Tuesday, November 13, 2007

Qorshaha Lacag ururinta iyo maalgalinta Jaalliyadda Dibadda iyo Gudaha dalka.

Waxaa uu ka bilaabmayaa qorshaha Maaligalintu inuu 75% uu noqdo mid ay horseedo Jaalliyadda Qurba jooga ee Somaliland kaas oo ka midho dhalinaya baahida loo qabo horumarinta xeebaha maakhir, 25% ka soo hadhayna loo daayo dawladda iyo Hay'adaha samafalka ah ee jooga dalka oo ay u qoondaysan tahay meeshii horumar laga wado inay ka gaystaan gacan qabasho una hawl galaan si hagar la'aan ah waana noo muuqataa. (" Caawi naftaada aan ku caawinee").

Guddida hawlgalinta iyo fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Xeebaha Maakhir.

Waxay ay hay'adda Horumarintu u xilsaari doontaa guddida Degaanka gobolka oo u qaabilsan maamulka maalgalinta oo ah inay u fuliyaan sidii loo tilmaamay inay ku baxdo lacagta horumarintu sidii guddidu u qoondaysatay isla gartaana in daraasad loo soo sameeyey mashruucan iyo sidii loo hirgalin lahaa loona soo gudbin lahaa kharashka ay ku hawl galayaan guddidu si lacag ururinta marka xisaabaadka iyo wax qabadka la soo diro loogu ban dhigo deeq bixiyayaashii ka qayb qaatey lacagta bixinta inay hawshii midho dhalisay haddii ilaahay idmona si la isugu waafaqo horusocodka iyo hawlgalka mashruucan guud ahaan.

Waxaana ay soo gudbin doonaan waxqabadkooda lixdii biloodba mar waa inay soo gudbiyaan qorshihii shaqada ay qabteen iyo maalgalintii ku baxday maamulka xisabaadka kaasina uu u saamaxayo inay qarashka qaybtiisa labaad diyaar hadda u yihiin inay ku hawl galaan marka ay ka soo dhammaadeen qaybtii koowaad.

Sannad walbana waxa qorshaha xidhitaanka guud loo samayn doonaa oo laga soo qaybgaliynayaa hawlwadeena guddida iyo madaxda gobolka iyo ta dawladda labada gole iyo saddexda xisbi qaran xildhibaanadooda Sanaag, taas oo macna wayn ahaan ka turjumi doonta xidhiidhka waxqabadka gobolka Sanaag iyo Jaalliyadda qurba joogga ah gabi ahaan meel walba oo ay dunida ka joogaan in la hawl galiyo oo loo baraarujiyo inay xil iska saaraan waxqabadka iyo dayactirka gudaha dalka. Sanduuqan aanu furnayna waa horseedkii hawsha aanu xilka iska saarnay, sida ay isaga kaashan karaan mar walba qurba joogta reer Somaliland iyo Maamulka degaanku horumarinta ilaha wax soosaarka iyo maalgalinta mashaariicda shaqo abuurka leh. Waxaanan qabnaa haddii Xiis iyo Maydh laga shaqaysiiyo inay isku filaansho gaadhi doono gobolka Sanaag. Degaankii xeebaha oo ku sii dhow in la isaga guuro maanta haddii aan la daba qaban loona soo hurin maalgalin harumarin keenta inay noqon doonto albaabka ganacsiga isku xidha Bari iyo Galbeed Xeebta Maakhir iyo Hawd waana macdan sideeda ah juqraafi ahaan laakiin maamulka dawladdu guud ahaan ka gaabiyey marka runta aanu kawada hadalno waa haddii gacan qabad la siin lahaa gaadhsiiya horumar wayn

iyo dhiiri galin horumarinta Gobolka ee guud ahaaneed iyo degaanka xeebta gaar ahaanba hay'adihii samalkuna ma soo gaadhin wali waxqabadkoodi Sanaag

xaaladaha caafimaadka iyo waxbarashaduna inay hoos u dhacayaan oo laga dayrinayo maalinba maalinta ka danbaysa xidhiidhka gobolka iyo dawladdu iska kaashadaan waxqabad hor leh oo khuseeya gobolka Sanaag.

