Sunday, February 24, 2008

Dhulkii Awliyada,Dayaca Hadheeyay,Khayraadka Ku Duugan,Dareen La'aanta Xukuumadda Iyo Damanaanta Dadweynaha.










Warbixin:-Liban M.Shire

Dhulkii Awliyada,Dayaca Hadheeyay,Khayraadka Ku Duugan,Dareen La'aanta Xukuumadda Iyo Damanaanta Dadweynaha. Warbixin:-Liban M.Shire
Warbixin:-Liban M.Shire Suxufi Madax Banaan.
Gobolka Sanaag waa gobolka ugu balaadhan gobolada Jamhuuriyada Somaliland,waana gobolka ugu xeebta dheer gobolada dalka,isla markaana leh deegaan ka kooban buuraley ay ka mid tahay buurta ugu jooga dheer dhulweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya,dhul beereed iyo dhul daaqsimeed aad u baaxad weyn.
Waa gobol hodon ku ah ama leh khayraad dabiici ah sida xoolaha nool iyo geedka loo yaqaan beeyada,labadaas oo ah khayraadka dabiiciga ah ee ay sida weyn ugu naaloodaan dadka reer Somaliland gaar ahaana dadka reer Sanaag.
Marka laga tago hor dhaca warbixintaa gobolka Sanaag waxay ahayd 8-dii bishan labaad ee sanadkan 2008-dii markii aanu socdaal qaatay muddo sagaal maalmood ah aanu kaga baqoolnay caasimada Hargeysa aniga iyo laba oday oo ka mid ah qurbo jooga reer Somaliland ee ku dhaqan waqooyiga Ameerika kuwaas oo kala ah Cali/Khadar Xasan Cismaan oo lagu naanayso Cali Kubad iyo Maxamed Bootaan Wacays anagoo u sii jeedna gobolka sanaag.
Waa gobol go'doon ka ah dhinac walba gobolada kale ee Somaliland haday tahay xaga wadooyinka iyo adeegyada kale ee arimaha bulshada, ma laha wadooyin tusaale ahaan marka looga leexdo dhinaca gobolka Sanaag tuulada ina Af-Madoobe ee gobolka Togdheer ee laamigu uu maro waxaad ku dhacaysaa jid cade dhererkiisu gaadhayo ilaa 30-KM,jid cadahaas oo ah mid aad u rafaad badan waxa ku dhawaaqay dhismihiisa M/weyne Riyaale in wado loo sameeyo gobolka Sanaag ka dib socdaal uu ku tagay dabayaaqadii sanadkii 2002-dii wax yar ka dib markii uu M/weyne Riyaale kursiga ku fadhiistay ama wax yar ka dib geeridii M/weynihii hore Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,hase yeeshee dhawaaqaasi M/weyne Riyaale ma noqon mid taaba gala ilaa hada isla markaana lama oga meel ay ku dambeysay qaadhaankii lacageed ee dhawrka miisaaniyadood xukuumadu ugu dartay iyo kuwii loogu yaboohay wadadaasi loo qoondeeyay in loo sameeyo gobolka sanaag,waxayna wadadaasi ku dambeysay faro farayn yar ka dib xilliyadii doorashooyinka goob la iska ilaawo,taaso dhibaato adag ay kala kulmaan in badan oo socoto ahi.
Marka laga yimaado jid cadahaas wadada gobol sanaag gaar ahaana xarunta gobolkaasi waxa loo sii mara wado adag oo qiyaas dhan ilaa ku dhowaad 400-KM u jirta laamiga.
Xaga arimaha bulshada sida waxbarashada iyo Caafimaadka waa gobol aad uga dambeeya dalka intiisa kale ma laha gobo caafimaad oo si taabo gal ah uga hawlgala inta badan deegmooyinka galbeedka iyo waqooyiga gobolka Sanaag marka laga yimaado cisbitaalka magaalada ceergaabo oo isagana aanu jirin dhakhaatiir ka hawl gasha,kaasoo dhawaan ay taageero dhaqaale oo ay u soo ururiyeen qurbo jooga reer Somaliland gaar ahaan kuwa gobolka sanaag lagu dhaqaajiyay isla markaana guddi reer sanaag ah ay iskood isu xilqaameen dhaqaajinta adeegyada cisbitaalka