Wednesday, November 28, 2007

Somaliland Invited to the Commonwealth Summit.

Somaliland invited to the Commonwealth summit in Uganda.



Written by QRN
Nov 21, 2007 at 12:48 AM
Hargeisa(QRN)-A delegation from the Republic of Somaliland departed yesterday from Egal International airport in Hargeisa to take part in the Commonwealth summit in Kampala, Uganda.
The delegation which consists of three members of the Somaliland political parties, UDUB, KULMIYE and UCID received an invitation to attend the summit from the host nation of Uganda.
The members of Somaliland's delegation are as follows; from the incumbent party, UDUB, the deputy minister for Planning, Mudane Ahmed Hashi, the chairperson of UCID, Mudane Faisal Ali Warabe and Mudane Nur Salah Fagadhe, who is representing the KULMIYE party and is also the Somaliland representative in France.

This the first time that Somaliland has been invited to a Commonwealth summit in an observer basis. At the present time, the Republic of Somaliland isn't a member of the Commonwealth, but the republic was a former British protectorate until the 26th of June, 1960.
After its independence Somaliland formed a union with Italian Somalia in July 1960. The union was dissolved in 1991 upon the collapse of the Somali Democratic Republic. On the 18th of May, 1991, Somaliland reclaimed its sovereignty.
The summit which is being held in Uganda this year will have participants from 53 countries across the globe. The annual summit is formally opened by Her Majesty, Queen Elizabeth II, who is the head of the Commonwealth.

Tuesday, November 27, 2007

Xuska 10 Guuradii Aabbaha Fanka iyo Miyuusiga Soomaaliyeed

Cabdillahi Qarshe Aabahii Fanka Soomaaliyeed

Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe)

(1924kii – 1997kii)

“Alleylehe sar weyn baa duntiyo, seeski uu dhigaye,
Alleylehe sallaan baa burburay, loo sinnaan jiraye,
Alleylehe siraad baa bakhtiyay, meel sudhnaan jiraye,
Suugaanta maansiyo fankii, seedahaa go’aye,
Sanbabkaa dalooshamay codkii, suubbanaan jiraye,
Kamankuu sabaalayn yiqiin, suulashaa jabaye,”

Ibraahin Gadhle, Jabuuti.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com

Qormadii: 1aad

Arar

Waa qormo qormadeed……Waa qalin iyo xil-qaadkii……..Waa dawaad aan qallalin…..Waa qoolashii fanka oo qayoodkii doc kastaba u jiidhay…..Waa qunbe malab ah oo buuxa…..Waa ereyo aan meel la og yahay ka soo jaray oo muquuno ah….Waa mahadho aan damin….Waa milgo iyo maamuus….Waa mullaax aan ku marriimayo miyuusig iyo midho, dhaxalka aan duugoobayn ee uu ka tegay Cabdillaahi Qarshe, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Qormadan aan ku xusayo toban-guurada ka soo wareegtay maalintii uu god-galay Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe, waa warqad (Paper) aan ka akhriyay Jaamicad ku taal Finland oo la yidhaahdo Abo Turku University, 1998kii. Warqaddaas oo ku qornayd afka Ingiriisiga waxa lagu soo daabacay Buuggii Shirweynahaas ka soo baxay, Shirweynahaas oo la odhan jiray “Somali Studies Congress.” Baadi-soocda Buugga Qormadan xanbaarsani waa: “The Life, Music and Literary compositions of Abdillahi Qarshe (1924-1997), in Variations o­n the theme of Somaliness, Centre for Continuing Education, Turku, Finland, 2001,”

Maa daama ay maanta ka soo wareegtay toban sannadood maalintii Cabdillaahi Qarshe lagu aasay xabaalaha Qaranka ee Hargeysa, waxaan ka wadi waayay in aan maqaalkaa idiin soo tarjumo aniga oo si weyn u nakhtiimay oo wax badan ka saxay isla markaana ku daray ama ku ladhayba. Cabdillaahi Qarshe Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’, waxaan xusayaa waa dhaxalkii faneed ee uu inooga tegay ee midho, miyuusig iyo codadba lahaa oo aan cid la ag dhigaa Soomaali ku jirin, keli iyo horseedbana ka ahaa; waana tan ta qiimaha u yeelaysaa Cabdillaahi Qarshe. Waa ninka xaraartaa butaystay ee aanay cidina ku haysanin ee looga danbeeyo ee weliba durbaankana loogu tumo. Haddii Eebbe idmo waxaanu ku ladhani doonnaa Qormadan xusuusta ah filim dokumentari ah oo gaaban oo ka hadlaya noloshii iyo curintii Qarshe oo TV-yada ka daawan doontaan.