Maanta iyada oo aanu ognahay inuu guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo guddoomiyaha degmada Ceerigaabo ay qayb lixaad leh ka qaateen sidii loo keeni lahaa hay'adaha samafalka ee wax u qabta dadka oo xafiisyo saldhig ah looga furo gobolka Sanaag.

Waxaa waajib ah inaad kala soo tashataan dawladda oo loo suurto galiyo in dabarka laga furo oo la maalgaliyo dekadda iyo dalxiiska daalo iyo meelaha la midka ah si gobolku isku filaansho dhaqaale iyo wax soo saar ku filan u helo oo dalka gobolada intiisa kale la jaan qaado si dadka ku nool degaanada sanaag ee xaaladaha dhaqaale saameeyeen ugu soo hirtaan inay dib ugu soo noqdaan gobolkoodii oo ugu noolaadaan iyaga oo anfac kala soo bixi kara maanta.

Ilaahayna ha u fududeeyo maamul, ganacsata iyo rayidkaba hawshoodan


http://nasirsix.googlepages.com/caribean_rental.jpg/caribean_rental-full.jpg

Xidhiidhka Dawladda iyo Wasaaradaha ay khusayso Somaliland arrintani in laga soo dhameeyo ogolaansho qoraal ah in Mashruuca Xeebaha Maakhir loo hawl galo.

1. Wasaaradda Ganacsiga.

2. Wasaaradda Kalluumaysiga.

3. Wasaaradda Caafimaadka.

4. Wasaaradda Waxbarashada.

5. Wasaaradda Qorshaynta.

6. Wasaaradda Hawlaha Guud.

7. Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

8. Wasaaradda Dalxiiska iyo dhaqanka.

9. Wasaaradda Duulista iyo Hawada.

10. Wasaaradda Maaliyadda.

11. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

12. Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.

13. Wasaaradda Dib u Dejinta.

14. Wasaaradda Horumarinta Degaanka.

15. Wasaaradda Beeraha iyo waraabinta.

16. Wasaaradda Warshadaha.

Xidhiidhka Guud ee Gobolka iyo ka qayb qaadashada Mashruuca Xeebaha

Xidhiidhka Guud ee Gobolka iyo ka qayb qaadashada Mashruuca Xeebaha Maakhir.

Ku: Guddoomiyaha Gobolka Sanaag,

Ku:Guddoomiyaha Degmada Sanaag.

Ku: Maamulka iyo guddida Hay'adda Horumarinta Xeebaha Maakhir.

Ku: Xildhibaanada degaanka Gobolka Sanaag.

Ku: Isu duwayaasha wasaaradaha kor ku magacaaban ee Gobolka Sanaag.

Dhammaan guddoomiyaha Gobolka Sanaag iyo Guddoomiyaha degmada Ceerigaabo xildhibaanada Xisbiyada gobolka Sanaag iyo dhammaanba isu duwayaasha u fadhiya wasaaradaha kor ku xusan gaar ahaanba inay noo suurto galiyaan oo noo hawl fududeeyaan sidii aan sannadkan 2007 da bishiisa shanaad ugu hawlgalin lahayn mashruuca horumarinta Xeebaha Maakhir kaas oo u adeegaya bulshada ku nool degaanka inay helaan shaqooyinka wax soosaarka leh iyo horumarintaba si Gobolku u tiigsado ama u helo waxsoo saar shaqo keena.

Si qofku u gaadho una helo meel uu nolol maalmeedkiisa uu kala soo baxo taasi

oo ah shaqo abuuris iyo maalgalin ganacsato gaar ah oo u dhashay degaankaas kuuna horseeda dadka wax dhoofsada iyo kuwa la soo dega alaabta inay ku soo xidhmaan uguna soo hirtaan inay wax kala soo degaan dekadda Xiis iyo Maydh oo loo hurayo in la gashado Maalgalin sida ugu dhakhsaha badan ilaa Bishan May ee sannadkan aynu ku jirno degaanka xeebaha Maakhir ee gobolka Sanaag. Taas oo looga tallaabsanayo sidii loola jaan qaadi lahaa ama loola baratami lahaa ganacsiga Boosaaso iyo degmooyinka ku dhow xeebaha maakhir kuwaas oo tiigsaday heer ay kaligood xalaalaystaan cashuur qaadasho iminkana haatan ka dhabeeyey inay qaataan ganacsigii ku siin lahaaa cashuurta gobolkiina si uu idiin soo galo maal iyo cashuur aad isku maamushaan iyo dadka deggan degaanku uu ka manaafacaasado kana helaan shaqooyin iyo meherado ganacsi horumar leh.