magaalada Ceergaabo, kama jiraan MCH-yo iyo adeegyo kale oo caafimaad waxaana tusaale la taaban karo ah degmada ceel-Afweyn oo ah degmo qadiimi ah malaha cisbitaal isla markaana ma jiro MCH- ka hawl gala sababtoo ah wuu ku yaala dhisme MCH loogu talo galay oo dhiskiisu aanu waxba qabin laakiin waxa la ii cadeeyay in dhismahaa loogu talo galay MCH-ka uu degan yahay nin iyo qoyskiisa mudo dhawr iyo taban sano ah kaas oo u dhashay degmada Cel-Afweyn waxayna dadka reer sanaag adeeg caafimaad u soo doontaa gobolada galbeedka Somaliland iyo dhinaca magaalada boosaaso ee maamul-goboleedka Putland ee Somaliya.
Waxaanay arintaasi dhibaato culus ku tahay boqolaad bukaan socod iyo bukaan jiif ah oo ka soo jeeda deegaamada gobolka Sanaag.
Dhinaca waxbarashada waa kala mid xaga caafimaadka hadii laga tegi waayo waxa degmooyinka waaweyn ka jira iskuulo ay qaadhaan dhaqaale ka geystaan dadka deegaamadu,hase yeeshee ma jiraan iskuulo ay si joogto ah gacanta ugu hayso wasaarada waxbarashadu tusaale ahaan magaalada Gudmo-Biyo Cas oo ah magaalo qadiimi ah isla markaana hoy u ah ganacsiga beeyada waxa ku yaala iskuul ka kooban ilaa lix fasal oo mid mooyaane aan inta kale lagu shaqay isla markaana waxa iskuulkaa dhigta ilaa fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe oo fasalka ay ugu yartahay ay dhigtaan ilaa shan iyo taban arday waxaana iskuulkaa ka hawl gala hal macalin oo sideedaa fasal keligii uu wax baro, “iskuulkan aniga oo qudha baa macalin ka ah waa iskuul ilaa dugsiga hoose ilaa dugsiga dhexe ka kooban ma jiraan macalimiin kale oo ka hawl gasha mana jiro kaalmo dhinac walba ha ahaatee oo iskuulku uu ka helo maamulka waxbarashada ee heer gobol iyo mid dhexe”…sidaa waxa yidhi Prof Qaasim Awsaax oo ah macalin ka mida macalimiintii u horeysay ee reer Somaliland oo xiliga macalin si tabaruc ah mud dhawr iyo toban sano ah wax uga dhigayay dugsi ku yaala magaalada Gudo Biyo Cas oo 92-KM dhinaca W/Galbeed ka xigta magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Waxaanu Prof Qaasim intaa ku daray “Waan la sameeyay xidhiidh maamulka waxbarashada ee gobolka Sanaag laakiin waxay ka qabteen cabashadii aanu u gudbinay ma jirto sidoo kale koox wasiiro ah oo koljad ku yimi deegaankan iyo kuwo keli keli ku yimiba waanu la socod siinay xaalada dhabta ah ee xaga waxbarashada ee ka jirta Gudmo Biyo Cas balse wax nagaga soo noqday cabashadayadii majirto ilaa iyo hada.” Ayuu yidhi Prof Qaasim Awsaax.
Xaga abaaraha iyo biyo dhaamiska ka jira dhulkaasi in kasta oo aan weli la arag dad u dhintay,hase yeeshee waxaan Ceel u dhow magaalada Gudmo-Biyo-Cas oo la yidhaahdo Dhoobo waxaan kula kulmay qoys ka kooban laba iyo toban qof oo ka soo xerooday miyigii ka dib markii ay ku caydhoobeen abaaraha ka jira deegaankaasi isla markaana ay ka madheen xoolihii “Xoolihii way naga madheen ka dib markii ay waayeen baad ay cunaan,waxaanan aabo u ahay qoys ka kooban toban iyo dheeraad.” Sidaa waxa yidhi Aabo ka gaabsaday in magaciisa la sheego oo ku sugnaa ceelka magaciisa la yidhaahdo Dhoobo oo dhinaca waqooyi 45-KM ka xiga magaalada Gudmo-Biyo-Cas.
