyo nadaam midna la qiimaynayn.

Sunday, December 9, 2007

Wariyaha Qarannews ee Ceerigaabo oo Booqasho ku jooga Magaalada Hargaysa

Dec 09, 2007
Darwiish 07

Hargeysa(Qarannews) -Hadii aan in mudo ah idiinka soo waramaayay gobolka Sanaag maanta waxa aan warbixintan idiinka soo dirayaa gobolka Hargaysa, oo aan booqasho ku soo gaadhay, hadaba waxay ahayd dabayaaqadii bishii November 2006, xilligaas oo aan safar kooban ku imid magaaladan Hargeysa, muddadaas oo xilligan laga joogo hal sano oo markale aan safarkan ku imi caasimadda Somaliland ee Hargeysa, hadaba maxaa xasuus mudan ilaa xiligaasi.

Haddaba waxa xasuusteeda mudan muddadaas gaaban horumarka dhinacyada
badan ee aan la soo koobi karaynin ee ka muuqda magaalada caasimada ah ee Hargeysa

Hadii aan wax ka yara taab taabtana tusaale ahaan aan kasoo qaadano dhinacyada arrimaha bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada Nalka, Biyaha, Waddootinka iyo guud ahaanba nadaafadda iyo bilicda/hannaanka suuqyada waaweyn oo
dhammaantoodba marka loo eego xilligaas ay ka muuqato in si weyn loo
horumariyey, waxa wax lagu faano ah horumarka xaga waxbarashada heer hoose ilaa heer sare oo ay gaadhay magaalda Hargaysa hadaan soo qaadano waxbarashada hoose ilaa heer jaamacadeed, taasi oo ay si habsami leh isu garab socdaan waxbarashada ay dawladu maamusho iyo ta gaarka loo leeyahay oo labaduba maraaya heer aad u fiican ama wanaagsan.

Xaga caafimaadka ayaa waxa ku soo jiidanaaya isbadal laxaadleh oo ay gaadhay magaalda Hargaysa mudadaas iigu danbaysay iyada oo cisbatalka guud ee magaalada Hargaysa uu hadayahay mid ka weyn ama balaadhan kii aan anigu ogaa sanad ka hor marka laga hadlaayo xaga qalbka cisbatalku adeegsanaayo, oo ah qalab casri ah iyada oo dhowr qof mar qudhaata lagu fulin karo qalniino kala duwan maalintiiba, maamulka iyo hab u socotka caafimaadka caasimada ayaa si fiican oo xoogleh u soo kobcaayo iyada oo ay soo badanyaan cisbitaalada gaarka loo leeyahay ha noqdaan kuwa qalniinada ama kuwa lagaga umiliyo dumarka iyo guud ahaan goobaha caafimaadka ee magaalada oo ku firidhsan qaybaha kala gadisan ee magaalada..

Xagaa amniga ayaa ah mid soo jiidasho leh iyada oo ay ciidama booliska iyo kuwa amniga ee dharcaduba ay aad uga hawl galaan caasiamada ayaa la odhan karaa waa sababta keentay amniga lagu faanaayo ee ay haysato caasiamdu iyo guud ahaan dalka oo dhamiba, taasi oo ay garab socdaan shicibka reer Somaliland oo ah dad aad nabada iyo horumarka u jecli, dawlada hoose ee magaalda Hargaysa ayaad moodaa in ay dadaalkeeda sii laban laabtay ama xawaare xoogleh xiligan ku wada hawlaheeda kala gadisan ee ay ka wado magaalada marka la bar bardhigo xiligii iigu danbaysay, waxana la odhan karaa hadii dadaalka halkaasi laga sii wado waxa la gaadhi karaa horumarka la hiigsanaayo, oo ay inagaga dayan doonaan wadamo badan oo ku yaala qaarada Afriki, sidoo kale waxa magaalada camiraadeeda ka qayb qaatay madaarka weyn ee magaalada Hargaysa oo isagu si xawli ah u sii balaadhanaaya iyada oo sanad ka hor aan la adeegsan jirin habaynkii ayaa xiligan waxa habaynkii aad u soo dega diyaaradaha xamuulka ganacsiga sida iyo rakaaba, taasi oo Hargaysa ka dhigtay magaalo soo jeeda 24 saacdoodba oo ay iskala badalaan uun shaqaalahu, taasi oo aan amnigeedana aan looga cabsi qabin ama laga war warsanayn.