Sidaa awgeed waa lagama Maarmaan in Guddoomiyaha Gobolka iyo ka degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag iyo xildhibaanaduba u hawl galaan sidii aan dekadda u hir galin lahayn heer ganasato shuraako ah oo u deeqa lacagtooda inay keenaan dekaddan oo ah nooca loo yaqaano (Dockport) mashruucan oo muhiim aad u ah waa kii samayn lahaa abuuri lahaana ilo dhaqaale iyo horumar.

Haddana inay xilwayn iska saaraan sidii hawshani uga soo dhammaan lahayd hawlwadeenada Gobolka ilaa madaxtooyada Somaliland iyo wasaaradaha.

Taasi haddii ay idinla tahay mid suuro galaysa oo dan u ah gobolka waa la suurto galinayaa sidii heshiis loo gali lahaa habka loo wada shaqaynayo mar aan fogayn.

Waxaanu hay'adda uga furaynaa xafiisyo Magaalada Caasimadda Somaliland ee Hargaysa, Gobolka Sanaag Ceerigaabo iyo xafiiska hawlwadeenka Xiis- maydh ee horumarinta xeebaha Maakhir oo degaanku soo wakiishay. Kuwaas oo ay ka socon doonaan xidhiidhka hawlwadeenada u qaabilsan hay'adda xagga hawlaha maamulka guud iyo xidhiidhka dawladda ilaa hawsha la dhamaynayo, ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu hawshan nagu garab galo si aanu uga midho dhalinno oo dadka iyo degaankuba uga faa'iidaystaan khayraadka ku jira dalkooda una horumariyaan nolosha ay ku nool yihiin maanta oo ay adagtay in la helo shaqo.

Haddaba iyadoo daraasad buuxda loo sameeyey waxaanu heer gobol iyo mid degmo labada mid walba u qoondaynay sidii gobolku u dabooli lahaa baahida jirta in la iska kaashado oo la abuuro shaqooyin iyo ilo dhaqaale oo tartanka ka qayb galin kara degaanada xeebaha ku dhow oo marka hore kuwaas lagala wareegay dakhligii cashuuraha xeebaha iyo horumarkii ay higsanayeen waayo way xidhmeen albaabadii ganacsi. Waxaa jirta iyaduna arrinta gobolku heerka uu ka joogo mowqifka xidhiidhka dalka Somaliland oo ah Halbawlaha dhaqaalaha Baaxad Gobol iyo mid wax soo saarka khayraadka ee dhinac walba sidaas awgeed waa in la soo dhaweeyo maalgalinta ganasiga xorta ah oo dhinacyo badan leh.

Waxaanu kaasi maanta keeni karaa isbedel wanaagsan iyo waxtar wayn u keena shaqooyin iyo horumar gobolku ka faa'iidaysan karo dad iyo degaanba waana albaabka dhaqaalaha iyo isku filaanshaha aad ku gaadhi lahaydeen.

Waxaanu isku afgaranay in hawshan aan kula garabgalno maamulka gobolka oo la qaybsano fikradaha waxtarka leh ee qurba joogu la jecel yahay horumarka dadkiisa iyo dalkiisa si uu qof walba u helo wax soosaar kuna dhiirri galino inay ka rumeeyaan sidii wax badani ugu qabsoomi lahaayeen horusocodka degaanka iyo maamulka oo lala tashado la isuna kaashado ganacsatada iyo madaxduba meel qudhana looga soo wada jeesto sidii loo samayn lahaa horumar.

Wa billahi towfiiq.

Maamulaha Mashruuca.

Sanduuqa Horumarinta Xeebaha Maakhir.

Cabdinaasir Maxamed Cabdilleh.

Horudhaca Sanduuqa Horumarinta

Mashruuca xeebaha Maakhir.