Waxaanu raaciyay “Ma jirto ilaa hada wax mucaawimo ah aanu helnay marka laga tegi waayo dadka deegaanka oo na kafaalo qaatay iminka dadka deegaankuna waa nala mid oo iyaga laftooda ayaa qarka u saran inay qaydhoobaan hadaan raxmad cireed la helin waayo xili adag oo xoolihii wada istaageen markii ay baad waayeen baa lagu jiraan.” Ayuu yidhi Odaygaa aabbaha u ah qoyskaasi caydhoobay ee ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.
Ayadoo arimahaas oo dhami jiraan ayaa hadana waxa xiliga faro ba’an ku haya lacag faalso ah oo noodhadh shilin Somali ah oo lagu soo daabaco dhinaca maamul goboleedka Putland,taas oo lagu qaato khayraad badan oo gobolku hodon ku yahay sida beeyada,adhiga iyo waqtigan oo ganacsato reer Putland ahi ay bilaabeen inay hantida ma guurtada ah ee magaalooyinka waaweyn sida Ceergaabo ku iibsadaan lacagtaasi faalsada ah waxayna arintaasi cawaaqib xumo ku tahay dadka reer sanaag ee aan ka filayn xukuumadooda inay kala dabaalato duruufahaasi qalafsan.
Gobolka Sanaag waa hayga mashaa’iikh doora oo ay ka soo farcameed dadka reer Somaliland iyo kuwo kawo kale oo ka soo jeeda mandaqada geeska tusaale ahaan waxa ku aasan dhawr sheekh oo waaweyn sida Sheekh Isxaaq Bin Axmed, Sheekh Ciise Axmed,Sheekh Samaroon iyo mashaa’iikh doora oo isugu jira kuwo ka sii farcamay kuwaa iyo kuwo la majaaliisi jirayba.
Dhulkaa ma’shaa’iikhdaasi ku aasan tahay waa dhul ay ka muuqato aataar qadiimi ah oo aan la sugi Karin taariikhaha ay ka soo jeedaa iyo sooyaalkooda dhabta ah,hase yeeshee waa dhul hodon ku ah khayraad badan oo aanay lahayn gobolada kale ee Somaliland sida geedka Beeyada,waxyaabaha kale oo deegaankaasi godon ku yahay waxa ka mida xaga biyaha waxaadna arkaysaa webiyo biyo ah oo socda gu’ iyo jiilaalba waxaana togagaas ka mid kuwo ay is barbar socdaan biyo macaan iyo biyo qadhaadh,Biyo kulul iyo kuwo qaboow oo dheega isku haya ama aanay jirin wax u dhexeeya socodkoodaa waxaana ka mid haroonyinkaa sida harada ku taala Gudmo-Biyo-Cas iyo qaar kale oo badan,waxa kale oo intaa dheer deegaankaasi waa hoyga noocyada kala duwan ee ugaadha sida Deerada,Gorayada, iyo noocyada kala duwan ee ugaadha mana aha deegaan lagu ugaadhsado ugaadha waayo dadka deegaanka ayaa si weyn u ilaaliya ugaadhaas laakiin dhulkaasi leh khayraadkaa dabiiciga ah oo weliba xoolaha noolna ay koowada ka tahay waxa ku gadaaman dayac xoogan oo hadheeyay qaybaha kala duwan ee deegaanka iyo dadka ku dhacan tusaale ahaan ma jiraan baadhitaan lagu sameeyay taariikhda aataarta ku duugan dhulkaasi sidoo kale lama hayo tirada ma’shaa’iikhda ku aasaan dhulkaasi iyo inta qarni ee ay soo gaadheen.
Waxa intaa dheer khayraadkaa iyo aataartaa dhulkaasi uu hodonka ku yahay ma jiraan cid gaara iyo xukuumada xil iska saartay sidii loo ilaalin lahaa macluumaadkaasi kala duwan isla markaana baadhitaan ku samaysay.
Guntii iyo gebagabadii gobolka Sanaag waa hoygii awliyada oo aaboyaal kumanaan sano laga soo farcay ay ku duugan yihiin,hodon ku ah khayraad kala duwan oo dabiici ah,hase yeeshee waa gobol aan ceelna u qodnayn cidna u maqnayn marka laga eego dhinac walba wuxuuna khatar u yahay inuu dhaxal wareego haddii aan looga gurman sida uu waqtigan ku sugan yahay.