Xagga ganacsiga shirkadaha kala duwan iyo dhismayaalka gaarka loo
leeyahay iyo weliba bulshada gudaha caasimadda ku nool ayaa iyaguna
muddadan gaaban ee halka sano si weyn ugu soo kordhay caasimadda, iyada oo aan
la yaabay dhismayaal aad u quruxbadan oo kuwo lagu noolaado iyo kuwo ganacsi loo samaystayba ay ka buuxaan dhamaan daafaha magaalada, xiligan ayaa waxa aad u camiran suuqyda magaalda Hargaysa xiligan oo ay fooda inagu soo hayso cidii weynayd ee carafo, sidoo kale waxa aad iyo aad u camiran suuqa weyn ee sayalada xoolaha ee magaalada Hargaysa xiligani oo la odhan karo waxa si xawli ah u socda iibka xoolaha nool ee loo qaadaayo dhanka iyo dalka Suciidiga oo ay ayaamahanba u dhoofayeen xoolaha nooli taasi oo ay hada aad u camirantahay magaalda Hargaysa la odhan karo qayb laxaadleh ayay arintaasi lafteedu ka qaadatay, waxana la dareemayaa in dhaqaalaha Somaliland uu kor u soo kacaayo, taasi oo shilinka Somaliland uu si xawli leh kor ugu soo kacaayo marka loo eego xagii uu taagnaa bishii hore.

Taasi oo looga baahanyahay ganacsatada waaweyn iyo kuwa yar yariba in ay muujiyaan wada shaqayn buuxda oo ay yeeshaan iyo in loo naxariisto dadka danyarta ah oo loo soo dajiyo ama keeno maceeshad jaban iyada oo aan la isku tuur tuurin, dhanka kalana dadweyanaha caasimada marka aad kala sheekaysato koritaanka suuqa ganacsiga waxa ay kuu sheegayaan in ay Somaliland u baahntahay ganacsato waaweyn oo ka badan inta ahada wax soo dajisa madaama oo ayna iyagu kafayn karin suuqyada dalka oo dhan
Si kastaba ha ahaatee guud ahaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa
ayaa waxay u muuqataa mid uu ka jiro horumar soconaya oo dhinac
kastaba ah.

Isku soo wada duuboo magaalada Hargaysa waxa la odhan karaa waa magaalo buuxisay in ay noqoto caasimad ka mid ah caasiamdaha qaarada Afrika ama geeskaba, taasi oo lagu amaani karaayo shicibkeeda iyo dawladaba, waxana la gudboon dadweyanaha reer Somaliland ee ku nool magaalada Haragaysa ee ka kala yimid gaobolada kala gadisan ee dalka in ay sii laban laabaan dadaalkooda, sidoo kalena dawalda hoose ee la soo doortayna waa in ay iyana dadaalkeeda halkaasi ay haada taagantahay oo lagu faani karo ay ka sii laban laabto

C/laahi Xuseen Darwiish

Hargaysa Somaliland

Wakiilka Qarannews ee
Gobolka Sanaag.

Saturday, December 8, 2007

"Guddigii Qaran ee Loo Xilsaaray Arrimaha Sicir Bararka Haddii aanay keenin Jawaab waxay keeni doontaa Kacdoon"

“Guddigii Xukuumaddu u saartay Sicir-bararku haddii aanay keenin wax lagu qanco, waxay sababi doontaa kacdoon Shacbi”

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa walaac ka muujiyey suurtagalnimada Diiwaangelin lagu sameeyo Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka dalka ka dhici doona. Taas oo uu sheegay inaanay jirin Tallaabo laysku waafajinayo Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Go’aankii ay Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddiga Doorashooyinku isla gaadheen, ee ahaa in Doorashada dib loo dhigo ilaa bisha June ee sanadka cusub ee 2008. Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in haddii aanay guddigii ka talo-bixinta Maceeshadda kacday ee M/weynuhu u xilsaaray aanay keenin wax lagu qanco ay horseedi karto kacdoon Shacbi.

Guddoomiyaha ayaa Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray kaga hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin, Sici-bararka Maciishadda dalka, Iswaafajinta Doorashada Golaha Deegaanka iyo Go’aankii Axsaabta iyo Komishanku isla gaadheen, taageero dhawaaqa ka soo yeedhay Pentagon-ka Maraykanka IWM.

Guddoomiyaha UCID mar uu ka hadlayay arrinta amarka Xukuumaddu ku soo rogtay Suxufiyiina reer Muqdisho wuxuu yidhi, “Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu ka xun yahay amarka uu soo saaray taliyaha ciidanka booliska Somaliland ee lagu mustaafurinayo 24 Suxufi oo reer Somalia ah nabad gelyo awgeedna u joogay dalka Somaliland, kana soo qaxay Soomaaliyada dagaaladu aafeeyeen soona maciin biday nabad gelyada Somaliland. Hadaba iyada oo xukuumaddu u xil saaran tahay amniga dalka, may ahayn wadar ciqaabeed in ay sameyso (collective punishment), ee waxa ay ahayd marka ay xaqiijiso fal-danbiyeedka in ay ku qaado cidii geeysatay mar siisana waxay mudanyihiin inta falka geeysatay.” Ayuu ydihi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Guddoomiyuhu, “Waxa aanu ka codsanaynaa Hay’adaha caalamiga sida UNHCR-ta in ay aqoonsadaan dadka qaxoontiga ah ee ka soo bara kacay Somaliyada dagaalku aafeeyey culayskan ay ka qaadaan dawlada Somaliland. Arintaas waxay keeni kartaa sumcad xumo iyo magac dil Jamhuuriyadda Somaliland oo ka timaada dhinaca xuquuqa insaanka. Waxa kale oo aan qabnaa in ay yihiin suxufiyintaasi dad qaxoontiya oo ay ahayd in la dhawro xuquuqda qaxoontinimo iyo ixtiraamkeeda.”