Hordhac:

28kii Oktoobar 1997kii, waxay ahayd maalin dhiillo xanbaarsanayd oo aad ugu cuslayd, naxdin aan la qiyaasi karinna ku lahayd shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogeenba. Horumarka is-gaadhsiineed ee dunidu ku tallaabsatay ayaa markiiba la duulay warkii ahaa in Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe ku geeriyooday magaalada London. Horaa Soomaalidu ugu maah-maahday: “War xumi dugsi ma fadhiisto.” Warkaa dhiillada xanbaarsanaa “Internet-ka”, Fax-yada iyo qalabyada kale ee casriga ah ayaa ka adeegay tebintiisa. Idaacadaha iyo qalabka kale ee war-baahinta ayaa afaf badan ku sheegay. Markii qaarad iyo dalba la dhaafay ayaa warka culayskiisii iyo naxdintisiiba la hayn waayay oo guri ilaa guri la isu tebiyay. Qof ilaa qof ayaa dheg iyo dhab ba la isu saaray.

In kasta oo loo dhashay oo ay qaddar Eebbe tahay, haddana waxa dhacday geeri naxdin leh oo mahadho reebtay. Iftiinkii fankaa bakhtiyay, waxa dhintay: mulaxinkii, halabuurkii, muusigyahankii, heesaagii, aabbihii iyo calan-sidihii daah-furay muusigga casriga ah ee Soomaaliyeed. Waxa meel fog iyo reero muskood ku geeriyooday bud-dhigihii masraxa Hereriga ah ee Hargeysa ka tisqaaday, Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo ku caan-baxay Cabdillaahi Qarshe; naxariistii janno Alle ha siiyo e’. Cabdillaahi Qarshe, wuxu ku geeriyooday magaalada London oo uu ku noolaa dhowrkii sannadood ee geeridiisa ka horreeyay. Dhanbaalladii tacsidaa is-weydaartay, waxa soo rogamaday oo karkaarrada soo jabsaday mowjado heeso iyo maansooyin baroor-diiq ah oo gudaha iyo dibaddaba laga tiriyay. Af Soomaali iska daaye xataa maansooyin carabiya ayaa loogu baroor-diiqay. Xuseen Jaamac Rooble “Xaaji Gujis” oo ka mid ahaa halabuurkii heesahaa ballaysimay, tix uu tiriyay waxa xuddun u ahaa:

“Hadda qof iyo dhowr iyo,
Qoys iyo kamuu tegin,
Qolo waxaad tidhaahdo e’,
Annagoo quruunuu,
Qormaduu fadhiyi jiray,
Qarshi nagu banneeyee,”

Friday, November 23, 2007

Degaanka Xeebta ee Waqdariya oo Gubatey

Ceerigaabo(Qarannews) -Magaalada Waqderiya oo ku taalla xeebta waqooyi-bari ee gobolka Sanaag ayaa gubatey dabayaaqadii toddobaadkii hore kaddib markii xilli habeennimo ah dab qabsaday magaaladaas, halkaas oo dhammaan magaaladaas uu dabkaasi waxyeello weyn gaadhsiiyey.

Haddaba iyadoo ilaa haddan aanay jirin wax caddayn ah oo ku saabsan sababta keentay dabkan ayaa haddana waxay xaaladdu u muuqataa in dabkani yahay duullimaad qorshaysan oo loogu talo galay magaaladaas, waxayna arrintaasi dhalisay xiisad iyo dareen weyn oo ay ku yeelatay bulshada degaankaas, iyadoo weliba si weyn looga dareemay gudaha magaalada Ceerigaabo, waxana si weyn farta loogu fiiqayaa dabkan in ay geysteen dad taageersan maammulka Puntland oo iyagu dhinaca bari kaga yimid magaaladaa.