Sunday, February 3, 2008

GAA Trained Farmers in Togdher and Sool Farmers










Burao (The Rep)- 60 farmers from Togdher and Sool region completed a 2-day training on farming and fertilization at Burao University this week.

The training organized by GAA and funded by the European Union was aimed in razing farmer’s know- how and also provided opportunity for exchanging experience.

Mr. Ahmed Farah Jooj a senior GAA official staled that farmers were trained on fertilization, methods of farming, removing weeds and nursery.

GAA, a local NGO with H.Q in Burao covers agriculture, sanitation, health and water.

Jamhuuriya Online

Monday, January 21, 2008

NAVTEQ Map Content and Programs Drive Location-Based Future at 2008 Mobile World Congress

Sponsored by:


CHICAGO, IL - January 17, 2008 - NAVTEQ (NYSE: NVT), a leading global provider of digital map data for vehicle navigation and location-based solutions, announces its participation in the upcoming Mobile World Congress taking place in Barcelona from the 11th to the 14th of February. With more than 50,000 visitors the Mobile World Congress (formerly the 3GSM World Congress) brings together the pre-eminent leaders and personalities from mobile operators and equipment vendors, as well as those from the Internet and the world of entertainment and is considered the mobile industry's biggest annual event.

With a broader presence this year, located at Hall 1 booth 1G45, NAVTEQ will host more than 10 partners and will launch and showcase its latest map data, rich content and developer programs including:

# NAVTEQ Discover Cities: With the launch of NAVTEQ Discover Cities, a bundle of map data, pedestrian geometry, mass transit information and pedestrian-relevant Points of Interest (POI) data built specifically for location-aware mobile devices, NAVTEQ puts the power of a pedestrian travel guide on a mobile device. NAVTEQ Discover Cities extends the power of the NAVTEQ(R) map by delivering detailed information about cities, tourist attractions, public transit systems and other data highly relevant to urban pedestrians traveling on business or as a tourist. It gives mobile consumers the information they need to find out what's near them and how best to get there, delivered in a personally relevant fashion. Samples of prototype applications featuring NAVTEQ Discover Cities that virtually turn the navigation device into a personal location based tourist guide will be displayed on site.

# NAVTEQ's Map Network: Map Network is a line of mapping and location technology solutions for destinations, events and venues that is part of NAVTEQ's portfolio of content products and services. Developed in concert with expert partners, Map Network solutions comprise highly customized print, on-line and mobile maps, event guides and 3D tours -- enabling brand differentiation in a new and relevant way. Map Network solutions and content management platform enable the creation, management, publishing and distribution of complex location content. Over 145 destination marketing organizations, hundreds of events and a wide range of venues including major hotels, convention centers and museums benefit from Map Network maps and solutions.

# NAVTEQ Network for Developers: Barcelona has also been designated to further extend the reach in the developer and operator community and to present officially NAVTEQ Network for Developers, a dynamic online web portal and functional tool that provides companies with technical and business support that enables application development. By offering access to an extensive assortment of valuable tools and data, the NAVTEQ Network for Developers site is on the forefront of a connected ecosystem designed to support growth in the next generation of location-based services. By simple web registration, developers benefit from sample NAVTEQ map data and access to industry-leading geospatial tools, online forums, frequently asked questions, e-mail technical support and NAVTEQ leading analysis and proprietary research. For more information or to register visit: http://www.NN4D.com.

# NAVTEQ Global LBS Challenge (R): Initiated in 2003, NAVTEQ Global LBS Challenge is the premier event for wireless LBS innovation, inviting developers around the world to build innovative, non-commercialized LBS applications that work with mobile phones and/or wireless handheld devices using dynamic positioning technology and NAVTEQ map data. Several key companies in the LBS developer community are working with NAVTEQ to sponsor this year's Global LBS Challenge, bringing with them invaluable resources and opportunities. Nokia globally sponsors the Challenge for the third consecutive year together with Autodesk for this 2008 edition. Joining them, additional influential sponsors and partners include deCarta, and PTV as Platinum sponsors, Telefonica (Movistar) and Orange as Gold sponsors. Sponsors and partners offered free access to tools, platforms and support to NAVTEQ Global LBS Challenge developers in Europe. NAVTEQ Global LBS Challenge (R) participants compete for a sizeable global prize pool, valued this year up to an unprecedented euro 2 million, and consisting of cash, licenses and services from NAVTEQ and sponsors of the event.