Mar uu Guddoomiyuhu a hadlayay arrinta Doorashooyinka Somaliland, ayaa waxa walaac ka muujiyey siday isu waafaqayaan go’aankii ay wada jirka u soo saareen Komishanka iyo Axsaabta Qaranku ee ku saabsanaa dib-u-dhigista Doorashada Golaha Deegaanka iyo waqtiga hadhay. “Sida la wada ogsoon yahay waxa wakhtigii hore ee loo qabtay doorashooyinka ka hadhsan maalmo fara-ku-tiris ah, waxayna seddexda xisbi iyo Komishanka qaranku ku heshiiyeen in la sameeyo diiwaan-gelin, loona raro doorashadaa deegaanada Bisha Juun ee 2008. Ilaa hada majirto talaabo laga qaatay sidii loo waafajin lahaa sharciga wax heer ah oo qeexayaana ma jiro.” Ayuu yidhi.

Dhinaca maceeshadda kacday iyo sicir-bararka jira mar uu ka hadlayay ayaa waxa uu Eng. Faysal Cali Waraabe yidhi, “Waxa bilihii u danbeeyey ee sanadkan dhacay sicir-barar ku yimi maceeshadii daruuriga ahayd iyo hoos u dhac ku yimi qiimihii Dollarka, halkaas oo dadkii badnaa ee debadda eheledoodu ka soo masruufi jirtay ahaana dabaqaddii ugu ladnayd dadka ee la majeeran jiray, oo iyaguna ku soo siibteen dabaqadii hoose. Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu walaac ka muujinayaa xaaladaa qalafsan ee shacbiga reer Somaliland galay. Gudida xukuumadu u magacawday in ay ka soo talabixiyaan sicir-bararka maceeshada ku dhacay oo hadii aanay wax la taaban karo ka qabanin xalka dhibaatadaas in ay keeni karto kacdoon shacbi iyo nabadgelyo xumo.”

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay arigtadooda Xisbi ahaan ku wajahan dhawaaqa ka soo yeedhay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland. Waxaanu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay ka faa’iidaysato. “Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu si xoogan u taageerayaa una soo dhaweeynayaa dhawaaqii ka soo baxay Pentagon ee ahaa in ay dawlada maraynkanku ictiraafto gooni isutaaga Somaliland. Waxaanu dawlada Somaliland ku boorinaynaa in ay ka faa’iidaysato niyad wanaaga dawlada Maraynka lana timaado dedaal iyo siyaasadii ay ku hanan lahayd kalsoonida bulshada caalamka…Waxa aanu ugu baaqanaa dawladaha reer galbeedka in ay raacaan dariiqaa dawlada Maraykan (Pentagon).

Golaha wakiilada iyo Xeerka Shaqaalaha

Wakiilada iyo Doodda Xeerka Shaqaalaha Somaliland

“Qofka Shaqaalaha ahi waa in waqtiga uu shaqeynayaa ay noqotaa 6 Saacadood”
Xildhibaan Nac-nac

Hargeysa (Ogaal)- Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa lagaga dooday Xeerka Shaqada iyo Shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland, kaas oo ay Guddida arrimaha bulshada ee Goluhu hore u soo hordhigeen mudanayaasha, isla markaan la siiyay muddo dhawr maalmood ahayd si ay wax-kabedelid iyo kaabis ugu sameeyaan.

Fadhigaas oo uu gudoominayay Guddoomiyaha Golahu Md. Cabdi-raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa ahaa fadhi aad u xasiloon, isla markaana ay ka soo qayb-galeen xubno ka socday ururada xuquuqda Aadamaha u dooda iyo garyaqaano ka socday Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA, si ay u indho-indheeyaan habsami u socodka dooda Xeerkan, oo ah mid qaybaha bulshada rayidka ah ee shaqeeyaa si wayn u soo dhawaynayaan.