Waqdiya8

“Waxannu qabnaa magaaladayadaas in ay gubeen dad kaga yimid bariga (xagga Puntland) oo iyagu deris wadaag nala ah, kuwaas oo diiddan cid Somaliland taageersani in ay halkaas degganaato”. Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha degaanka Waqderiya.


Dhinaca kalena magaaladan Waqderiya oo ah meel muddo badan la degganaa, kana mid ah meelaha taariikhiga ah ayaanu jirin wax maamul iyo shaqaale Somaliland oo halkaas ka abuurani, taas oo keentay in dhinacyo badan (dhul ahaan iyo dhaqaale ahaanba ) laga soo hungureeyo degaankaas, sidoo kalena ay ka muuqato baylah lagaga faa’iidaysan karo xilligan.

C/laahi Xuseen Darwiish

Thursday, November 22, 2007

Horumarinta Wax Soosaarka Beeralayda

October 3, 2007

Wasiirka Beeraha Somaliland oo ku Dhiiri Geliyey Beeralayda Inay Kor u Qaadaan Tacabka Beeraha

Hargeysa, (Harowo) - Tababar ku saabsan sida looga faa’idaysto Malabka ayaa maana Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Mudane Aadan Axmed Cilmi[Dhoolayare], Wasaaradiisa uga furay tababar, isla markaana ku booriyay beeralayda dalka inay kor u qaadaan wax soosaarka wadaniga ah, si Somaliland u noqoto Qaran ka maarmi kara raashinka dibada laga keeno.

“Xukuumad Ahaan Beeralayda Ku Dhiirigelinaynaa Inay Kor U Qaadaan Oo Ay Soo Saaraan Raashinka Iyo Cuntooyinka Wadaniga ah…….” Wasiirka Wasaarada Beeraha Aadan I (Dhoolayare)

Wasiirka Beeraha Somaliland,waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu maanta xarunta wasaaradaas tababar ku saabsan barashada horumarinta xirfada Malabka iyo shinida uga furayay 36 Qof, oo ka kala yimid Gobolada Hargeysa iyo Awdal, kaas oo ay maalgelisay Haa’yada Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha [FAO].

Wasiirka Wasaarada beeraha Somaliland Mudane Aadan Axmed Cilmi,oo ka hadlayay tababarkaas,ayaa waxa uu yidhi “Barashada Xirfada malabka iyo shini dhiqistu,waa mid muhiim ah oo ay ka soo bixi karto dhaqaale iyo nolol maalmeed joogto ah,oo lagaga maarmo shidistii dhuxusha ee dadku xaalufka ku hayeen deegaanka dalka,shinida iyo malabku waa waxa kaliya ee aan u baahnayn in la raaco,balse u baahan uun in dusha laga ilaaliyo oo cayayaanka u galaya laga ilaaliyo,waayo waxyaabo badan bay shinidu xasaasiyad ka qabtaa oo aanay ogolayn in ay u soo dhawaadaan marka ay shaqaynayso.”.

Mudane Aadan Axmed Cilmi,waxa uu ka qeyb-galayaasha tababarkaasi, oo ka kala yimid Degmooyinka Salaxlay,Baligubadle,Cadaadlay iyo Boon,uu u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan macluumaadka ay ka korodhsan doonaan tabobarkaas, waxana uu amaan u soo jeediyay Haa’yada [FAO] oo tababarkaasi ay Wasaaradiisa iska kaashadeen.

Wasiirka Beeraha Somaliland,waxa uu sheegay inay wasaaradoodu awooda saarayso sidii ay suuqyo ugu raadin lahayd wax soosaarka malabka maxaliga ah, oo uu si qoto dheer uga waramay faa’iidooyinkiisa,waxana uu xusay inuu rajaynayo in Somaliland ay noqoto shanta sanadood ee soo socda dalka adduunka ugu wax soo saarka badan dhinaca malabka.