# Booth Partners: companies joining NAVTEQ booth include Alk, Appello, AtlasCT, Magellan, NaviExpert, Network In Motion, PH Informatica, Ubiest, Webraska.

The Mobile World Congress will also be the setting where NAVTEQ will host for the third year the final judging and Awards Ceremony of the NAVTEQ Global LBS Challenge for EMEA respectively Sunday 10 February, and Tuesday 12 February, at Poble Espanyol, located next to the venue of the Congress. This year, executives from Fotovista/Dixon, O2, Truffle Ventures, Nokia, Autodesk, Vodafone, Deutsche Telekom, WebMobility, Telecom Italia, Innovacom and GPS and Co will serve as the official judges and will base their final decisions on the following criteria: commercial viability, unique functionality and features and ease of use.

# About the NAVTEQ Open Media Reception On Monday 11 February, NAVTEQ will host an Open Media Reception in the beautiful setting of City Hall, Poble Espanyol de Montjuic, Avgda Marques de Comillas 13, 08038 Barcelona, Spain. The reception will be running from 12am to 03pm and allow journalists to choose the time that best suits their personal schedule to join the semifinalists of the NAVTEQ Global LBS Challenge and see applications running for the first prize. Attendees will also be able to meet NAVTEQ staff in a quiet setting and discover more about the latest map contents, NAVTEQ Discover Cities and Map Networks demos, NAVTEQ Network for Developers and taste at the same time some typical tapas from the buffet. To confirm your presence to the press event, the NAVTEQ Press contact is Arianna Geith at a.geith@tml-comunicazione.it .

# About the NAVTEQ LBS Challenge Award Ceremony NAVTEQ LBS Challenge Award Ceremony will take place on Tuesday 12 February, the second day of Mobile World Congress, at 15.00h at Poble Espanyol de Montjuic, Avgda Marques de Comillas 13, 08038 Barcelona, Spain. The admission to the Ceremony is free and the Awards program will be followed by a cocktail reception.

Poble Espanyol de Montjuic is five minutes walk from the Mobile World Congress venue and during the whole Congress, NAVTEQ shuttles to Poble Espanyol will be available at the shuttle pick-up area (look for the NAVTEQ Global LBS Challenge signs) outside the Convention Center. For more information, visit http://www.LBSchallenge.com or refer to NAVTEQ's staff on site during the show at the booth 1G45 Hall 1.

About NAVTEQ
NAVTEQ is a leading provider of comprehensive digital map information for automotive navigation systems, mobile navigation devices, Internet-based mapping applications, and government and business solutions. NAVTEQ creates the digital maps and map content that power navigation and location-based services solutions around the world. The Chicago-based company was founded in 1985 and has over 3,100 employees located in 167 offices in 31 countries.

Monday, January 14, 2008

Kulan dhex maray Wasiirka Beeraha ee Somaliland iyo Jaaliyad Norway Iyo Warkale halkan ka akhriso















Jan 15, 2008

Norway (Qaran)- Maalintii Axadii ee bisha koowaad ahayd 13-ka waxa Magaaladda Oslo ka dhacay shir ay ku kulmeen jaaliyadda Oslo iyo wasiirka Beeraha. Waxa hadalo uu wasiirka ku soo dhaweynayo ku furay Guddoomiyaha Jaaliyadda Xusseen Aadan Cadib. Intaa kadib Safiirka Somaliland ee Norway Mudane Maxamed Adan Liilan ayaa Hadalkii la wareegay soo dhaweynta wasiirka ka dib wuxu si balaadhan uga waramay waxqabadka jaaliyadda, Xafiiska safaaradda iyo guulaha ay soo hoysay siyaasadda arimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Siiba isbedelka siyaasadeed ee uu muujiyey safarkan weftiga Madaxweynuhu. Waxa kaloo uu ka dhawaajiyey in dalkii uu maalgashi badan oo malaayiin dollar ahi galayo taasoo khaasatan ka tageysa Dalkan Norway. Waxaanu tusaale u soo qaatay hawshan sahaminta macdanta, biyaha iyo batroolkaba leh ee ay sameynayaan Diyaaradaha iyo Maraakiibtuba.