Mashruucani horumarinta xeebaha Maakhir iyo Degmada Ceerigaabo Sanaag Somaliland. Degmooyinka xiis iyo maydh ee gobolka Sanaag waxa

uu daba socdaa markii aanu aragnay baahida bulshadu u qabto in la horumariyo adeega waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga wax soosaarka sida kalluumaysiga iyo dhoofinta iyo soo dejinta alaabta kala duwan baayacmushtarka ah ee keeni karta inay shaqooyin ka abuurmaan dekadda iyo gegida dayuuradaha Ceerigaabo iyo degmada maydh.

Waxaa jirta inay dhallinyaro u dhashay degaanka ay la yimaadeen fikrad ah in la daboolo baahidan jirta oo la sameeyo sanduuq dhaqaale oo soo afjara dhibaatada ku habsatey ee ay ka cabanayaan dadka degaankan xeebaha ku nool.

Waxaa kaloo jirta baahida dugsiga sare Ceerigaabo iyo qalabka cisbitaalka wayn

Sidaa awgeed waxaa laga diiwaan galiyey Magaalada Toronto ee dalka Canada hay'addan oo ah horumarin samafalka ah oo lagu magacaabay.

Maakhir Coast Development Fund.

Sanduuqa Horumarinta Xeebaha Maakhir.

kaas oo udeegi doona danaha bulshada ku dhaqan degmooyinka oo guud ahaan horumarin ah, Taas oo la isaga kaashan doono laba qaybood oo kala ah maalgalin Ganacsato u Huraysa inay gashadaan maalgalin gaar ah oo ganacsiga ku soo celisa xeebaha iyo mid samafal ah oo nolosha bulshada caawisa sidatan.

  • Cisbitaal casri ah Maydh oo qalabaysan oo daboola baahida Caafimaadka.
  • Cisbitaalka Wayn ee ceerigaabo oo la qalabeeyo lana dayactiro ( Samafal ).
  • Iskuulka oo loo kordhiyo fasaladda iyo in lagu daro Dugsiga Dhexe/Sare Maydh iyo Iskuulka Ceerigaabo oo la qalabeeyo. ( Samafal ).
  • Horumarinta iyo xoojinta adeegga bulshada iyo ganacsiga dekadda oo la furo iyo kalluumaysiga khayraadka badda oo la dhiirigaliyo maalgalin ganacsato. ( Maalgalin ).
  • horumarin maalgalin ganacsato ku soo hirata inay maalgaliyaan mashaariic shaqooyinkeena, beeraha, gaadiidka u kala socda dekadda iyo degmooyinka gobolada Somaliland. (Maalgalin).

  • Dayactirka waddada isku Xidha Ceerigaabo iyo degmooyinka Xiis- maydh. ( NGO - Government - Private Funding & Donations ).
  • Dayactirka Gegida dayuuradaha ee Maydh oo u baahan farsamooyin xidhiidhka ah iyo dhismo maamulka Kafeteriya iyo qolalka nasashada laba qol ah. Kan Ceerigaabona loo dhiso Dhismo u qalma degmada ( Samafal ).

Xeebaha Maakhir iyagoo ah macdan dhulka jiifta waxaa ayaan darro ah inay ka baxdo muuqaalka in loo adeego horumarinta bulshada maanta ku nool xeebaha guud ahaan degaanka Sanaag si ay uga anfacsadaan khayraadka ka buuxa dhulkooda hooyo shaqoooyina uga helaan ay caruurta iyo reerahooda ka biishadaan maanta in laga guuro ayey ku dhow yihiin degmooyinkani, qorshaha maanta miiska noo saarani waa sidii aan u daba qaban lahayn arrintan gargaar degdeg ahna u siino si ay u soo ceshadaan degaan caafimaad iyo waxbarsho leh.

Waxaa Hargaysa iyo Burco iyo dalka intiisa kalaba ku sii badanaya dad isaga

soo barakacaya degaankoodii ay u dhasheen Hargaysina buux dhaafto mar dhow.

Cabashooyinkii xildhibanadu qoreen dhowaan iyo hab u dhaqanka dawladu inay waxtarto gobolka Sanaag ayanu mel uga wada guurayna marka inta aanay talo faro ka bixin arrin aan gobolka u soo wadnay oo wakhtigeedii manta yahay weeyaan arrintani waxay ku dhammaandoontaa inay guul ku danbayn doonto, ilaahayna hanagu garabgalo waxii walaalahayga Maamulka gacanta ku hayaana noo qaban karaan naga caawiyaan inta karaankooda ah hawlahana noo suurto galiyaan si rasmiya an u fulino qurba joog iyo dawlad iyo hay'adoba.