Xeerkan oo doodiisu si rasmi ah ay shalay u guda galeen Mudanayaasha Goluhu, waxa ugu horeyn dooddiisa ka dhiibtay Xildhibaan Axmed Maxamed Diirye (Nacnac), oo ku dooday in Xeerkan wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo, si la isugu dheeli-tiro buu yidhi, xaqa looga baahan yahay in la siiyo shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, isla markaan aanu noqon mid culays dhinac gaar ah lagu saarayo. Qoddobada uu Xildhibaanku soo jeediyay in wax-ka-bedel lagu sameeyo isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi, “Qoddobka sadexaad ee xeerkan waxa ku jira in qofka AIDS-ka qaba loo ogol yahay inuu shaqeeyo. Waxaan qabaa meelaha qaarkood inaanu ka shaqayn, sida meelaha caafimaadka, meelaha Hudheelada ah ee laga cunteeyo” ayuu yidhi Xildhibaanku. Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in qof kasta oo goobaha noocaas oo kale ah ka shaqaynaya la baadho Caafimaadkiisa. “Markaa waa in dhamaan caafimaadkiisa la soo hubiyaa, qofka ka shaqaynaya meelaha caynkaas oo kale ah. iyada oo uu kharashka qofka loo shaqeeyaha ahi qabo, ee aanu bixinin miskiinka shaqaalaha ahi.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac. Waxaa kale oo uu soo jeediyay in wakhtiga qofku shaqaynayo la cayimo, lagana dhigo 6-saacadood oo uu caadi u shaqaysto iyo 2-saacadood oo uu qofku dheeri shaqaysto haduu isagu rabo. “Qofka Shaqaalaha ahi Aalad maaha, waxan soo jeedinayaa halka aad 8-da saacadod ka tidhaahdeen waqtiyada uu shaqayno, in waqtiga caadiga ah ee uu shaqeeyaa ay noqoto 6 saacadood iyo 2 saacadood oo waqti dheeri ahi, oo qofkii doonaa uu shaqeeyo.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Sidoo kale waxa isna doodaasi ka qayb-qaatay Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel, oo sheegay in uu Xeerkani yahay mid aad loogu baahnaa, oo aan dalka hore uga jirin, isla markaana uu wax badan u tari doono dad badan oo uu sheegay inay ku dulmanaayeen goobaha laga shaqeeyo. Sidoo kalana waxa uu ku dooday in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo, lagana baaraan dago Ansixnta xeerkan, maadaama uu yahay mid aad loogu baahan yahay. “Waxaan soo jeedin lahaa in qodobka 5aad ee xeerkan lagu daro farqad xadidaysa tacadiyada loo gaysto qofka shaqaalaha ah. Iyo in marka la baadho dhibaatada ku dhacday hadii ay tahay mid dhaqaale iyo hadii kale-ba cawil-celin loo sameeyo (xaq loo celiyo) in lagu daro ayaan qabaa.” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariin, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Ta la yidhi Kormeerayaasha shaqadu waxay gali karaan goobaha shaqada bilaa warqad, bilaa waaran. Waxaan qabaa in ay taasi keenayso iska hor-imaad, hadii aan xaalad deg-deg ahi jirin, waxaan odhan lahaa warqad ha loo sameeyo, oo ha la wargaliyo Hay’ada shaqo ee loo tagayo, hadii ay tahay Hay’ad Ajanabi ah waxay u arki kartaa qaflad iyo tigtaatooriyad. Markaa wax ha laga bedalo ayaan leeyahay.” Ayuu yidhi

Waxa isna doodiisa ka dhiibtay fadhigaas Xildhibaan Cali X. Maxamed Muuse, oo isagu soo jeediyay in aan lagu deg-degin ansixinta Xeerkan, Mudanayaashuna aad uga fiirsadaan doodiisa, si uu xeerkani u noqdo mid u caddaalad sameeya qofka shaqaalaha ah iyo qofka loo shaqeeyaha ah, laguna daro xeerka dadka aan iyagu u shaqayn sida joogtada ah. “Waxa loo baahan yahay in la sameeyo xafiisyo qiimeeya qofka xaaladiisa caafimaad iyo da’eed, isla markaana waa inaynu samayno sharci qofka siinaya in uu qaato nasasho (Pation) mid caafimaad iyo mid da’eed labada, oo uu xaq heli karo.” Ayuu yidhi Xildhibaanku. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Qodobka labaad, farqada 1-4 oo odhanaysa goobaha shaqo ee gaarka loo leeyahay ee ay ka shaqeeyaan shaqaale ka badan 10 qof oo muddo sadex biloodoo xidhiidh ah shaqeeyay ayaa xaq helaya, waan ka yarayn lahaa oo waxaan odhan lahaa 5 qof, oo waxa laga yaabaa in shaqo 10 qof ka shaqeeyeen ee ay xuquuqda ku helayaan in ay mid la mid ah shan qof ka shaqeeyaan. Waxaana ku jirta shaqaalaha ka shaqeeya Badda iyo gaadiidka cirka xeerkan lagu dhaqi maayo iyo ciyaartoyga. Markaa waxaan leeyahay ha lagu daro iyagana.” Sidaa ayuu yidhi, Xildhibaan Cali Xaaji. Xeerkan ayaa doodiisu sii socon doontaa maalmaha fooda inagu soo haya hadii Alle yidhaa.

Ogaal News

Thursday, December 6, 2007

Prof. Ismaaciil Mumin Aar oo ku baaqay in Socod Nabad galyo ah Lagu tago Jeelka Mandheera

Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo ku baaqay dadka ugu baaqay inay sameeyaan Socod Nabadgelyo oo ay ku tagaan Jeelka Mandheera

December 6th, 2007 [News] |

Porf. Ismaaciil MuminHargeysa (Somaliland.org) - Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo dhowaan ku biiray xisbiga KULMIYE, isla markaana doonaya inuu isu taago musharraxa Madaxweynekuxigeenka Xisbigaas doorashada soo socota ee Madaxtooyada ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay u soo baxaan “socod nabadeed” (Peace Match) maalinta Ciidda Carrafo, kaas oo ay ku tegayaan Jeelka Mandheera, isla markaana ay ku muujinayaan dareenkooda sida ay uga soo horjeedaan xadhiga siyaasiyiintaas.

Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo maanta saxaafadda kula hadlayey Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Riyaale dhegaha ka furaysatay dhammaan baaqyadii, talooyinkii iyo tilmaamihii gudaha iyo dibaddaba looga soo jeediyey ee lagaga dalbanayey siideynta siyaasiyiinta ururka Qaranka iyo inay joojiso xadgudubyada xuquuqda Aadamaha ee waxyeelaynaya sumcadda Somaliland dunida ay aqoonsiga ka doonayso kaga kasbatay dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada ay hirgelisey, isla markaana ay ka weecatay nidaamkii wada-tashiga, sharciyadda iyo dimuqraadiyadda ahaa ee dadka reer Somaliland ku heshiiyeen, qarankana ku dhisteen.

Sidaa darteed, waxa uu sheegay in aanay hadhin wax kale oo aan ahayn in dadku si ficil ah oo nabadgelyo ah ay dareenkooda u muujiyaan.

“Waxaan leenahay waar Somaliland waxay sugayso garan mayno. Saaka baaq baan idiin soo jeedinaynaa,” ayuu yidhi Prof. Ismaaciil Muumin Aar.

“Anigoo ah Ismaaciil Muumin Aar, waxaan walaalahayow idiin soo jeedinayaa. Waxaan idin leeyahay maalinta Ciidda ha laga baxo magaalada Hargeysa, socod nabadeed ha loo baxo ilaa Mandheera ‘Peace Match’ ha loo baxo, ka kaca walaalayaal,” ayuu raaciyey.

Prof. Ismaaciil Mumin, Xubno la socday“Maalinta Ciidda haddii Eebbo idmo oo nimankaa la siideyn waayo Socod nabadeed ha loo baxo. Sidaa keliya uun baa hadhay, wax kale ma hadhin, maalinta Ciidda isaga (Madaxweyne Riyaale) iyo Bisaaska oo keliya magaalada ha looga tago,” ayuu yidhi.

Prof. Ismaaciil Muumin, isaga oo sababaynaya codsigiisa uu shacbiga ugu baaqayo inay socdaal nabadeed u soo baxaan ciidda, waxa uu sheegay in siyaasiyiinta ururka Qaran oo uu tilmaamay in si sharcidarro ah loo xidhay, geed hoostiina loogu xukumay ay weli xidhan yihiin, shacbiga Somaliland-na ay sameeyeen wax kasta, balse, laga hoos qaadi waayey, xukuumadduna ay ku sii socoto ku tumashada sharciga iyo tacaddiga xuquuqda muwaaddiniinta.

Waxana uu sheegay in tallaabooyinkaa guracan ee xukuumadda ay ugu dambeysey, go’aan xukuumaddu si uga horjoogsatey isaga iyo odayaal uu horkacayey booqasho ay doonayeen inay ugu tagaan siyaasiyiinta ururka Qaran ee ku xidhan Jeelka Mandheera.

Prof. Ismaaciil Muumin, waxa uu sheegay in isaga iyo xubno kale oo isugu jira odayaal iyo aqoonyahanno reer Awdal ahi ay codsadeen inay booqasho ugu tagaan siyaasiyiinta ku xidhan jeelka Mandheera, isla markaana ay Taliska Ciidanka Asluubta u gudbiyeen liiska magacyada dadka booqanaya oo tiradoodu dhammayd ilaa 8 qof. Waxana uu sheegay in markii saddex maalmood ay ku noqnoqonayeen Xafiiska Taliyaha Ciidanka Asluubta, isla markaana loo ogolaaday 5 qof keliya inay ku tagaan, aakhirkii shalay markii ay u soo diyaargaroobeen socdaalka loo sheegay in la soo diidey codsigooda.

Waxa uu sheegay Prof. Ismaaciil sarkaal joogey xafiiska taliyaha oo diyaarinayey warqadda ogolaanshuhu oo ay shalay u ballansanaayeen in la siiyo uu u sheegay in warqaddii uu qaatay taliyuhu, kadibna ay ogaadeen in magacyadoodii lagu hayey meelo kale. Waxana uu muujiyey in amarka loogu diidey booqashada Mandheera uu ka yimi dhinaca Madaxtooyada.

Waxa kale oo uu xusay inqilaabkii xukuumaddu xoogga kula wareegtey xafiiskii Dalladda Iskuxidhka Ururrada Xuquuqul Insaanka ee SHURONET iyo go’aanka iminka xukuumaddu dalka kaga musaafurinayso 23 suxufiyiin ah oo ka soo firdhaday dagaalada iyo qalalaasaha ka socda magaalada Muqdisho, isla markaana soo magangalay Somaliland, kuwaas oo uu sheegay in dhammaantood ay yihiin xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo nidaamka iyo sharciyada Somaliland.