Waxa iyana hadalo soo dhaweyn ah halkaa ka yidhi wakiilada Xisbiyadda mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Ucid mudane Axmed Baaruud iyo mudane Cali Cidin. Intaa ka dib waxa hadalkii la wareegay Wasiirka Beeraha Mudane Aadan Dhoolayare. Hadallo mahadnaq ah oo uu u jeediyey jaaliyadda, safiirka iyo guddoomiyaha cusub ee jaaliyadda ka dib wuxu ku bilaabay kolay war iskuma keen seegana oo dunidu maanta waa "Global Village" wax walibana waa "Online" oo idinkaa dadka dalkii joogga uga xog-ogaalsan oo wax idinka qarsooni ma jiro. kolkaa wax cusub idinku soo kordhinmaayo. Fariintan idiin soo gudbinayaa waxa weeye waxad la socotaan in badan ayeynu isku dayeynay ama dhaliil xukuumada ha loogu jeediyo ama inaguba aynu isku canaanano kaasoo waajib ku ah qof kasta oo reer sl. ah inuu huro dhaqaalihiisa iyo naftiisaba si aynu u gaadhno xuduudka somaliland oo ah ta qaranimadeena muujineysa. Ilaahay mahadii waa la gaadhay waad la socotaan. Laakiin ciidan iyo dad meel iskama jooggi karaan hadaanay taakuleyn helin. Kolkaa sidad la socotaan waxa la sameeyey guddi uu madaxweyne ku xigeenku guddoomiye u yahay kana kooban dhamaan golayaasha qaranka iyo xisbiyaddaba. Waxa loo xil saaray ururinta gudo iyo dibadba dhaqaalihii Goboladii Sool iyo Sanaag bari dib loogu dhisi lahaa si loo soo gaadhsiiyo intay ka hadheen gobolada kale ee dalka.

Haddaba, ka jaaliyad ahaan waxa idiin iman doona wafti uu hogaaminayo nin xil dhibaana qaran ah oo waliba Kulmiye ah oo loo soo xil saaray arintaa. Waxa la idinka doonayaa sidii lagu yiqiin jaaliyadda norway ee ay uga tilmaaneyd jaaliyadaha kale ee dunida inaad u diyaar garowdaan oo aad si balaadhan uga qeyb qaadataan taakuleyntaa ciidanka iyo dib u dhiska gobalada bari.

Weftiga madaxweynuhu wuxu ku soo beegmay xili ay wax badani iska bedeleen Geeska Afrika, oo ah Soomaaliyaddii hore oo aan dawladi ka jirin, Kiiniya oo liiqliiqaneysa iyo Itoobiya oo dab badani ku shidan yahay. Caalamkuna waa maslaxad waa isii aan ku siiyee, nina isagoo iska fadhiya malqacad afka looma geliyo. Kolkaa waxaynu soo gaadhnay xilligii dunidu wax inala qabsan laheyd.

Kulankaa wasiirku wuxuu ku soo gabagaboobay su´aalo jaaliyadu wax ka weydiisay wasiirka xukuumadu ka tirsan yahay iyo guud ahaan dalkaba.

Cabdirisaaq Cismaan Fadal

Weriye madax banaan

Oslo Norway

Friday, January 4, 2008

Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsan Nadaafada Iyo Fayo Dhowrka oo Ka Furmay Magaalada Boorama.















Jan, 4 2008

Abokor Hassan Afi, Harowo = Boorama, Aqoon is wardaarsi ayaa maanta laga furay xarunta dowlada hoose ee Degmada Borama, aqoon is waydaarsigaasi oo lagaga doodayay nadaafada iyo fayo dhowrka magaalada Borama.

Waxaa ka qeyb galaya 25 xubnood oo ka socda 4 ta dugsi sare iyo labad dugsi dhexe oo ka tirsan dugsiyada Borama, NGO yada wadaniga ah ee G/Awdal, shaqaalaha dowlada hoose, maamulayaasha dugsiyada Borama iyo marti sharaf kale. Waxaana barnaamijkan oo tijaabo ah iska kaashanaya D/Hoose ee Borama hayadaha Swiss group iyo hayada Unicef.