Wa billahi Towfiiq.

Maamulaha Mashruuca

Sanduuqa Horumarinta Xeebaha Maakhir.

Maakhir Coast is a Non-profit organization registered in Canada.


The main Footage of this project is to Develop Maakhir Coast

in the areas of Fishing, Trading, Ports, Road improvement, Tourism, Healthcare, Electricity, Construction, Water Purification, Zoning, Sanitation and Education.

Qorshaha Horumarinta wajiyadiisa guud maalgalin ahaan waa sidan hoos ku qoran.

  • Dekad ah nooca loo yaqaano Floating DockPort.
  • Bakhaarada kaydka alaabta ganacsiga waawayn iyo alaabta fududba laga dhoofiyo laguna kaydiyo.
  • Gaadiid fudud oo ka adeega soo dejinta alaabta iyo raristooda dekedda ilaa bakhaarada kaydka iyo maamulka xafiiska cashuuraha agtiisa ah.
  • Huteel la seexdo iyo makhaayad cunto ah oo heer dalxiis iyo degaanba casri u ah kaas oo degmadu aad ugu baahan tahay si kor loogu qaado dalxiiska.
  • Warshad korontada ka ciil tirta dhammaan ganacsi iyo degaanba oo 24 saacadood hawlgasha.
  • Qaboojiye kalluunka lagu kaydiyo la dhoofinayo iyo qalabka xidh xidhitaanka iyo jawaanada lagu dhoofiyo alaabta.
  • Maalqabeenada u dhashay degaanka ee qurba joogga oo indhaha loo furo inay tahay meeshu meel ah hodan ah si loo huro maalgalin dhaqaale horumarin ah.

Qorshaha Horumarinta qaybtiisa samafalkuna waxuu noqonayaa sidan hoos ku qoran.

  • Cisbitaalka guud ee Xiis iyo maydh oo noqon doona mid casriya oo qalabaysan.
  • Cisbitaalka guud Degamada Ceerigaabo oo u baahan qalabayn iyo dayactir.
  • Iskuulka maydh oo loo kordhiyo fasalada ardayda ilaa dugsiga la gaadhsiiyo heer waxbarasho dhexe/Sare.
  • Iskuulka Degmada Ceerigaabo oo la qalabeeyo iyo macalimiinta oo la meeleeyo.
  • Gegida dayaaradaha oo laga dhigo ilaa heer ay yeelato xafiiska hagidda, maamulka iyo qolalka nasashada taasi oo lala higsanayo in alaabta daabulka diyaaraduhu ka qayb qaataan si loo geeyo Hargaysa ilaa Ethiopia gudeheeda.
  • Haamaha kaydka biyaha la cabo iyo mashiinka safaynta biyaha oo la socda oo laga sameeyo degmada Ceerigaabo iyo Maydh.
  • Dayactirka waddada u dhaxaysa Xiis - Maydh ilaa Ceerigaabo oo la maalgaliyo Ganacsato, Samafal dhaqaale, Dawladda iyo Hay'adaha waawayn ee dunida.
  • Degmada Maydh qorshaha degaanka qaybaheeda oo si casriyeysan loo habeeyo ( Zoning for Development, Residential, Commercial and Industarial). Mapping.
  • Bilicda iyo dhismayaasha oo loo habeeyo si magaaladu u soo ceshato oo ay ula soo noqoto haybadii lagu yiqiinay meel horumar casri ahi ka muuqdona noqoto si ay u soo jiidato dadka dalxiiska ah iyo ganacsato ka baayacmushtarta Maydh inay soo degaan kana ganacsadaan iyo in helo Huteel lagu nasto oo lagu dego. waxaanu ilaahay idankii la higsanaynaa Maydh meel noqota matal ahaan mid lagu daydo oo degaanka Xeebaha Somaliland dawladeena iyo dadkeenu ka faa'iidaysto si loo gaadho isku filaansho nolol waxtar leh iyo horumar wayn leh.