Mudane Aadan Axmed Cilmi, oo ka hadlayay Raashinka darruriga ah ee dhawaan ka qaaliyoobay suuqyada ganacsiga magaalooyinka dalka,waxa isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi “Waxa aynu ku nool nahay oo dadkeenu ay ku jihaysan yihiin, Raashin dibada inooga yimaada oo aynaan lahayn, waxa dadka qaar laga dhaadhicinayay sixir barar baa raashinkii ku dhacaye, waa in mudaharaadyo la sameeyaa,oo Xukuumada ha lagu mudaharaado, caqliyan waxa aad adigu soo saarto ee qaaliyooba ayaa laga mudaharaadaa ama laga hadlaa,laakiin bariis iyo Baasto aynaan lahayn ayaynu ku tiirsan nahay,waxa aan xukuumad ahaan beeralayda ku dhiirigelinaynaa inay kor u qaadaan oo ay soo saaraan raashinka iyo cuntooyinka wadaniga ah”.

“haddii la eego dagaalkii labaad ee adduunka [1945-kii], sedan manta aynu ugu tiirsan nahay raashinka dibada ka yimaada ugama aynu tiirsanayn,inaga ayaa isku filayn oo cadkeena,Caanaheena, garowga iyo Arabakhida ayaynu ku tiirsanayn,oo wakhtigii bada cas uu Talyaanigu qabsaday,waxa jirtay in Somaliland caawisay ingiriiska oo ina haystay, kuna caawinay xoolo nool iyo Ciidanba”ayuu yidhi Wasiirka beerahu.

Wasiirku waxa uu soo jeediyay in beeralaydu ay beeraan wax soo saarka wadaniga ah, si looga maar mo raashinka dibada ka yimaada “waa in aynu shanta sano ee soo socota noqonaa qaran raashin ahaan isku filan oo ka maarma wixii dibada uga imanayay” ayuu yidhi Mudane Aadan Axmed Cilmi sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maxamed Jaamac Gahayr oo ka mid ah Masuuliyiinta Hayada FAO, kaas oo sheegay in la sii joogtayn doono tobabarada kor loogu qaadayo kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah.

Tuesday, November 20, 2007

African Farmer's Could Earn Green Money

African farmers could earn 'green' money


Friday, November 20, 2007

JOHANNESBURG, 16 November 2007 (IRIN) - Lack of information is the main obstacle to paying African farmers as an incentive to protect the environment, according to a UN Food and Agriculture Organisation official.

Payment for environmental services (PES) has been applied in parts of the world since the 1980s, and could help to address growing concerns about climate change, biodiversity loss and water supply, suggested The State of Food and Agriculture, a UN Food and Agriculture Organisation's (FAO) report released on 15 November.

Applying PES in Africa could be critical in mitigating some of the impact of climate change, said Keith Wiebe, chief of FAO's Comparative Agriculture Development Service and one of the main contributors to the report.


Photo: David Hecht/IRIN
Africa's small-scale farmers could help right the balance
Hundreds of payment programmes for environmental services are being implemented around the world, mainly as part of forest conservation initiatives. "But relatively few programmes for environmental services have targeted farmers and agricultural lands in developing countries," the report said.

Payments can take a variety of forms as voluntary transactions involving farmers, communities, taxpayers, consumers, corporations and governments; they can also be direct payments by governments to producers or indirect transfers by means of surcharges paid by consumers willing to do so.

"Agriculture employs more people and uses more land and water than any other human activity," said FAO Director-General Jacques Diouf in his foreword to the report.

Potential of agriculture

"It has the potential to degrade the earth's land, water, atmosphere and biological resources - or to enhance them - depending on the decisions made by the more than 2 billion people whose livelihoods depend directly on crops, livestock, fisheries or forests. Ensuring appropriate incentives for these people is essential."

Overall, the future does not look rosy. Projections by the Intergovernmental Panel on Climate Change (IPCC) expect food production to halve by 2020; about 25 percent of Africa's population - nearly 200 million people - do not have easy access to water, a figure that is expected to jump by another 50 million by 2020 and more than double by the 2050s.

The United States Conservation Reserve Program (CRP), created in 1985, is the largest PES in the world, providing annual rental payments and sharing the cost of conservation practices on farmland.