Maayirka Borama C/raxmaan Shide Bile oo ka hadlayay furitaankan ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada aqoon isweydaarsigan oo ku tilmaamay inay tahay sidii looga wada hadli lahaa wax ka qabashada qashinka tuulan goobo ka mid ah magaalada iyo habkii loo nadiifin karo loogana wada qayb qaadan lahaa.

Maayirka waxuu carabka ku dhuftay in arintani tahay mid bilow ah oo lagu tijaabinayo Borama haduu uu kaalin galena la doonayo inuu kaalin muuq leh oo qashinka hadheeyey degmooyinka dalka S/land doono.Waxuuna tilmaamay inuu qorshahani yahay mid dadwaynaha lagu dareensiinayo dhibaatada caafimaad daro ee qashinku leeyahay, waana arin dhinaca nadaafada lagu tartamayo, bulshadana dhinaca nadaafada wacyi galin loogu samaynayo.

Waxaa isagana halkaa ka hadlay Maxamed Yuusuf ( Galool ) iyo Cabdi Aadan oo iyaguna ka socday Swiss group iyo Unicef, waxayna cadeeyeen in mudada afarta maalmood ah ee tababarku soconayo lagu lafa guri doono sida ugu haboon ee dadka loo wacyi galinayo, taasi oo lagu rajo waynyahay in bulshada ay gaadhaan ka qayb qaadashada Nadaafada Borama, waana markii ugu horaysay ee seminaar noocan oo kale ah lagu qaboto magaalada

Borama.

Thursday, December 27, 2007

Dhakhaatiir Ajaanib ah kana Hawlgala Puntland oo Shalay la Afduubay





(Hadhwanaagnews) Boosaso -HWN-Kooxo hubeysan ayaa saakay aroornimadii ku afduubtay xaafada Raf iyo Raaxo gaar ahaan Masjidul Faadumo ee magaalada Boosaaso labo Dhaqtar oo u dhalatay dalka Spain una shaqeynayey hey'adda MSF Spain.

Dhaqaatiirtan oo magacyadooda lagu kala sheegay Mercedes iyo Pillar ayaa waxaa afduubkooda geystay kooxo hubeysan oo wadatay gaari gaduudan oo Surf ah, kuwaasoo aan la garaneyn halka ay u kaxeysteen, lama yaqaan sababta ka danbeysa afduubka Ajaaniibtan.

Dhaqaatiirtan ayaa la sheegay in ay ka howlgalayeen gudaha magaalada Boosaaso, iyadoo gaarigii ay saarnaayeen ay kala degeen waxaana afduubkaasi ka badbaaday darawalkii gaariga iyo gabar la socotay, iyadoo aysan jirin cid dabagashay kooxihii afduubkaasi geystay.

Maamulka Puntland ayaan ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin afduubka loo geystay Dhaqaatiirta ajnabiga ah ee u dhashay dalka Spain.


dhinaca kale, Maamulka putland ayaa digniin u jediyay hey'adaha samafalka.



Maamul Goboleedka Puntland ayaa digniin u jeediyay hey'addaha samafalka ee ka howlgala deegaanada Puntland, iyadoo looga digay ineysan amar la'aan soo gelin deegaanada Puntland cid aan laga war qabin.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland C/casiis Saciid Gacmey ayaa uga digay iney ka feejignaadaan ineysan Puntland soo gelin cid aan la aqoon iyadoo arintan ay timid kadib markii la sii daayey wariye Gwen Le Gouil oo dowladda Puntland ay ku eedeysay in uu si sharci daro ah uu ku soo galay Puntland, iyadoo hey'adda BRC ee ka howlgasha Puntland ay ku soo gelisay Wariyahaasi qaab samafal.

G/Sare Saciid Gacmeey Taliyaha ciidanka Booliska Puntland waxaa uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono hey'addii gudaha Puntland soo gelisa cid aan la aqoon isagoo ku eedeeyay Hey'adda BRC in ay qiyaano ku kacday isla markaana wuxuu ugu digay hey'addaha kale in ay ka feejignaadaan dhacdadii ay ku kacday oo kale hey'adda BRC.

Taliyaha wuxuu sheegay in wixii hada ka danbeeya ay la socon doonaan dhaqdhaqaaqyada hey'addaha samafalka si aysan u dhicin oo kale buu yiri dhacdadii lagu soo geliyey Wariye Gwen Le Gouil oo qaab samafal ku soo galay gudaha Puntland.