Prof. Ismaaciil Muumin, waxa uu shacbiga Somaliland ka codsaday inay taageeraan baaqiisa, isla markaana maalinta ciidda dadku u baxaan dhinaca Mandheera, isaga oo xusay in dadka baabuurta wata oo keliya haddii sidaa yeelaan ay baabuurtu is qabsan doonto Hargeysa ilaa Mandheera. Waxana uu sheegay in tallaabada noocan ahi ay tahay xaq dastuurku siiyey shacbiga Somaliland oo wax u diidayaa aanay jirin.

“Wax kale oo aynu shucuurteenna ku cabirnaa ma hadhine … si tartiib ah oo nabadgelyo ah aynu dareenkeenna u cabirno inaynu ka xun nahay walaaladeen inay halkaa ku jiraan,” ayuu yidhi Prof. Ismaaciil Muumin.

Xubnaha ku weheliyey Ismaaciil Muumin Aar booqashada xukuumaddu is hortaagtey ee Jeelka Mandheera waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, mudane Axmed Xuseen Oomane.

Lama garanayo sababta loogu diidey Ismaaciil Muumin iyo xubnaha la socdey, iyada oo aanay jirin badiyaa cid loo diido booqashada siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran, kadib marka ay codsigooda u gudbiyaan Taliska Ciidanka Asluubta oo isagu aan ku xidhin wax shuruud ah, marka laga reebo tirada dadka loo ogol yahay in booqdaan oo ay xaddidaan.

Hase yeeshee, Cabdiraxmaan Maxamed Warsame oo shirkaa jaraa’id ku weheliyey Prof. Ismaaciil, ayaa isagu sheegay in sababta loogu diidey booqashada siyaasiyiinta xidhan ay tahay reernimo, isaga oo xusay in Taliyaha ay ugu muuqatay wax lama filaan in Ismaaciil Muumin iyo xubnaha la socdey oo badidoodu ka soo jeeda beesha deegaanka Dila ay doonayaan inay booqdaan siyaasiyiintaas ama ay ku biireen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

“Annagu sidaa aanu u caddaysanay, Xisbiga KULMIYE ayaanu nahay, wixii ummadda Somaliland leedahayna waanu leenahay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org,
Hargeysa.

Tuesday, December 4, 2007

In Praise Of Somaliland A Beacon of Hope in the Horn of Africa

Print E-mail
Written by Hormoodnews
Tuesday, 04 December 2007

ImageWe should push the Commonwealth and the European Union to recognise Somaliland as an independent, sovereign state; and lobby the African Union, the Arab League and the United Nations to do likewise. A modest increase in British and EU aid and trade would go a long way to strengthen Somaliland’s economic base. Tackling poverty and unemployment, and improving health, education and housing, would help underpin and enhance Somaliland’s development as a beacon in the region.

THIS year’s civil war in Somalia has killed thousands of people and created over half a million refugees. Democracy, the rule of law and respect for human rights are almost non-existent in Mogadishu, where war, banditry, corruption, hunger, illiteracy, disease and unemployment are the norm. Somalia is a failed state that has failed its people.

In contrast, the north-west breakaway region of the Republic of Somaliland is an oasis of peace, stability and progress in the Horn of Africa. Imperfect, but moving in the right direction, in May this year the country celebrated its sixteenth anniversary of independence.

Against all odds, and with little international recognition or aid, the three million people of Somaliland have – largely by their own efforts – begun to establish a secure, functioning democratic state and a fair degree of economic stability and growth. This is a truly remarkable achievement in a region of Africa that has long been a byword for chaos, repression and war.

Somaliland, a former British Protectorate, gained independence in 1960 and became the first free Somali nation to join the United Nations.

In a unity move that most Somalilanders now deeply regret, the country joined with the former Italian protectorate to the south to form the Republic of Somalia.

Over the last decade and a half, the predominantly Muslim nation has made the transition from an autocratic clan-based society, notorious for its poor governance, conflict and human rights abuses, to a peaceful and progressive multi-party democracy.

A referendum in 2001 led to the adoption of a new constitution. Since then, Somalilanders have held successful elections for President, the House of Representatives and local government. While Somalia has not had a free election since the 1960s, Somaliland has held three mandates since the turn of the millennium, each of which has been declared free and fair by international election observers.

In contrast to the intestinal conflicts that bedevil Somalia and many other African nations, Somaliland has found a way to negotiate and resolve these rivalries peacefully. It has bought previously hostile clans together in a pluralistic system that minimises conflict by incorporating the clan elders into the advisory upper house.

Somalilanders have achieved an enviable peace, progressively disarming and demobilising thousands of gunmen, while in Somalia militias still run amok, looting, extorting and terrorising the local population. Many of Somaliland’s former clan fighters have also been successfully incorporated into the disciplined national army. And unlike many of her neighbours, the armed forces stay out of politics.

Moreover, Somaliland is country committed to the rule of law, upheld by an independent judiciary. Discrimina-tion on the grounds of ethnicity, gender or opinion is prohibited, and human rights abuses, such as torture, are criminal offences. The right to protest is protected by law.