''[Agriculture] has the potential to degrade the earth's land, water, atmosphere and biological resources - or to enhance them - depending on the decisions made by the more than 2 billion people whose livelihoods depend directly on crops, livestock, fisheries or forests. Ensuring appropriate incentives for these people is essential''

"First created to address problems of soil erosion and to support farm incomes at a time of declining crop prices, the programme has grown over the years and now pays for land-use changes that promote water quality and wildlife habitat as well," said the FAO report.

But most African countries "do not have access to scientific information, such as soil analysis, to plan programmes," said Wiebe. "Appropriate institutions are also necessary to link farmers who produce environmental services with individuals who benefit from them." Land ownership, and negotiating with a number of small-scale farmers, were also challenges to providing PES in Africa.

However, there are a few African PES schemes, such as the Biodiversity and Wine Initiative (BWI) in South Africa, which helps wine producers adopt practices that reduce their adverse impact on biodiversity. "In exchange they receive assistance with farm management and property tax rebates. By mid-2007, the BWI scheme covered about half the total vineyard area of the Cape winelands - over 50,000 hectares," he said.

Agriculture is a notable source of the three major greenhouse gases: carbon dioxide, methane and nitrous oxide. "Carbon dioxide is most significant in relation to global warming, but methane and nitrous oxide also make substantial contributions," the FAO report noted.

"Agricultural activities and land-use changes contribute about one-third of the total carbon dioxide emissions and are the largest sources of methane (from livestock and flooded rice production) and nitrous oxide (primarily from application of inorganic nitrogenous fertiliser)."

Africa's role

Africa's mostly small-scale or subsistence farmers are not responsible for "carbon emissions on the same scale" as their counterparts in the developed world or Asia, "but through tree planting or improved agricultural practices - such as conservation agriculture - they can offset carbon emitted elsewhere and be compensated through payments for environmental services," said Wiebe.

Less deforestation, planting more trees, reducing tillage, increasing soil cover and improving grassland management could, for example, lead to more than two billion tonnes of carbon being stored in around 50 countries between 2003 and 2012, the FAO said.

Forests as well as soils, oceans and the atmosphere store carbon, which moves between the different stores over time. Consequently, forests can act as sources or sinks at different times. Sources release more carbon than they absorb, while sinks soak up more carbon than they emit. Agriculture anywhere could play an important role as a carbon "sink" through its capacity to absorb, store and convert harmful greenhouse gases.

Plan Vivo, a project by non-profit organisation BioClimate Research & Development (BR&D), offers people in the developed world the opportunity to fund sustainable forest and other land use management projects that will help to reduce carbon, run by farmers and communities in the developing world.

Plan Vivo has launched two projects in Africa - in Uganda and Mozambique - but Wiebe pointed out that it was "very difficult" to monitor privately run initiatives.

jk/he/oa

Theme(s): (IRIN) Environment, (IRIN) Food Security

[ENDS]

Source: IRIN, Nov 16, 2007

Tuesday, November 13, 2007

Tigidhada Fund raisinka MCD Fund

Qalabka xayeysiinta Maal Uririnta Mashruuca Horumarinta Xeebta Maakhir.

  • T Shirts and Golf Shirts. ............ $ 10 - 20
  • Cups and Hats ............................. $10 - 20
  • Sticker and Labels. ...................... $ 3 - 5
  • Key chains and Clocks. ............. $ 3
  • Bracelets and Necklaces. .......... $ 10
  • Buttons and Pins . ...................... $ 3
  • Pens & Pencils. ...................... Gift
  • Blanners and Dairy books. .... Gift
  • Folders and Portfolios. ............$ 15 - 20
  • Calender and Postcards. ......... $ 3
  • Banners and Flags .................... $ 5
  • Posters and Frames. ................ $ 5 - 15
  • Mags and Engraved Plates. ...$ 10 - 20
  • Business card Cases ............. $ 5
  • Cellphone Covers. ................... $ 10
  • Magnetic Business cards and
  • Magnetic phone books. Gift
  • Water Bottle labels and Paper
  • bag Labels for promotional.
  • Sport Bottles and Coastal Coolers