Arintan uu ka dhawaajiyay Taliyaha ciidanka Booliska Puntland ayaa waxaa la hadal hayaa in ay yareyneysaa isbarbar yaaca hey'addaha samafalka ee wixii ay doonaan iska sameeya iyadoo ay qeyb ka tahay sugida amniga Ajaaniibta soo galeysa Puntland.

C/Qaadir Mohamed Farah Dulyar
Hadhwanaagnews Reporter
Mugadisho, Somaliya
dulyar21@hotmail.com

Turning Trash into Cash










Prepared:Abdallah Okao and Deman Mahamoud

Bakool, Somalia--Four years ago, 27-year-old Aisha Abdirahman had a vision: she signed up for a tailoring workshop, planning to sew clothes and sell them at the local market in order to support her family of eight. After completing the course, she purchased a sewing machine, but she did not have enough money left over to buy cloth. “It seemed like the end of my tailoring dream,” says Aisha.

Aisha and four of her six children. Until she attended IMC’s beekeeping course, she was barely able to put food on the table for her family.
Photo: IMC
Aisha and four of her six children. Until she attended IMC’s beekeeping course, she was barely able to put food on the table for her family.
After that, life was rough for a while. Aisha and her husband have six children, and with little reliable income and no future job prospects, taking care of their large family was tremendously stressful. “Many a time, we went without food,” she says. “One of my children became severely malnourished.”

Malnutrition and food insecurity are major problems throughout south-central Somalia where Aisha and her family live. The drought of 2005-2006 resulted in crop failure and, consequently, acute food shortages and a significant spike in the malnutrition rate. Cattle deaths due to lack of water were estimated at 80 percent; for many families, household assets plummeted.

In addition to responding with emergency interventions, International Medical Corps began strategizing about long-term projects that would enable Somalis to survive the inevitable future droughts without taking a heavy toll on their health and livelihoods.

IMC launched another livelihood program for mothers of malnourished children in Somalia which involved providing them with seed vouchers so that they could grow their own food.
Photo: IMC
IMC launched another livelihood program for mothers of malnourished children in Somalia which involved providing them with seed vouchers so that they could grow their own food.
Studies suggest that projects that help women become self-sufficient, acknowledging their role as caregivers, food producers and bread winners, can also help mitigate food insecurity and malnutrition. With that in mind, International Medical Corps created two livelihood projects aimed at providing income-generating opportunities to vulnerable women with malnourished children: one that gave them seed vouchers so they could grow their own food; and another that taught them beekeeping.

In 2006, Aisha attended a beekeeping workshop conducted by International Medical Corps. The course dramatically changed her life. Participants were trained in beekeeping, honey production, honey processing and marketing. They were also taught how to process and market wax from honeycombs, and how to use wax to produce candles and petroleum jelly, a product used to soften dry skin.

Aisha was particularly interested in producing petroleum jelly. After the training, she shared the concept with her husband. He was very supportive and agreed to collect honeycombs thrown away by other beekeepers for her so she could process them into wax, then transform them into petroleum jelly. Aisha sold her first products in the market town of Hudur. News of Aisha’s product, which was significantly cheaper than commercial varieties, spread rapidly. Soon, people from the neighboring El-Berde district were buying Aisha’s product in large quantities.

Now Aisha has a considerable market for her product in both districts. Once customers try it, they always come back for more. Each month she earns at least $200 from petroleum jelly sales alone; in Somalia, even an educated civil servant only earns about $30 a month. .

“My days of worrying about money are long gone,” says Aisha. “I now have sufficient income to look after my family. I’m able to provide them with food, clothes, medicine and other basic necessities.”

Using the income from the petroleum jelly business, Aisha has finally been able to realize her tailoring dream. “I can now afford to buy cloth and make clothes, which I sell at the market in Hudur,” she says. “I was also able to purchase a small quantity of gold as an investment for the future, and as my business grows, I intend to continue investing.”

In fact, Aisha has enough economic stability that she can now comfortably give back to the less fortunate, which is one of the fundamental teachings of Islam. She has trained three other women how to produce petroleum jelly, and she is committed to continuing to share her knowledge with other women in need. “I want a chance to help transform other people’s lives, just as IMC has transformed mine.”