Somaliland is not yet a fully-fledged democracy, and its unwavering observance of human rights is still a long way off. Somaliland has a multi-party system but only three political parties are allowed under the constitution. Islam is the state religion, and while non-Islamic faiths are tolerated, their promotion is prohibited. Muslims are not permitted to renounce Islam, and the legal system is based on Sharia law. Although rarely enforced with harshness, this does nevertheless place inherent restrictions of the rights of women. The female sex is poorly represented in public life and state institutions, although the constitution does give women the right to employment training and property ownership. Government corruption and inefficiency are not as bad as in many other African nations, but they remain a problem according to critics of the regime.

Somaliland’s significantly improved record on human rights suffered a setback earlier this year with the arrest of four journalists from the independent newspaper Haatuf. They were only released at the end of March, after being detained for 86 days on charges of allegedly spreading false information and offending the President. This worrying abuse of press freedom was, however, an exceptional curtailment of what is nowadays a fairly open and free media.

Despite these flaws, Somalilanders have demonstrated, without any pressure from the West, that a Muslim country can build a peaceful, democratic state committed to upholding human rights. It is a model for Africa and the Middle East.

Yet Somaliland remains unrecognised as a sovereign nation. While the United Nations and the international community focus their attention on the civil war in Somalia, Somaliland’s achievement in building a stable, harmonious nation is unacknowledged and unrewarded. Betrayed by the Arab League and the African Union, it stands alone.

Instead of singularly condemning Africa’s failures, isn’t it time the West did more to recognise and support its successes?

Sweden and Germany are moving towards diplomatic recognition, but not Britain. Somaliland wants to join the Commonwealth but has so far been rebuffed. This rejection sends all the wrong signals.

It is time Britain changed course. We should push the Commonwealth and the European Union to recognise Somaliland as an independent, sovereign state; and lobby the African Union, the Arab League and the United Nations to do likewise. A modest increase in British and EU aid and trade would go a long way to strengthen Somaliland’s economic base. Tackling poverty and unemployment, and improving health, education and housing, would help underpin and enhance Somaliland’s development as a beacon in the region. Over to you, Gordon Brown.

by Peter Tatchell

Source-Liberal

Monday, December 3, 2007

QODAALKA IYO QAAYIHIISA

Qodaalka iyo Qaayahiis (Part II) - By Dr. Suleiman Walhad

Waxa aynu wadnaa warkeenii; Wacyi gelinta ahaa iyo waanada - Waa warkii wax istara lahaa oo isweytaansha - Waa waaxdii dambe eee qodaalka ka warramaysay - Waa godadle sidii kuwii hore.
Godka Koobiytobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Dadku isku wada awood maaha.2. Beeruhuna isku wada itaal maaha.3. Ciida iyo biyaha ayay ku kala wanaagsan yihiin iyo waxyaabo kale.4. Sidaa awgeed, qof iyo beer iyo degmo waliba;5. Waxa ay ku fiican yihiin waa in ay abuuraan.6. Meel garowga ku haboon geed kale waa in laga beerin.7. Waxa aan ognahay, idina aad ogtihiin;8. Fawaakih badani in dhulkeena ay ka bixi karaan.9. Zetuunka oo kale doox ayuunbay la raadsadaan;10. Isaga oo ka bixi kara meelo kale.11. Tufaax, canbaruud iyo cananis iyo geedo kale;12. Ayaa dhulkeena ka bixi kara.
Godka Labiyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Qofku haddusan beertiisa qodan Karin;2. Miyuu ka kireeyo qof kale;3. Hadhawto la wadaago baxaal wixii ka soo baxa.4. Heshiis sidaa uu ku la galo.5. Dadbaa iyagu aan ku noolayn baxaalka beerahooga.6. Biilkooga meelo kale ayaa ay ka helaan.7. Kuwani qodaal ganacsi maxaa ay u abuuri waayeen?8. Qodaal ganacsi waxa uu u baahan yahay in aad looga fiirsado.9. Waxa ala beeraayo, kharashka uu ku kacaayo, sida suuqa loo geeyo;10. Dakhliga iibgaynta laga filayo, iyo waxyaabo kale.11. Suuqaqa innagu dhaw miyaa diraasad lagu sameeyo!12. Wadaagyo suuqeyn miyaa la abuuro!13. Wadaagyo baxaalka iibsada oo dibada u iibgeeya miyaa la sameeyo!14. farsamooyin badan oo kalaa jiree fiiro ha loo yeesho.
Godka Saddexiyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Suuqeyntu todoba tallaabo ayay ka kooban tahay; Dugsiiye weydiiya.2. Marka hore waxa la go’aansadaa waxa la beeraayo, ma garawbaa, ma tukhunbaa, ma gallaybaa, ma sareenbaa, ma zeytuunbaa, ma khudaarbaa, mise waa fawaakih kale.3. Marka xiga waxa war laga helaa suuqa la tiigsanayo, sida masalan, cida iibsan karta iyo qiimaha ka jira suuqa.4. Marka xiga waa in aqoon buuxda loo leeyahay waxa la beeraayo.5. Marka xiga waa in laga warqabo qiimaha la filayo in uu baxaalku ku iib galo iyo waxa uu kugu kacayo.6. Marka xiga waa in lagu tala galaa sida suuqa baxaalka loo geynaayo.7. Marka xiga qorshaha loo dejiyay waa in laga leexleexan oo lagu dhegenaado.8. Marka xiga qorshaha waa inaad dib loo qiimeeyo, waxa ka fullay, halkay dhibi ka timi iyo sida loo beddeli karo.9. Suuqeyntu waa aqoon gaara oo qayb kale oo waanooyinkana ayaynu ku abaari.
Godka Afariyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Hadduusan beerwale kelidii qorshihiisa fulin Karin, sida ceelqodista iyo wixii la mida, waxa talo ku fiican tahay, in la isku guuso sidii dhaqanka innoo ahayd.2. Waxa kale oo la yeeli karaa, in dhawrkii beeroodba ceel ama ballay ay wada qottaan oo ay wadaagaan.3. Beeralaydu waxa ay samaysan karaan urur danahooda ay ku ilaaliyaan.4. Ururku waxa u noqon karaa meel ay aqoonta ay isku weydaarsadaan.5. waxa uu noqon karaa afhayeenkooda kolba awoodihii jira danahooga kala hadla.6. Ururka degmo degmo ayaa loo dhisi karaa;7. Baki noqotayaa, Xaliimaale ama Qalooc, amase Weeraar iyo wixii la mida. 8. Ururada degmooyinka ayaa urur u dhexeeya samaysan kara oo qodaal oo dhan masala.
Godka Shaniyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Qodaalku ma aha mid midho beeris ku kooban.2. Qodaalka xoolo-dhaq ayaa ku jiri kara.3. Waxa ay nala tahay in la isku dhexwadi karo.4. Sidas waxa ku kordhi waxsoosaarka guud.5. Waxa beerta lagu dhiqi karaa lo’, geel, digaag iyo xattaa adhi.6. Digada ka dhalata, waxa loo isticmaali karaa ciid-wanaajiye.7. Xoolaha oo la xidho, caano-badis iyo naaxdin ayaa ay kordhisaa.8. Way ka sad roon yihiin kuwa lala guurguuro ee aan salka lahayn.
Godka Lixiyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Maamulada beeruhu waa in ay ka gudbaan in ay noqdaan xafiisyo siyaasadeed.2. Waa inay ogaadaan in ay yihiin xafiisyo farsamo oo ku mashquula horumarka qodaalka.3. Maamulku waa in uu gargaarsado Kulliyadaha Qodaalka sida Camuud.4. Kulliyad Qodaal oo waliba waa in ay abuurto shaybaar qodaal.5. Waxa la abuuri karaa xarun shinida lagu kaydsho.6. waxa la abuuri karaa beero carbisa oo lagu tijaabiyo midho wixii dhulka ka bixi kara.
Godka Todobaiyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Maamulka beeruhu waa inuusan noqon meelo kontrool ee uu ahaado adeege.2. Waa inuu dejiyaa xeerarka qodaalka, heshiisyada beero lagu kala iibsan karo ama lagu kala kiraysan karo iyo wixii danta guud ee qodaalka ah.3. Aqoonyahannada qodaalku waa inaysan noqon kuwa ku kooban buugagii ay wax ku dhigteen.4. Waxa aan weydiin lahayn, masalan, maxaa uu xiggu uga hirgeli waayay dhulkeena? Waxa laga sameeyaa xadhko iyo xatta qadiifado ama barkimooyin iyo wixii la mida.5. Maxaa dacarta beeristeeda loo kordhin waayay? Waxa aan ognahay in dawooyin badan laga sameeyo dacarta iyo kiriimo.6. Maxaa ay tujaarteena u tusi waayeen in laga ganacsan karo dacarta, xiga iyo geedo kale oo badan?7. Morohdii iyo geedihii kale ee ay isticmaali jiray dadkeenu maxaa in la beero noo diiday?
Waxa aan ku soo koobayaa tidican:
Ayaanan lagu niyad jebin indho-sarcaadka waxyaabaha dibadda innooga yimaada.
Sideena ayuunbaa loogu dhididaa, waxa aan hayno.
Qasacado iyo caagag iyo kiishah balaastika ah ayaa la innogu soo guraa.
Farsomooyinkoodii hore ayuunbay hayaan oo wax ku dareen.
Innaguna, kuweenii haddii aan sii hayno oo aynu wax ku kordhino, qurxin iyo fiiro, horumar kale innagama dhinnaadeen.
Waxa aan leenahay, sidaa wax uma adkee, ayaan la niyad jabin. Ficilka bal la yimaada. Dadyohow, horumarku gacantiina ayaa u ku jiraa. Ha ku wareerina qolo iyo siyaasad iyo wax awalba innala hadhay; qayrkeena innaga reebay. Dadkii raba in ay hore u socdaan, ma wahsadaan, kumana mashquulaan wax dan u ahayn.
Dr. Suleiman Ahmed Walhad
Email: walhad@taicobu.com